Deddaalada iyo Tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee uu Samayey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

0
Sunday February 28, 2021 - 00:42:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Deddaalada iyo Tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee uu Samayey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

    Deddaalada iyo Tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee uu Samayey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Deddaalada iyo Tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee uu Samayey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.
Jabuuti(Xogreebnews)-Kartida, daacadnimada iyo Firfircoonida shaqsiyadeed ee masuul qaran uga wakiil ah, qadiyada u baahan in laga dhaadhiciyo dal aan ku aqoonsanay iyo in lagu yeesho dalalka aduunka Saaxibo ku dhego-nugul, waa mid dhibkeeda leh, hadana waxa dayrarkaas dumiyay oo Somaliland u sameeyey Saaxibo, Masuuliyiin qaranku u xushay inay Iib-geeyan dedaalada qarankani ku jiro.
Sidoo kale, waxa jira waddaamo Somaliland la jaar ah, oo mudooyinkii hore aanay jirin xidhiidh Saaxibtimo oo wada-lahaayeen, hase-yeeshee sannaadihii u dambeeyey oo samaysmay, Isla markaana xoogaystay Xidhiidh Saaxibtimo iyo iskaashi iyo weliba kor u kac Diblumaasiyadeed oo ka dhexeeyo.
Hadaba, Waxaynu Qormadeenan Maanta Kusoo qaadan doonaa Waxqabad mug leh iyo Guulo diblumaasiyadeed oo ay gaadhay Safaarada Somaliland ku leedahay dalka Jabuuti, oo sadexdii sannadood ee u dambeeyey oo ay samaysay isbedel gaan-qaadhnimo ah, iyadoo uu kor-u-kacay heerkii Diblumaasiyadeed ee Somaliland ku dhex lahayd dalka Jabuuti, isla markaana Safarada Somaliland la siman tahay Safaaradaha kale ee Wadamada aqoonsiga haysta, ku leeyihiin Wadanka Jamhuuriyada Jabuuti. 
Safaarada Somaliland ee Jabuuti, waxay kaalin weyn oo Diblumaasiyadeed ka qaadatay Meeqaamkii sare ee dhowaan lagu soo dhoweeyey Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigiisi, sidoo kalena waxay doorweyn ka qaadatay u kala dab-qaadista labada dawladood.
Dedaalada iyo tis-qaadka Diblumaasiyadeed ee Somaliland uga soo kordhay Jamhuuriyadda Jabuuti, waxa ku suntan Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Amb. Cabdifatax Siciid Axmed iyo labada Madaxweyne ee labada Dal Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Ismaacil Cumar Geelle, oo la yimmi cilaaqaad toosa oo Diblumaasiyadeed oo meeqaamkiisu sareeyo.
Isbedelada Siyaasadeed ee Geeska iyo firfircoonida Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Jabuuti, waxay Safaarada gaadhsiisay inay la meeqaam noqoto, saafaradaha kale ee dhigeeda ah, iyaddoo loola macaamilo qaab isku derejo ah, oo aan kala hooseyn, sidii hore u jiri-jirtay, waana waxqabad uu la yimmi Safiirka Somaliland ee Jabuuti.
Waxa kaloo xusid mudan, talaabadii Safaarada Somaliland ee Jabuuti kusoo farsaamisay bulsho badan oo reer Somaliland ah, kuwasoo Xiligii Coronavirus ku xayirmay Jabuuti, isla markaana uu safiirku u gurmaday, dedaalo uu sameeyey Kadibna u ku guulaystay inuu Diyaarad khaasa rakaab ka badan 80 Muwaadin kusoo guryo-celiyey dalkooda Hooyo.
Waxa kaloo Guulaha Diblumaasiyadeed kamid ah, Tusaale ahaan Gaadhiga uu wato Safiirka Somaliland ee Jabuuti, waxa ku dhejisan, Taarikada Baaburta Safiirada Igad, waana dedaal ay ku majiirtaan dadka sida dhow ula socda horumarka iyo tisqaadka Safaarada Somaliland ee dalka Jabuuti, inuu la yimmi safiir Cabdifatax Siciid Axmed.


Sidoo kale Safiir Cabdifatax waxa uu fudaydiyey, isla markaana uu dedaal iyo juhdi geliyey isu-socodka labada dal, oo xilliyadii hore ay bulshada Somaliland caqabado kala kulmi jireen, gaar ahaan Gaadiidka iyo qaybaha bulshada iyo weliba ganacsatada labada dal, waxanay talaabadaasi noqotay mid si weyn loogu majiirtay Safiirka oo ka shaqeeyey iyo Xukuumadaha labada dal, oo hagaajiyey cilaaqadkoodii.
Geesta kale, waxa uu Safiirku Dayac-tir iyo qalabayn dhamaystiran ku sameeyey xafiisyada Safaarada Somaliland ee fadhigeedu yahay Magaalada Jabuuti, iyadoo la kordhiyey tirada xafiisyada iyo shaqaalaha, isla markaana qalab cusub oo ilaa heer diblumaasiyadeed ah, lagu soo kordhiyey Safaarada Somaliland ee dalka Jamhuuriyada Jambuuti.
La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured