War Deg Deg Ah:- Ciidamada Axmed Madoobe & Kuwa Kenya Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Magaalada Kismaayo.

0
Sunday June 30, 2013 - 17:02:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah:- Ciidamada Axmed Madoobe & Kuwa Kenya Oo La Wareegay Gacan Ku Haynta Magaalada Kismaayo.

    Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya magaalada kısmaayo ayaa sheegaya in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya magaalada kısmaayo ayaa sheegaya in
Wararkii ugu dambeeyay ee haatan naga soo gaaraya magaalada kısmaayo ayaa sheegaya in dagaalkii saakay ka bilowday Kismaayo lagu kala baxay.

Waxaana wararku sheegayaan in dhinacyadii kasoo horjeeday maamulka Axmed Madoobe ayaa la sheegay in ay isaga baxeen magaalada kaddib markii culeys ciidan la saaray, iyagoo ku sugan haatan duleedyada magaalada Kismaayo.

ayaa soo sheegaya in shacabku ay isugu soo baxeen wadooyinka waaweyn ee magaalada si ay u arkaan wixii ay geysteen dagaaladii maalmihii ugu dambeeyay ka socday Kismaayo.


Col. Barre Hiiraale, Cabdi Baalleey iyo Iftiin Xasan Baasto oo ahaa raggii isku bahaystay dagaalka Kismaayo ayaa la sheegayaa inay iyaguna ka baxeen gudaha magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin dhul-buuraley ah oo dhinaca galbeed kaga beegan magaalada.

“Xaaladda magaalada Kismaayo waa daggan tahay, waxaana si buuxda gacanta ugu haya ciidamada maamulka Sheekh Axmed Madoobe, dadkuna dibada ayay guryahooda uga soo baxeen markii ugu horreysay muddo saddex maalmood ah,” ayuu yiri Wariyaha rasmimedia.net ee Kismaayo Uga soo warama

Ma jirto mas’uul ka tirsan maamulka Axmed Madoobe ee Jubaland oo ka hadlay isbedelka ka dhacay magaalada, waxaana weli gudaha magaalada lagu arkayaa ciidamada maamulka oo wata gaadiidka dagaalka oo marba dhinac u socda.

“Hadda waxaa socda aasidda maydadkii ku dhintay dagaalladii socday labadii maalmood ee lasoo dhaafay, kuwaasoo banaanka iska yaalay tan iyo xilligaas, wax xabad ah oo magaalada laga maqlayana ma jirto”

Dagaalladii ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 30-qof oo isugu jiray shacab iyo dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan oo qaarkood lagu daweynayo isbitaalka guud ee Kismaayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured