Nabsigii Laga galay Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Qarxay. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.

0
Wednesday March 10, 2021 - 18:17:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3327
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nabsigii Laga galay Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Qarxay. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.

    Nabsigii Laga galay Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Qarxay. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nabsigii Laga galay Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Qarxay. Qalinkii Farxaan Aadan Xasan.
"Nin walaalkii xaasiday ha galo, xaramki naareede
Xaalkaniba ma joogeen haddii, lay xanaansado e
Xillo wada ahaanaye hadaba, xoor ha laga maalo"
          Tuducyado ka mid ah Gabay uu Tiriyey Cali Jaamac Haabiil
Gabayaagii weynaa ee Cali Jaamac Haabiil Ilaahay haw naxariistee ayaa beri qolooyin ay tol guud ahaayeen oo khiyaameeyey isaga iyo beeshiisa. ayaa kolkii ay iyaga Turkiga ku direen ee reer tolkii la laayey ayuu isaga iyo beeshiisuna la soo safatay Ingiriiskii oo qoladdii hore u khiyaamaysay ka saartay Berbera. Hadaba dhamaan reerihii oo dhan riciyad Ingiriisku ka dhigay ayuu Abwaankii weynaa ee Cali Jaamac Haabiil ayaa tiriyey gabay ay ku jirtay tuducyadda kor ku xisani. 
Hadaba waxa maanta I xasuusiyey gabaygaa Cali Jaamac Haabiil in aan arkay rag aad u tiro badan oo dagaal xaasidnimo iyo micno la’aan ah ku qaaday oo maanta uu soo riday nabsigii ay ka galeen ninkaa hamiga weyn leh ee wax u soo bartay dalka ee Jamaal Cali Xuseen isagoo waayo aragnimo iyo aqoon uu ku tartamaba lahaa, isagoo ka mid ah shaqooyinka ugu waaweyn caalamka si uu dalka wax ugu qabto. 
Haddaba dadka ugu waaweyn ee uu nabsigii ku qarqarxay waxaa ugu tun waaweyn Ganacsade Maxamed Aw Siciid, iyo gacanyarahiisii Cali Gobanimo oo iyagu Ina Cali Waraabe lacagta u siiyey in uu xisbiga burburiyo oo uu helo 4% kuna badeshay in guri loo dhiso. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa wasiirkii madaxtooyadda ee isagu hawlaha maxkamadda sare iyo in laga xukumo u tafo xaytay maantana xisbigii xataa laga eryey. Muuse Dalab iyo Ina Qaalib oo kala hogaaminayey gudiyaddii Ciise Muuse iyo Sacad Muuse ee Dan iyo Duco iyo Hoodaale oo isku Subeer Awal noqday oo duudsiyey hankii Jamaal Cali Xuseen isagoo xisbi la soo baxay uu musharax ka ahaa muddo afar sono ah. Haddaba kuligood intaa iyo qaar kaloo fara badani waxay dhamaantood iskaga mid yihiin inuu Ilaahay ku karbaashay kii ay xaqdaradda ugu hiilinayeen isagoo laftigiisu ka diiday xaqdaro iyo dano gaar ahaaneed oo ay wateen.
Horta rag qaar malaha way ku naar tagayaan qawlka iyo axdiga ay ummadda horteedda ka galeen iyo khiyaamadda ay weliba ku faanaan ee ay Tvyadda la soo istaagaan iyaga iyo weliba kuwii ku taageersanaa. Kuwaa waxa ugu horeeya Faysal Cali Waraabe isagoo ninkii u hiiliyey dabada mindi kaga dhuftay oo isagii loo soo adeegsaday, kolkii lagu dan gaadhayna inta dhulka lala dhacay oo caagad lagu dhuftay ayaa uu weliba BBC da ka sheegay in hooyaddii la caayey. Ceeb iyo nacsanimo ka weyni ma jirto; godobta uu galayna iskaa ifkee waa mid ilaa aakhiro daba socota Ilaahay waxbuu ku tusayey hadduu caqli leeyahay oo kii uu u hiilinayey ayaa isagii lagu karbaashay.


Hadaba fari kama qodna qofkuna ma dareemo kolka ay cadaalad daradu dadka kale ku dhacayso ilaa isaga iyo caruurtiisa ay meesheedda ugu timaado. Rag tiro badan baa ay weli sugaysaa xataa ninkan kursiga ku fuulay duudsiga uu rag waxay xaq u lahaayeen duudsiyey, hadaanay isaga ku dhicina caruurtiisa ayeey sugaysaa. Rag badan oo Jamaal tolkiis ahaa oo dagaal iskaga qaadayna maanta farta ayeey dhexdiisa ka qaniinsan yihiin, qaarna waa wakhtigoodu wuu iman. Waar hooy dulmiga dadka kale ha layska ilaaliyo, xataa hadalka aad ku duudsinayso xaqa qofka kale ayaa ah dulmi, hadaanad ficil iyo hadal midna ugu hiil karaynin iskaga aamu. Naftaada haw soo jiidin hadimo adigoo u hiilinaya xaqdaro qof kale oo hadhow adiga ku dulmiya.
Qalinkii 
Farxaan Aadan Xasan. 
Canada 
Farxaan12@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured