Horumarka Ay Dekeda Berbera Gaadhsiiyeen Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Waa Mid u Muuqda Sida Cad-ceeda!!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

0
Friday March 26, 2021 - 18:40:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 7738
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Horumarka Ay Dekeda Berbera Gaadhsiiyeen Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Waa Mid u Muuqda Sida Cad-ceeda!!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

    Horumarka Ay Dekeda Berbera Gaadhsiiyeen Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Waa Mid u Muuqda Sida Cad-ceeda!!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horumarka Ay Dekeda Berbera Gaadhsiiyeen Madaxweyne Muuse iyo Maareeye Siciid Waa Mid u Muuqda Sida Cad-ceeda!!!. Qalinkii Farxaan Aadan Jaamac.
Sadexdii sanno ee u dambeeyey waxay Dekeda Berbera maalinba-maalinta ka Dambaysa ku talaabsanaysay horumar dhinacyo badan, isla markaana waxay u guurtay oo ay noqotay Deked caalamiya, iyadoo hada ku biirtay Dekedaha geeska kuwa ugu casrisan.
Dekeda Berbera waxay nasiib u heshay maalgelin caalamiya iyo Xukuumada u hagar-baxday, kuna mashquulsan sidii ay u kobcin lahayn kaabayaasha dhaqaale ee dalka, oo ay ugu horayso Dekedaha iyo goobaha dakhli soo saar, maadaama oo ay Somaliland tahay, dal aan lahayn wax soo saar, isla markaana caalamku siinin aqoonsi, sidoo kalena ah wadan israatiijiya, balse ay ku socdaan dagaalo Siyaasadeed oo dhowr jiho kaga imanaya.
Hadaba marxadahaas oo dhan, waxay Somaliland kaga soo gudubtay go'aan shacab iyo wada tashi qaran, waxanay hada muujisay Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi gadhwadeenka ka yahay inay dhexda u xidhato horumarinta Dekedaha Somaliland, oo ay ugu horayso Dekeda Berbera, isla markaana ay ku xigeen Dekedaha kale ee yaryar, maalingelinta ay ku samaysay Shirkada DP World, Dekeda Berbera may suuro-gasheen hadii aanay Xukuumada Somaliland ee Madaxweyne Muuse Biixi talada hay, isla markaana aanu Dekeda Berbera Maareeye ka ahayn, maareeye Siciid Xasan Cabdilahi, oo mudadii uu xilka hayey sameyey horumarka baaxada leh ee dhinacyada Dekeda oo dhan, isla markaana hirgelinta Dhismaha Dekeda cusub ee Berbera u fuulay geed-dheer iyo mid gaaban, kaasoo aakhirkii hada ku guulaystay, waxana hada ay Maraysa Dekeda Berbera mid dhamaatay 95%.
Dekedii hore ee Berbera, waxay noqotay mid iyadana lagu sameeyey horumarka baaxada leh, iyadoo kor loo qaaday aqoonta Shaqaalaha, dhinacyada badda ee soo xidha Maraakiibta iyo guud ahaanba hawlwadeenada. Sidoo kale, waxay Dekeda Berbera nasiib u heshay inuu Maareeyaha Dekeduhu soo Iibiyey laba Taag bout oo Casriya, kuwasoo soo xidha hada Maraakiibta waaweyn iyo wax kasta oo looga baahdo gaadiidka Badda. 
Waxa kale, oo Maareeye Siciid Xasan Cabdilahi oo ku shaqaynaya Siyaasada Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi uu ku guulaystay inuu Dekeda Berbera usoo ibiyo Doon Casriya, Kuwasoo ay raacan Bayloodada ka hor taga Maraakiibta, doontaas oo ay ka babanayaan calanka Jamhuuriyadda Somaliland. 
Waxa kaloo kamid ah Guulaha iyo horumarka baaxada leh ee ay ku Talaabsatay Dekeda Berbera sadexdii sanno ee u dambeeyey Dhismaha Casriya ah ee loo dhisay Dekeda Berbera oo ka kooban xafiisyo tiro badan iyo hoolal lagula shiro cid kasta ama lagu qaabilo. Waxa kaloo xusid mudan in si weyn oo waax-waax ah loo aqoon korodhsi loogu sameeyey Shaqaale-weynaha Dekedaha Somaliland gaar ahaana hawladeenada Dekeda Berbera. 
La soco qaybaha dambe.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured