Dhuumalaysigii Maraafiishta Codka Debecsan Iyo Dhaca Berbera ee Fooqyada Berbera, Hargeysa ilaa Jabuuti ee Xoghayaha Dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde. Warbixin.

0
Monday May 17, 2021 - 21:43:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3288
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhuumalaysigii Maraafiishta Codka Debecsan Iyo Dhaca Berbera ee Fooqyada Berbera, Hargeysa ilaa Jabuuti ee Xoghayaha Dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde. Warbixin.

    Dhuumalaysigii Maraafiishta Codka Debecsan Iyo Dhaca Berbera ee Fooqyada Berbera, Hargeysa ilaa Jabuuti ee Xoghayaha Dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde. Warbixin.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhuumalaysigii Maraafiishta Codka Debecsan Iyo Dhaca Berbera ee Fooqyada Berbera, Hargeysa ilaa Jabuuti ee Xoghayaha Dawlada hoose Berbera Cabdikariin Aadan Cadde. Warbixin.
Berbera (Xogreebnews)-Xoghayaha Dawlada hoose ee Berbera Cabdikariin Aadan Cadde, ayaa u xuubsiibtay waqtiga kala guurka ee lagu jiro ololaha Doorashooyinka Dawladaha hoose iyo Baarlamaanka Somaliland, inuu ka faaidaysato awooda xoghayenimo iyo weliba ta daad-bane ee maayirnimo, maadaama oo u Oloolle doorasho ku jiro Maayirkii ay horeba ugu rafiiqsanaayeen farsamooyinka dah-soon.
Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde, mudadii u xilka hayey waxa uu Guuryo Dabaqyo ah ka kala dhistay Magaalooyinka Somaliland intooda waaweyn iyo weliba kuwo ka baxsan dalka oo ku yaala Wadamada Wadamada sida ay tibaaxeen Ilo wareedyo ka ag-dhow isagga.
Dhisashada Hantida baaxada leh ee Xoghaye Cabdikariin Aadan Cadde Cadde kamid ah fooq laba daba ah oo ku   Xaafada new Hargeysa, kuwa Berbera ee la jaarka ah ka Maayirka iyo weliba mid u dhow Huteel Mansoor. 
Dhowaan waxay Shabakada Xogreebnews soo Bandhigi doontaa muuqaalada Guryaha, kuwasoo xoghayuhuu dhisay mudadii uu xilka hayey.
Geesta kale, Akhristayaal Aan idin guud maro inyaroo kamid Taarikhda Xoghayaha dawlada hoose Berbera iyo waayo-waayo ilaa hada.
Xoghaya Cabdikariin Aadan Cadde oo ah Nin Jimidh-yar, had iyo jeerna kulamada fagaarayaasha ku  metela shaqsi waji-furan oo farxad badan, isla markaana dad-dhexgalka ku wanaagsan, Waxa uu xilka Dawlada hoose hayey muddo ku siman 6 sanaadood, Waxa intii mudadaas ahayd u suurto galay ama uu ku guuleystay kolkii horaysay inuu xidhiidh dhow la yeesho Maayirka Magaalada gacantana ku dhigo Cabdishakuur Cidin, sidoo kale, Waxa uu Albaabada iyo daaqadihiisa u furay ganacsatada damaca badan ka hayo Xoolaha dadweynaha, sida Guryaha Dawlada iyo Dhulka danta guud.
Arrimahaasoo dhami waxay noqdeen kuwo u fudaydiyey ama u sahla inuu Magaalada Berbera ka noqdo Shaqsi Maamul iyo shacab qof jeceli iyo mid neceb midna aanu jirin.
kaddib marka shaxdii Siyaasada ee u gobolka Saaxil ku ciyaaaray,  ugu dhacday jaro irmaan ah.
Hadabaa, hadii aynu si Kooban guud mar ugu samayno isbedeladii shaqo iyo nololeed ee u soo maray Xoghayaha Dawlada Hoose ee Berbera Cabdikariin, ka sekow reer Berberanimadiisa waxa uu shaqooyin kala duwan kasoo qabtay Engo-ga Gavo, oo lagu aasaasay Magaalada Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, Waxa kaloo uu shaqo kasoo qabtay mudo dheer Shirkada Dahabshiil, oo u aakhirkii ka hawlgeli jiray xafiiska Jabuuti, halkaasoo uu isaggu Codsiga bedelaada lahaa Jabuuti.
Geesta kale, Xoghaye Cabdikariin  waxa uu ahaa Nin  u qalbi furan ina jajaban dhinaca Fanka iyo suugaanta, waxana lagu xasuustaa curinta  Heeso uu qaado Fanaan Caabi Mire iyo qaar kamid ah xidigaha Geeska, waxana si gaar ah Saaxibadii ugu xasuustaan sheeko Xariir, Farxad iyo qosol badan, gaar ahaan xilliyada lagu sugan yahay Marfashyada Codadka Debecsan.
la soco qaybaha dambe Shabakada Xogreebnews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured