Isbedelada Siyaasadeed ee ay Keentay Magacaabistii Wasiir Cali Mareexan ee Deegaanada Bariga Burco iyo Kaaderintii Xisbiga Kulmiye ee Quusta Taagnaa!!!. Faallo: Xogreebnews Staff Writer.

0
Saturday October 30, 2021 - 05:29:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 2482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isbedelada Siyaasadeed ee ay Keentay Magacaabistii Wasiir Cali Mareexan ee Deegaanada Bariga Burco iyo Kaaderintii Xisbiga Kulmiye ee Quusta Taagnaa!!!. Faallo: Xogreebnews Staff Writer.

    Isbedelada Siyaasadeed ee ay Keentay Magacaabistii Wasiir Cali Mareexan ee Deegaanada Bariga Burco iyo Kaaderintii Xisbiga Kulmiye ee Quusta Taagnaa!!!. Faallo: Xogreebnews Staff Writer.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbedelada Siyaasadeed ee ay Keentay Magacaabistii Wasiir Cali Mareexan ee Deegaanada Bariga Burco iyo Kaaderintii Xisbiga Kulmiye ee Quusta Taagnaa!!!. Faallo: Xogreebnews Staff Writer.
Muddo laba biloodka ah, ayaa Laga jooga Markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md Muuse Biixi uu Golaha Xukumaddiisa ku Sameeyey isku shaandheyn, taas oo samaysay in Xukumaddiisa Laga saaro qaar kamid ah golihisii wasiirada, iyaddo taas bedelkeedana uu Golaha Xukumaddiisa kusoo biirayey xubno Wasiiro ah oo Cusub.
Wasiiradii cusbaa ee uu Madaxweyne Muuse Biixi kusoo daray Xukumadda, waxa kamid ahaa Siyaasi Cali Mareexan oo u Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyada Somaliland. Magacaabista Wasiir Cali Mareexan waxa ay kusoo beegantay waqti xasaasi ah, oo ay Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi iyo deegaanada bariga Burco ee u dhalasho ahaan kasoo jeedo Wasiir Cali Mareexan ay siyaasiyan aad u kala fogaadeen.
Haddaba Qormadeenan kooban kaga hadli mayno Waxqabad uu Wasiir Cali Mareexan fuliyey mudada kooban ee Xilka Wasiirka Horumarinta Biyaha hayey, hase-yeeshee waynu kaga hadli doonaa, Siyaasiyan muxuu ka Bedelay magacaabista Wasiir Cali Mareexan deegaanada uu kasoo jeedo ee bariga Burco iyo weliba Xisbiyahanaddii la biyo diidana Kulmiye iyo Xukumaddiisa, maadaama oo Wasiir Cali Mareexan kamid ahaa Xisbi-yahan kamid ahaa aas-aasayaashii Kulmiye ilaayo waqti xaadirkana aan xisbi kale ku biirin.
Sidee ayey bulshada deegaanada bariga Burco u qaabileen Magaacabistii Madaxweyne Muuse Biixi ee Wasiir Cali Mareexan, Waxgaraadka iyo Haldoorka kale ee bulshada deegaanada aan soo sheegnay waxa ay ku qaabileen Magacaabista Wasiir Cali Mareexan soo dhoweyn Balaadhan oo ka socotay Warbaahinta kala duwan mudo aan ka yarayn todobaad, kuwasoo madax-dhaqameedka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada si mug leh ugu boggaadiyeen Madaxweynaha Magacaabista Wasiirka.
Intaa Waxa kale, oo xigay inuu Wasiir Cali Mareexan mudada kooban ee u joogay Wasaaradda Horumarinta Biyaha si weyn ugu mashquulsanaa shirar doceedyo iyo kulamo Siyaasadeed oo u la yeelanayey shaqsiyaadka saamaynta ku leh deegaanada bariga Burco ku abtirsada iyo xisbiyahanadii kale ee saluugsanaa Xisbiga Kulmiye iyo sida uu wax u maamulayo.
kulanada Wasiir Cali Mareexan ee qoor-weynta Beeshiisa, ayaa Wasiirka u diiday nasasho, isagoo Wasiir Cali Mareexan ku qaabilayo Labada gelin ilaa habeenkii Xafiiska iyo fagaarayaal kale, waxana Durbaa uu Wasiirku gacanta Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadda Madaxweyne Muuse Biixi kusoo celiyey Taageerayaal tiro badan oo in mudo ahba aan la dhacsanay Xisbiga Kulmiye iyo Xukumadda ba.
Wasiir Cali Mareexan, ayaa noqday mid durba taageero mug leh u keenay Xukumadda uu kamidka yahay iyo Xisbiga Kulmiye. waxanu sidoo kale dib u hantay, isla Markaana ku qanciyey kaaderin mudo ka biyo-diidsanaa oo ay kala foggaadeen Xisbiga Kulmiye.
la soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured