Akhriso Gabayga Boholyow oo u Tiriyey Abwaan Jamaal Cali Xuseen, Kagana Waramay Sandguuraddii 10 naad ee uu Siyaasadda Somaliland u ku jiray Abwaan, siyaasi Jamaal Cali Xuseen...

0
Tuesday November 02, 2021 - 02:12:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Gabayga Boholyow oo u Tiriyey Abwaan Jamaal Cali Xuseen, Kagana Waramay Sandguuraddii 10 naad ee uu Siyaasadda Somaliland u ku jiray Abwaan, siyaasi Jamaal Cali Xuseen...

    Akhriso Gabayga Boholyow oo u Tiriyey Abwaan Jamaal Cali Xuseen, Kagana Waramay Sandguuraddii 10 naad ee uu Siyaasadda Somaliland u ku jiray Abwaan, siyaasi Jamaal Cali Xuseen...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Gabayga Boholyow oo u Tiriyey Abwaan Jamaal Cali Xuseen, Kagana Waramay Sandguuraddii 10 naad ee uu Siyaasadda Somaliland u ku jiray Abwaan, siyaasi Jamaal Cali Xuseen...
Buuraha Amreek, Keneda iyo, beelo wada yaala
Sucuudiga ah Boqortooyadiyo, Bari intii eegta  
Dawladaha Baatroolka liyo, baasha Filibiini   
Baalida Indoniisiya iyo, badaha waageersan
Bahamaas dalxiis lagu tagiyo, Miiksikiyo Boolan
Turkigiyo, Belize, iyo intii, horumar soo biirshay
Trinidad Tobeegiyo Baxreeyn, uunku badi raadsho
Barbadoos, Latin Ameerika iyo, budulkii lay jeexay
Bad Kareebiyaan iyo intaan, dal u boqoolaayey
Boston iyo intaan Yurubta weyn, duni ku soo beegmay
Aasiya badhkeediyo intaan, booqashadda gaadhay
Waddamadu intaan kuu bacdhebay, wey ka badanyiine
Boqolaal kalaa dheer intaan, caalam beegsadaye
Afrikada Galbeed iyo Baraan, baalasha u fidiye
Maxaan dunida labadeeda baal, budo la iidaamay,
Adduunyadan ballaadhane fiddaye, biraha shiilaaysa
Anigoo baxaanbax u maroo, badi ku noolaaday
Anoo caalamkaa baaxadda leh, baho ku soo yeeshay
Anigoo Bangiyo maamul sare, soo baxnaaninayey
Bartii Wall Street iyo aqaan, boqoro waaweynba
Anoo Boos ahaa derajadoo, wax uga baahneeyna
Boholyoow daraaddii dalkii, Eebbe igu beeray
Ayuun baan bartii aan ku koray, beledki soo aaday
Waxaan idhi adaa buuxin kara, baylah faraweyne
Dhulkii doorashada loo ballamay, magane soo buuxi
Bilaash taada yeel oo dan guud, uga badheedh maanta
Waxaan idhi adoo raaxo bidin, ugu boqool maanta
Waxaan idhi adaa wax u barataye, buulka la hagaaji
Aduu Qaranku kuu baahanyee, baaxad ugu hiili
Afartaa intaan buug ku qoray, beyd ma ugu sheegay
Bilaash uma gabyaayee miyaan, baadi ugu raadshay
Balan waa axdi Ilaahay iyo, barashadeeydiiye
Bahal horror, abaal xumadda iyo, dumar baroortoodba
Tacab ba’ay dheh, Muuq baahiyaha, kaan u badhi-taaray
Baylahdiisa doqonkaan kabeen, boqol halaad siiyey
Qof iskuullo cayda uga baxay, bagagi aad moodo
Isagoo badh deyntii ka mida, baqayo maalaaya
Abaal-dhiciyo cay baad ka bogan, beerka kuma hayne
Basanbaas abaareed ka daran, baad ninkaa cunay
Meel buuxi hadalkeey bulshaddu, berigi sheegeene
Bakhtigoo u xalaaluu fadhiyo, baarkin laga guuray
Nimankii Badweyn ku haftayeen, buurta sare geeyey
Raggii aan u soo hagar baxeen, soo badbaadinayey
Baabacadda nimankii kitaab, baal kastaba saaray
Ee bidixda ii dabay afkana, been i maqashiiyey


Ee bilaa abaal igu noqdee, iguna baakfeeray

Booraan markaay ii qodeen, wey sa soo barane
Bahal geed is marisaa i heliyo, beenawaas darane,
Waaw bohoro nimanka haddaanan, buug ka soo qorine
Bismillaahi baan ku xawiliyo, Boqor Ilaahaay e  
Macal dacawo barataa kolbay, boog cuntaa sun ahe
Haddii uu Garsoorkii banjaro, soona bixi waayo

Alleylehe bishaarada Allaa, been ma sheegta ahe
Is barraxaye waxa aan dadkii, uba bidhaamaynin
Barlamaan shuruuc laga rabiyo, dawladnimo buuxda
Oday baaqanaayiyo ma jiro, Beela-daajihiye
Halkii aan buurufnimo xaq iyo, beratan eegaayey
Barbaar hiil taqaanoo halkaan, bulan ka eegaayey
Banaan baxa dadweyniyo halkaan, baawar filanaayey
Markaan doorasho u soo baxay, baraqnuglaadeene

Bahbahleyn miyaan anigu rabay, been is wada dooxday
Miyaa boholo lay qarinayiyo, daawladnimo biig ah
Xisbigaan badbaadshaba maxaa, loo burburinaayey,
Ka bogsaday wixii i soo maroo, baanisaa hadhaye
Gobanimo Badmaax baa heliyo, qaarkaloo badane
Dadkaygii horgalaha i bidee, kalana beel beela
Barbaar iyo haween iyo ragii i, badhi-gantaalaayey
Bogaadin iyo bay iga muteen, baalal dahabeed e
Afartaa intaan buug ku qoray, beyd ma ugu sheegay
Bilaash uma gabyaayee miyaan, baadi ugu raadshay
Hankaan baadigoobka u nahee, shaalka laga buuxshay
Sheeko baralay waakaa noqdiyo, baab la filanayne
Dadkan waan ka biyo diidsanahay, ba’an Ugaasoowe
Kuwii boqonta gooyey markale, soo boqranayaane
Birmagaydadii laguma oga, amase waa booshe
Musuqmaasuq baahaa jiriyo, baylah faro weyne
Boogtii dadweynaha ku tiil, way buktaa weliye
Barbaartaa la kala qeybiyee, bacadka taagtaagan
Beel iyo qabiil baa jiriyo, bah iyo reer reere
Bartilmaamna ruux aan ma jiro, beerka laga laadin
Nimaanay bilaawaha la dhicin, maba bariidshaane
Waa kuwaa banaanka u fadhiya, bacad kuleyla e
Baabuur taayir kii laga furtay, naguna beegeene
Nin bakhshiish dalbanaya hadduu, baakidh madhan haysto
Bilaash xayte lama waayiyo, waali buuq badane
Siyaasiga hunguriguun bartaye, biilka garanaaya
Bakhayl xaasidka is-muujiyee, buunka lagu yeedhshay
Bayacad mushteri xiimayoo, bawlad guranaaya
Kirishbooy wax yara biirsadoo, buuri la ordaaya
Iyo niman badnaayoo arliga, laba bogleeynaayey
Beri dhow kuwaasuu nabsigu, soo bariidiniye
Beenaale taajira Alloow, buulka hay gelinin,
Dadkaygaan baraarugin haddana, boogtu kala gaadhay
Alleylehe bad iyo bay galeen, baaxad sooraba e
Adduunyaddan balaadhane ka dedan, ba’ane yoow sheega
Xidigaha in loo baratan galay, ba’ane yoow sheega
Inaan cidina boobeeyn cid kale, ba’ane yoow sheega
In loo bu’ayo guul horumarkeed, ba’ane yoow sheega
Inaan lagu badbaadaynin kibir, ba’ane yoow sheega
Dadkii qiimo wuu kala batee,  ba’ane yoow sheega,
Baadiyi nin aan dhaqanin bay, badi agjoogtaaye
Dib cid aan bartaba uumiyaha, baylahshoo nacaye
Ninka walaalkii bawdadu jabtee, baga u sii raacshay
Haddii uu barkimo dheer dhigtuu, buuni ku ahaadey

Barbariiqayaa ama si kale, bes u ahaayaaba
Barribuu nabsigu qabanayaa, waaw baraad li’iye
Dalkii bahalo mamaybaa u hadhoo, booliquuta ahe
Kana beydhe baabkii Alliyo, buundadii saxa e
Burji iyo ninkii hibo lahaa, hays bidhaansadaye
Nin tacliin bartiyo baanay rabin, barako diimeede
Waxay bananka ugu tuurayaan, baqasho weeyaane,
Afartaa intaan buug ku qoray, beyd ma ugu sheegay
Bilaash uma gabyaayee miyaan, baadi ugu raadshay
Beri horeba Raagaa ku daray, meeris bilowgiisa
Burrusku biyaha ceel ma sido, mana baqool daayo
Bartiibaa la joogaa haddaan, gabayga baandheeyo
Nabarkii bukaanaa faraa, lagala baydhaaye
Baxdow nimaan ahaynina hadduu, bigil u soo qaatay
Wadaadkaan inuu buuran yahay, ba’ane moodaayey
Bir xadiida inuu yahay ninkii, badi la sheegaayey
Buhaari ninkii lala simee, baalka laga taagay
Boqornimada taajka leh hadduu, biid ku tari waayey
Iyana sow wuxuu badhaxsadaa, baadilnimo maaha
Baal Goroyo noqoyoo waxaa, bi’iyey miisaane
Buunbuunintuu waday wataa, loo bud-dhigi waayey
Xaqii ay bireeyeen wakaa, boqonka jiidaaya

Bicil qodax leh waa kuwaa ku jaray, bohoradeeniiye

Sicir bararku waa kaa dadkii, baahi ku abuuray

In Adduunku dhowr beri yahoo, laga baqoolaayo
Ninka maalmo baacbaaciyaba, ways baddelayaaye
Haddii ay bulshana oon qabtoo, surin banaanaado
Nin hoggaan la bidayoo qadiyad, buuran lagu doortay
Hadduu Awrkii dhaan baylahshiyo, biyihii saarraaba
Oo uu banaan kaga lumiyo, ban iyo meel hawd ah
Markii baaxuurkii laga tagaa, baando loo jabaye
Baayaalka muuqdiyo la arag, badhifurkoodiiye
Dadkan baraf la saaraye dalkii, lagu hor boobaayo
Baaxaddeggiyo waayihiyo, xaalad bacaleelka
Saansaankaa haddaan laga baddelin, shicibki bayhoofye
Taladii la baal maro marbay, baafin leedahaye
Mar haddaanay baarandeg mudan, baadi waaw halise,
Basharnimadda aadmiga kolbaa, baari loo noqone
Bankimoon heshiisyada ninkii, heedhe burinaayey
Iyo borobogaandihiiba waa, sida burciiddaase
Waa niman bad nuuradinayoo, baacin laafyaha e
Ulo booc leh inaan ugu tukubi, waa u beer qabaye
Inaan Malagga laga baajinayn, ba’ane yaaw sheega,
Dalkan Baaniyaalladu gurteen, beesad iyo xoolo
Bushimuhu haddeey laasimaan, beentu waa cudure
Baandada dalkani haysatee, bu’a bu’eeynaysa
Muska inay ka beydhaan la rabay, bohol dahsooneyde
Basar loo wadaa baan la rabay, boqolka meeloode
Baashaal ma jiro haatan iyo, inay is baanshaane
Bedel yare wixii laga sugiyo, beri samaadkiiba
Dadkii baagamuunduu yahoo, waa bar kuma taale,
Afartaa intaan buug ku qoray, beyd ma ugu sheegay
Bilaash uma gabyaayee miyaan, baadi ugu raadshay
Markuu booska soo sahansaduu, lacagta baandheeyay
Waraabihii Bakaylaha noqdaye, been ku shaqo doontay
Gudiddii cadliga loo bidaye, loo bandhigay doodda
Iyaguna badhkay qarinayeen, wuu ku soo baxaye
Wax la baab ah beledkeenan iyo, baylahaa jira e,
Rajadeenu wey badan haddii, buuni loo xulo e
Inkastooy nin aan billi lahayn, sacab ku boobsiiso
Inkastooy dilaal iyo badraan, baalka sii sudhato

Bidhikaalana ay xulato iyo, bahalo jaanjaaman
Inkastooy qabyaaladdi buruud, buuxsinkii dhigatay

Bulsho lama maleeye Allaa, waaga noo berine

Maruunba Raggii waxan na baday, baabah laga yeeli
Banaan iyo mus kuu doonayaba, hays ballaadhsado e
Beledkaaba laga waayayaa, belo nin sheegtaaye,
Baatroolka ciiddeena een, beecna lagu doonin
Iyo biyahii laga waayaybaa, lagu barwaaqoobi

Wallee aanse loo kala baxayn, baaqigaa hadhiye
Macdanteena buuraha markaa, badi la soo saari
Mar uunbuu ka soo bixi shacbigan, hanad wax beeraaye
Anna waxaan baryadda Eebahay, boqorka weydiistay
Alle inuu na baantoo arliga, nagu badhaadhshaaye
Nabsi baxana uu i siiyo iyo, waxan bogaadshaaye
dhamaad
Baaxuur= qof karti leh
Baayaal= darxumo badan
Bacalleel = waa fadhiga ay ka muuqato maahsanaanta iyo daranyaddu


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured