Khasaaraha ka dhashay Wadada Berbera iyo Hargeysa u dhaxaysa wuxuu ka badan yahay wadada laynoo dhisaayo.W/Q. Sacad Cilmi Faarax.
Khasaaraha ka dhashay Wadada Berbera iyo Hargeysa u dhaxaysa wuxuu ka badan yahay wadada laynoo dhisaayo.W/Q. Sacad Cilmi Faarax.
Wadada isku xidha berbera iyo hargaysa oo ah wadnaha somaliland ee ay maraan gaadiidka ugu badani, guud ahaan gaadiidka waaweyn ee xamuulka qaada oo qiyaas ahaan dhan 600 gaadhi maalintii waxaa mara ilaa boqol gaadhi oo kuwa waaweyn ah kuwa yar waxaa maalintii mara gaadiid gaadhaya ilaa 150 kolkay sidaa tahay muddo iminka ku sugan 7 bilood wadadaasi sidaa u socodka badani waxaa la yidhi waa la dhisayaa ilaa intaasna way burbursanayd baabuurta ay qabtaa ee ku burburay mudadaas kama yara 160 gaadhi inta kale ee martaana waxba lama nool, is waydiintu waxay tahay ma waxtar baa lagu sheegi karaa khasaaraha ka dhashay haddii uu ka badan yahay wixii laga rajaynaayey, maanta ma jiro hal gaadhi oo somaliland ah kana shaqeeya wadadaasi oo dib loo isticmaalayo, waxaa la heli lahaa qaab kan ka fiican oo wadadan lagu dhisi lahaa, gaadiidka badeecadaha sida lagu nabad gelin laha, sida wadadan loo wado waxaa ka muuqata inaan waxba kale la danaynayn , ee keliya looga dan leeyahay in kolba tv-yada lagaga faano wadadii coridorka ayaa dhismaysa, lama eegaayo khasaraha faraha badan ee bulshada soo gaadhaysa, waxaa ka muuqata inaan qaabka loo wada aanu ahayn mid laga fiirsaday, ama daraasad laga sameeyey, sida kolba inyar loo dhaqaajinaayo, ee aan xitaa inta la sameeyo loo furayn ee ay isaga xidhnaanayso, marka aad waydiiso lagu odhanaayo ninkii carrabka ahaa lala sugaya, marka aad waydiiso maxaa wadani sidan kuma gelayso eh qaab kan ka dhaqso badan loo isticmaali waayey carrabkii baan lacagta soo dirayn oo wadadu u taagan tahay,
Ugu dambayn waxaan madaxweynaha u soo jeedinayaa inaab si sax ah hawshan wadada loo wadin ee ay ka badan tahay khasaaraha ay ina gaadhsiinaysaa, waxa laynoo samaynaayee, aad u soo jeesataa qaabka wadadani u soco, kalana hadashaa cid kuu xil saaran iyo cida maalgelinaysaba sida ugu dhaqsaha badan wa bilaahi tawfiiq Leave a comment |
|