Horumarka Dekeda Berbera ay Gaadhsiisay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee u Hormuudka Waxqabadka u Yahay Maareeye Siciid Taarikhdu Qarinmayso!.

0
Saturday February 27, 2021 - 01:00:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 4159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka Dekeda Berbera ay Gaadhsiisay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee u Hormuudka Waxqabadka u Yahay Maareeye Siciid Taarikhdu Qarinmayso!.

    Horumarka Dekeda Berbera ay Gaadhsiisay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee u Hormuudka Waxqabadka u Yahay Maareeye Siciid Taarikhdu Qarinmayso!.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka Dekeda Berbera ay Gaadhsiisay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi ee u Hormuudka Waxqabadka u Yahay Maareeye Siciid Taarikhdu Qarinmayso!.
Hargeysa(Xogreebnews)-Dekeda Berbera, waa laf-dhabarta dhaaaale ee Somaliland, waa goob Xasaasiya, waxay kamid tahay goobaha ugu muhiimsan ee lagu qiimeeyo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland, waa goob ay haboonayd in xili hore la horumariyo, maadaama oo Dekedaha iyo Madaaraddu yihiin furayaasha laga galo dal, isla markaana lagu qiimeeyo xadaarada iyo tisqaadkiisa Horumarineed inta uu le'eg yahay.
Dekeda Berbera waxay sannooyinkii u dambeeyey ku hawlanay isbedel lagu horumarinaayo, kuwaasoo isagu jira Balaadhinta iyo casriyeynta Dekedda iyo weliba Dhismaha Dekeda cusub oo Casriya, isla markaana ka duwan tii hore, maadaama oo isbedel iyo hana-qaad ay dunidu ka samaysay Gaadiidka iyo weelka wax lagu raro ee mara Badda, waxa Dekeda cusub ee Berbera laga dhigay mid Terminal ah, maadaama Maraakiibta waaweyni hada lagu soo raro Badeecadaha ay sidan Koontiinaro.
Dekeda Berbera waxa lagu sameeyey Qalabayn iyo weliba Casriyay. Sidoo kalena waxa xirfadooda shaqo si weyn kor loogu qaaday Shaqaalaha kala duwan ee Dekeda Berbera, kuwasoo la siiyey aqoon-korodhsi iyo waxbaraasho tayadeedu sarayso.
Dedaalada iyo horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera waxa ku suntan Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waxana uga sii masuul ah fulinta hawlahaas, Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo noqday masuul ay Mahadisay Dekedaha Somaliland oo dhami.
Hadii aynu dib ugu noqono waxqabadka salka Balaadhan ee Dekeda Berbera ku Talaabsatay waxa kaloo kamid ah, sadexdii sanadood ee u dambeeyey ay ku taalaabsatay dekeda Berbera oo maanta noqotay Mid Caalamiya, isla markaana ka gudubtay localnimadii.
Tan iyo intii uu Maareeyaha ka ahaa Dekeda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, isla markaana qaybta raarista iyo dejintana ay xukumaysay Shirkada Caalamiga ah ee Dp World, waxa ay Dekeda Berbera u horumartay si aan la qiyaasi karin, iyadoo gaadhay meel sare. Waxqabadka Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa kamid ahaa inuu Sadex sanaadood gudahood ku keeno laba Taag oo Casriya, kuwasoo 30 sanaadood aanay yeelan dekedu maanta ka horow. 
Sidoo kale waxa kamid ah, dhisme Sadex dabaq ah oo ka kooban 24 Xafiis iyo laba Hool oo lagu talo galay Shirarka inuu u dhisay Dekeda Berbera. Iyadoo Maamulka dekedu hada uu ku shaqeeyo, xafiisyadaas oo u qalabaysan nidaam dawladnimo oo dhamaystiran ka muuqdo. Waxana markaad gudaha Dekeda Berbera gasho indhahaagu qabanayaan sarta dheer ee midabka Dahabka ah ee loo dhisay Maamulka Dekeda Berbera.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu la yimi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato, waxanu sameeyey dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera, oo hada ah mid ka dhisan Qalab ahaan, shaqo ahaan iyo aqoon ahaanba. Dekeda Berbera waxay maanta leedahay shaqaale xirfadoodu sarayso, qaarkood uu Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi kusoo tabo-baray dalka dibadiisa, sidoo kale waxay leedahay shaqaale lagu tabo-baray gudaha dalka oo weliba dhowr qaybood ah.
Geesta kale, waxa uu Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilahi dardaar-geliyey, isla markaana geed-dheer iyo mid gaabanba u fuulay sidii uu u hirgeli lahaa Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera, waxanu ku sameeyey daba-gal iyo sidii kastoo Dekedaasi dalka ugu dhismi lahayd.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, waxa uu shaqada Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera ku hayaa Kormeer joogto ah, kaasoo todobaadle ah, isla markaana ujeedka ugu weyn ee Maareeyuhuu yahay in dhaxal umada Somaliland u aydo ha u noqoto Dekeda cusubi.
Horumarka iyo himilooyinkaa dhismaha Dekeda cusub ee Berbera waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.
Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi waxa uu noqday, Maareeyihii koowaad ee ay Mahadisay Dekeda Berbera, waxyaabo Tiro badan oo kale kusoo kordhiyey Dekeda sida nalalka Bada ee habeenkii Iftiima, iyadoo maraakibta hada habeenkii lasoo xidho. Sidoo kalena dekedu shaqayso 24 saacadoodba, nidaamka shaqaalaha iyo shaqada oo Casriya, taasina waxay fudaydisay inuu laban-laabmo ama sadex jibaarmo hananka shaqo ee dekedu u qabato Shacabka iyo ganacsatada dalka. La soco qaybaha dambe.
Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Hargeysa/Somaliland.






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured