IS-BARBARDHIG CIGAAL IYO MUSE BIIXI IYO KHILAAFKA SOO IF BAXAY EE U DHEXEEYA MARWADII CIGAAL IYO MADAXWEYNAHA MUUSE....Ragna dhuunuu kuu Dhex Joogaa, Ragna dhaqashuu kuugu dhabar Go'ay.
IS-BARBARDHIG CIGAAL IYO MUSE BIIXI IYO KHILAAFKA SOO IF BAXAY EE U DHEXEEYA MARWADII CIGAAL IYO MADAXWEYNAHA MUUSE....Ragna dhuunuu kuu Dhex Joogaa, Ragna dhaqashuu kuugu dhabar Go'ay.
Waxaan doonayaa in maqaalkan kooban aan kaga faaloodo laba nin oo qaranka Somaliland maxadwynahayaal ka soo noqday.
Waxaan doonayaa in aan is barbar dhig miisaaman oo isu dheeli tiran ku sameeyo sifayaasha labadaanin kala leeyiin,weliba dhacdooyin isu eeg bal nin waliba Sida uu uga taliyay.
Waa Muse iyo Cigaal labadaa nin ee aan qoraalkan rabo inaan isku dhereriyo iyo nin walba garashadiisa iyo aqoontiisa qofeed, damiirkiisa, damaciisa qofeed iyo dhawrista anshaxa hogaamineed ninba siduu u arko.
Maan bixine murti horaa ahayd "Ninna Dhaqadhuu kuugu Dhabar Jabay, Nina Duuni buu Kuu dhex Joogaa..”
Waa hees geel jire weligeed jirtay, oo ku saabsan sida loogu kala lexejeclo badanyay geela dhaqashiisa. Oo ninka geela leh iyo ninka dhoobiga ah ee caanaha uun inuu ka dhamo jeceli kolay lexejeclada si uma wada arkaan.
Halkan inkasta oo aan ula jeedo geela qaranimada hadana ulama jeedo qaranimadu Waa wax la kala leeyay, si aan dadku qalad u fahmin Waxaan uga jeedaa Waa loo kala lexejeclo badnaa.
Had iyo jeerna waxay Somaidu tidhaahdaa nin weyn baa reer dantiisa og.
Is barbardhiga labadan hogaamiye wuxuu ku saabsanyay arimo aan is idhi way isu sar go’an yihiin oo midna umaad eexan.
1. Waa laba go’aan oo labadaa madaxwayne mid ba markuu madaxweynaha ahaa gaadhay.
2. Labada go’aanba waxay ku saabsanyihiin dhul hanti qaran ah oo si sharci daro ah u rabaan dad madaxweynaha ilmaadeeradii ah (nepotism) ama qaraabo kiil. Waa Muse iyo Cigaal e
3. Labada warqadood ee halkan ku sawiran midna waxa qoray Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal midna waxa qoray Muuse Biixi Cabdi.
Ta Maxamed X Ibrahim Cigaal (AHN) waxay daarantay inta aan madaxwynaha ahay qof reer Cigaal ah oo guryaha hantida qaranka qaadan kara ama la siin karo ama sii iibin kara midna Ma jirto. Waan sii sharxi taa.
4. Warqada labaad na waxa qoray Muse Biixi Cabdi 12 April ee sanadkan 2020 sebenkii coronavirus ka. Wuxuu ku amrayaa in dhulka la siiyay Kaltun Xaaji Daahir Cigaal oo ahayd Marwadii Madaxweynihii hore ee Somaliland marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal lagala wareego dhulkii la siiyay qoys ka madaxweynaha markii uu geeriyooday ee dawladii Rayaale bixisay.
Mushkulada kaliya ee halkaa ku jirtaa waxa weeye Muse intaanu madaxwyne noqon iyo intuu ahaaba Waxaa jiray muran ka dhex aloosnaa qoyska madaxwaynaha (reer Cabdi Dameer) iyo Kaltuun xaaji Daahir oo soo jiitamay in xal loo helo, Taas oo Kaltuun iyadu aaminsantay inaan labadan nin ee Muse Ilmaadeerka yihiin ahayd kuwa dhulka ku haysta ee uu Muse Biixi laftiisa yahay qofka ka danbeeyaa.
Arintaas oo markii ay xog heshay ay saxaafada ka sii daysay. Siyaalaha ay ku ogaatay iyadaan u dhaafayaa laakiin anagu waxaanu ku war helay ama ku xaqiiqsanay markii aanu helay warqad aan iyada laga soo wargelin in dhulkaa laga qaado marwada marka laga reebo guri yar oo afar qol ah oo ay iyadu ka dhex dhisatay oo weliba qabyo ah.
Gurigaas oo xataa la damcay in saq dhexe lagu gubo dadki ku eedaysnaana in sharciga la hor keeno si badheedh ah la isaga hor raagay ‘meel sare’
Aan isoo noqdo is barbardhigeenii. Somalidu waa duul baas oo kolay musuq iyo qaraabakiil lagama waayee waxaa dhacday berigii Maxamed Ibraahim Cigaal uu ahaa madaxweynaha ayaa nin ay ilmaadeer yihiin oo shaqaale dawladeed ahaa uu galay guri ka mid ah guryihii dawlada ee shacabka. Iska caadi bay ahayd in guryaha dawlada ay galaan dadka dawlada u shaqeeya ama mujaahidiinta ah ama dantartaba ah, balse way yarayd in guri dawladeed qofna u badheedho inuu iibiyo.
Ninkaas waxa la odhan jiray Weli Daa’uud Cigaal waxaanu ahaa madaxwryne Cigaal inaadeerkii run. Waxaa loo sheegay Maxamed Ibraahin Cigaal in Weli (AHN) uu u yimi ganacsade la yidhaa Baxsane oo uu doonaayo inuu gurigaa hadhkiisa ka iibiyo, isagoo ganacsaduhuna ugu dhigaaya arinka Weli Daa’uud Waar dawlada Anaa ka dhamaysanaaya inay si rasmi ah iiga iibiso gurigee adigu hadhka uun igu wareeji (tenancy).
Arintaa markuu Maxamed Ibraahim ka war helay ayuu qoray warqadan oo format keedu la mid yahay tan Muse Biixi qoray ee ku dhinac sawiran. Wuxuu la hadlayaa: wasiirka Hawlaha Guud dhulka iyo Gaadiidka.
Duqa Caasimada Hargeisa
Taliyaha Booliska iwm.
Waxaanu yidhi: " Aniga doonaaya inaan umada loo tusin inaan hantidii qaranka reerkayaga u qaybinaayo, waxa aan maqan idinka ahay in aydaan arin caynkaas oo kale ah fulin meel kastaba ha idinka timaadee, iyadoo aydaan marka hore Aniga isoo gaadhsiin. Waxa taas ka mid ah guryo qaranku leeyay oo la siiyay nin Ina Daa’uud Cigaal ah, oo uu isna ka iibiyay nin Ganacsade ah oo la yidhaa Baxsane. Sidaa daraadeed siinta hore iyo iibka dambe midna waxba kama jiraan”
Saxeexa: Maxamed Ibraahim Cigaal, shaabaduna Waa tan uu Muse Biixi imikaba wax ku saxeexo.
Waxayse warqada maxamed xaaji Ibraahim Cigaal Ina tusaysaa inuu ahaa nin qaraabo kiilka aad iga soo hor jeeda, oo aan kursiga u fuulin inuu daaro korodhsado iyo inuu aduun ka dhaqdo midna.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Wuxuu ahaa madi aabihiina nin Qani ah buu ahaa, Wuxuu ahaa ilmihii ugu horeeyay ee isagoo aabohii gacanta hayo school la geeyay, sadex nin ama afar nin baa ka horeeyay wax school la qoro. Cabdiraxman Axmed Cali, Ina Xaaji Aadan Cilmi Qabile, iyo laba nin oo kale. Intaba reerahoodaa laga soo xaday oo waxa soo xaday walaaladii oo ahaa aabayaashii waxbarashada. Sida aan ka akhriyay buuga taariikh niloleedkii Yusuf Xaaji Aadan, markii la aasaasaayay dugsiga Sheekh Bashir si ay arday u helaan ay ku bilaabaan school ka waxay Maxamuud Axmed Cali iyo Yusuf Xaaji Aadan ku tashadeen waar orodoo ana aan walaalkay sooxado oo geela ka soo kaxeeyo adna walaalkaa reerkiina ka soo xad. Balse Maxamed Wuxuu ahaa ilmihii ugu horeeyay ee isagoo waalidkii raali ka yahay dugsi lagu daro.
70 guri in ka badan buu aabihii uga dhintay, bank statement ka Ibraahin maalintii dhintay Waxaa u taalay bankigii ingiriiska £8,000,000 sideed milyan oo Sterling Pounds ah. Inuu xoolahaa dhaqdo oo ku raaxaysto ma rabin Maxamed. 70 kii guri iyo lacagtiiba wuu ku polick gay, hal guri kama soo reebin. Lacagtaana Wuxuu u adeegsaday inuu siyaasad ku abuuro gumaysigana ka kuciyo dalka.
Waxaa la yidhi markii Maxamed sidaa ugu tagrifalaayay hantidiisa gaarka ah ayaa Waxaa su’aal waydiiyay nin la odhan jiray Ina xashiish oo isna tujaartii berigaa ka mid ahaa. Wuxuu yidhi "waar ma xoolihii aabahaa sidaan ogay ku dhaqay ayaad sidaa u baabi’inaysaa”
Cigaal Wuxuu ugu jawaabay, "haayoo Waxaan doonayaa mid aan ku sawiranahay inaad tiriso oo aad kala garan waydo inta aad leeday iyo inta aan leeyay”
Waa xikmad cajiib ah! Dadkuse May fahmine wuxuu u jeeday waxaan hanti gaar ah ka door bidayaa horumar iyo qaranimo aad dadkayga gaadhsiiyo.
Tusaale Ha sadexaad ee aan soo qaadanaayo ee wax inaga tusaysa shaqsiyadii iyo himilooyinkii uu lahaa Cigaal ee aan filaayo inay aad uga duwan yihiin kuwa Muse Biixi Cabdi waxa ka Mid ah. Sanadkii 1968 mar uu ahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal prime Minister kii Somalida ayuu booqasho ku tegay dalka maraykanka isagoo kala hadlaayay arimo dhawr ah oo ay ka mid ahayd qaboojinta colaad dhex marta Ethiopia iyo Somalia, Kenya iyo Somalia iyo in taa bedelkeeda laga shaqeeyo xasiloonida gobolka wixii tabasho ahna lagu dhameeyo wadahadal.
Waxaa waqtigaa Madaxweyne ka aha Maraykanka Linden Johnson oo ku xigay J F Kennedy oo hore ay Cabdirashid Cali Sharmarke buuri isugu tufeen.
Markii la baraayay Linden Johnson Cigaal Ayaan doonayaa inaan ka soo qaato paragraph ka ugu horeeya.
"39 years old and one of the youngest and most dynamic African leaders. He is educated by the West and speaks English fluently..... he has very little interest outside politics”
Intaa ugu dambaysa "he has very little interest outside politics” Waa qiimayn dhab ah oo ninkaas shaqsiyadiisa ka turjumaysa. Taas oo macnaheedu yahay "wax dan iyo muraad kale ah oo ka baxsan siyaasada Ma laha”
Yacni guryo dhiso iyo lacag badan bangiyada ayuunka ku ururso iyo waxaasi kamay dhaadhacsanayn.
Wuu akhriyi karaa documents kaa qofkii doonayaa.
Laakiin Waxaan uga jeedaa sidii horeba loogu yiqiin, saadaashuna u ahayd, ragii yaqaanayna ay sheegeen markii uu geeriyooday, Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Wuxuu ku dardaarmay in sharciga lagu dhaqdo oo madaxwyne ku xigeenku dalka gaadhsiiyo marxalad doorasho sidii qorshihiisu ahaa.
Markii Daahir Rayaale Kaahin xukunka la wareegay si qarbo qarbo ah ayaa, Isla markaana la ogaaday inaanu Cigaal Waa ninkii 70 guri lahaaye aanu haba yaraatee wax guri ah oo hanti ah aanu lahayn ayaa xukuumadii iyo ragii wax garadka ahaa yidhaahdeen meel la odhan jiray xerada Hanhashta oo dadka lagu ciqaabi jiray oo jeelal dhulka hoostiisa ahi ka dhisan yihiin halkaa marwada Ha la siiyo si ay uga dhigto meel marxuunkana lagu xusuusto laguma soo bandhigo taariikhdiisa, siyaasadiisii hogaamineed iyo waayihiisii jeelka.
Sidaas baa marwo Kaltun x Daahir oo ahayd Marwadii Madaxweyne Cigaal isla markaana ah the founding Director of Egal Foundation lagu siiyay dhulkaas oo qaybna residential ah qaybna loogu talo galay In foundation kaa aan sheegay laga dhiso.
Dhulkaas Waxaa lagu bixiyay decree to Madaxweyne oo process sharci ah soo maray. Waxaana laga saaray diiwaanka hantida qaranka 2007 dii, waxaanay madaxwynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku amar ku bixiyeen laguna wargeliyay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud oo xiligaa ahaa Siciid Sulub inuu ka saaro dhulkaa diiwaanka hantida qaranka isla markaana loo sameeyo mulkiyad shaqsi ah (Private Land Registration). Taas oo lagu socodsiiyay dhamaan hayadaha dawliga ah ee ay qusayso.
Sidaa awgeedna Marwo Kaltuun Xaaji Daahir iyo Egal Foundation loogu sameeyay dhamaan wixii documents ahaa ee lahaanshaha dhulkaas, cabirkiisa iyo xataa inay lahaato wax alaale wixii ku dhex yaala cabirkaas, haday geed tahay, haday goof tahay iyo haday guri tahayba.
Qaybta dambe Waxaan kaga hadli warqada Muse Biixi Cabdi soo qoray 12 April 2020.
WARQADA LABAAD.
Warqada labaad Waxaa qoray Muse Biixi Cabdi, waxaanay xafiiska madaxweynaha kasoo baxday13 April 2020 kii. Waxaanu madaxweynuhu ku socodsiiyay wasiirka Hawlaha Guud, dhulka iyo Guriyaynta. Waxaanu OG siiyay haya’do dawli ah oo sida la isu raacraaciyay aan Anigu sharci ahaan la yaabay:
Waa kuwan hayadahaasi faaladu Ha inoo dambayse:
- Wasiirka Hawlaha Guud, dhulka iyo Guriyaynta
- Duqa Magaalada Hargeisa
- Gudoomiyaha Gobolka Hargeisa (badha saabka)
- Taliyaha Ciidanka Booliiska
- Wasiirka w/Arimaha Gudaha
- Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee JSL
Aan isla eegno format ka sare iyo sida warqadu u qorantay iyo waxa ka qaldan iyo ciduu Madaxweynuhu ugu gacan haadinaayo arinka.
Ugu horayn madaxweynuhu Wuxuu warqada u qoray wasiirka Hawlaha guud isagoo leh Waxaan tixraaxayaa warqada sumadeedu tahay HWG/DH&G/255/2030 oo ku taariikhaysnayd 01/042020, oo ahayd ayaamo ka dib uun markii Kaltun x Daahir safaadada ka sheegtay in Muse Biixi Dhulka ku haysto, warqadaas oo jawaab u ahayd warqad hore oo madaxweynuhu u diray wasiirka isla Markaana uu kaga dalbaday inuu usoo gudbiyo fikir ka dhulka Kaltuun iyo macluumaad la xidhiidha. Muse na isagoo si colaad iyo gar ma qaate nimo ah uga fal celinaaya hadalkan Kaltuun ayuu qoray warqada. Waxaanu tidhi inta guriga 4 qol ah ee ay degantay mooyee inta kale Waa hanti qaran. Axxx aheey ah, madaxwaynuhu wuu ficil jawaabaye Waxaa u egayd inuu archives ka baadho waayo Wuxuu ka heli lahaa documents iyo process is daba taxan oo la xidhiidha arintan.
Madaxweynuhu sida warqada ku cad documents ka uu la tashaday waxa weeye laba document.
Ta koowaad: Waa warqada wasiirku soo qoray ee uu kaga dalbaday in wasaaradu soo gudbiso dhamaan documents ka laga hayo dhulka kaltuun oo xafiiska wasiirka ka soo baxday 01/04/2020. Warqada labaad na waxa weeye tan halkan ku sawiran ee kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha 12/04/2020.
Mudada u dhaxaysa labada waraaqood Waa 10 cisho. Waa 10 cisho oo warqad iyo jawaab isaga iyo wasiirkiisa dhex martay. No more legal documents to be consulted with.
Arinta labaad waxa weeye Kaltun X Daahir oo arintani khusayso lalama socodsiin Waana laga qariyay. Sida muuqata kuma jirto dadka OG ya la siiyay. Taas oo muujinaysa in wax la qarinaayaa jirto. Xaga sharciga hadii aad qof xataa guri kiro ah ka saarayso oo aad ‘eviction warrant’ usoo goyso Waxaa lagaa rabaa inaad qofkaa u dirto eviction warrant ka.
Sababta uu Muse taa u ilaaway garanmayno.
Waxaa warqada ka muuqata hanjabaad ama abuse of power:
Tusaale ahaan:
Wargelinta Taliyaha Booliiska Qaranka iyo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee JSL.
Wargelinta labadan hay’adood baa iyaduna dhib sharci ah leh khilaaf xaga distuurka ahna keenaysa.
Aan ku horeeyo Taliyaha Booliiska ee Ciidanka Qaranka
1. Nidaamkeenu wuxuu u dhisanyay hanaan awood qaybsi ah oo ah sadex hayadood oo kala madax banaan. Hayadaha Gardoorka, hayada Executive loo yaqaan ama dawliga ah iyo Hayadaha Sharci Dejinta. Sadexdaa ha’adood waxa soo raaca oo hoos timaada hayad sadexaad oo la yidhaa hayadaha amaanka oo ay ka mid yihiin BOOLISKU. Boolisku waxay u dhexeeyaan garsoorka iyo dawlada Waana kuwa laga rabo inay sharciga ilaaliyaan. Sida halkan ka muuqata iyada oo aanu tixraacayn go’aan maxkamadeed ama dambi lagu soo ogay Marwo Kaltun horta xaq uma uu lahayn madaxweynuhu inuu OG u diro Taliyaha Ciidanka Booliska Qaranka. Waayo dacwad is haysasho ah oo dhex martay Muse Biixi iyo Kaltun X Daahir Cigaal oo maxkamadi dhegaysatay Ma jirto. Sidaa daraadeed madaxwaynuhu isaga oo aan la tashan sharciga dalka u yaal ayuu qoray warqad siyaasad hinaas ah.
Waxaanan rajaynayaa inuu sharciga la tashado.
Cida kale ee ku qoran warqada waa gudoomiyaha Maxkamada Sare. The Supreme Court. Aan Madaxweyne halkaana kuu yara sharxee horta maxkamada sare Waa maxkamada ugu saraysa dalka.
Laba siyood bay u gaadhaan ama loogu gudbiyaa kiisaska maxkamada sare. Mid Waa civil midna Waa criminal. Dacwooyinka civil ka ah Waa dad isku haysta hanti iyo qaan iyo wax la xidhiidha.
Dacwooyinka criminal ka ahna Waa kuwo la xidhiidho faldambiyeedyo. Sida aan ka war qabo ma jirto wax dacwad ah civil or criminal oo ay marwo Kaltun X Daahir Cigaal kuugu eedaysantay ama xukun aad ku soo oogtay oo maxkamada heer ka koowaad dambi aad ku soo oogtay ku heshay, mana jiro dacwad taagan oo idinka dhexaysa iyada iyo adiga.
Maxaa markaa la yaable Maxkamada Sare sideed ku gaadhay? Sideed warqad OG ah ugu qortay? Ma markhaati bay kaaga ahayd arin India dhex maray adiga iyo Marwada?
Miyaanad se ogayn inay tahay hay’ad kaa madax banaan?
Judiciary system ku wuu kaa madax banaan yahay, fara gelinta kaliya ee aad ku leeday Waa inaad soo magacowdo gudoomiyaha maxkamada sare. Marka aad si waafaqsan sharciga aad u magacowdona waa gudoomiye inoo siman oo adiga maxkamad ku saari kara.
Anigu hadalkaa Waxaan u qaatay handadaad ama shaqadaan kaa eryayaa oo dee xayndaabkii sharcigaad soo dhaaftay.
Sidaa daraadeed waxaan ku farayaa sharciga ilaali oo weliba adigu isku ilaali, warkaagana la fiirso, wadanku hawl badan baa ka qabyo ahe dantaada shaqsiga ah ka hor mari ta qaranka, bir ma geydo yeelo, umada xanaan baa lagu dhaqaa meelaha qaarkood ka xishood, kugu faani karimayno sidaad u dhaqmayse la imoow sifooyinkii aan kuugu faani lahaa.
Please, like, and share and please comment on this matter. Your opinion is highly valued and appreciated. Don’t shy away from a healthy discussion because of fear of persecution.
Yassin Ismail Leave a comment |
|
IS-BARBARDHIG CIGAAL IYO MUSE BIIXI IYO KHILAAFKA SOO IF BAXAY EE U DHEXEEYA MARWADII CIGAAL IYO MADAXWEYNAHA MUUSE....Ragna dhuunuu kuu Dhex Joogaa, Ragna dhaqashuu kuugu dhabar Go'ay.
IS-BARBARDHIG CIGAAL IYO MUSE BIIXI IYO KHILAAFKA SOO IF BAXAY EE U DHEXEEYA MARWADII CIGAAL IYO MADAXWEYNAHA MUUSE....Ragna dhuunuu kuu Dhex Joogaa, Ragna dhaqashuu kuugu dhabar Go'ay.