Madaxwaynaha Somaliland oo Baaq u Diray Beelo ku Dagaalamay Fadhi-gaab, kana Hadlay Joojinta Qaadka....
Madaxwaynaha Somaliland oo Baaq u Diray Beelo ku Dagaalamay Fadhi-gaab, kana Hadlay Joojinta Qaadka....
Hargeysa(Xogreebnews)-Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo goor dhaweyd bulshada la hadlay, ayaa ugu horrayn baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Fadhi-gaab, waxana uu usoo jeediyey inay joojiyaan dhiigga daadanaya.
sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu ka hadlay qorshaha xukuumadda ee xanuunka Covid-19, isaga oo tilmaamay inay qaadeen tallaabooyin badan oo dhinaca taxaddarka ah, islamarkaana ay xukuumad ahaan fureen AKOON gaar u ah xanuunkan, kuna shubayaan lacag dhan saddex milyan oo doollar, isaga oo ganacsatada iyo cid kasta oo hanti, aqoon iyo fikirba haysa ugu baaqay inay ka qayb qaataan gurmadka qaran ee lagu jiro.
Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale ka hadlay arrinta qaadka oo cabashadiisu soo badanayso, waxana uu caddeeyey in mushkilada qaadku tahay mid xukuumaddu ku baraarugsan tahay, balse aan lagu joojin karin laab la kac iyo caaddifad, islamarkaana ay diyaarinayaan qorshe heshiis lagu yahay oo si dhibaato la'aan ah dalka loogaga joojin karo. Leave a comment |
|