WASIIRK XIRSI OO KA HADLAY XASUUQII SIYAAD BARRE U GAYSTAY SHACABKA SOMALILAND WAKHTI SIILAANYO LAFTARKIISU XASUUQAY MAATIDII IYO CARUURTII

0
Friday June 28, 2013 - 18:56:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRK XIRSI OO KA HADLAY XASUUQII SIYAAD BARRE U GAYSTAY SHACABKA SOMALILAND WAKHTI SIILAANYO LAFTARKIISU XASUUQAY MAATIDII IYO CARUURTII

    Bulshada caalamka garnaqsiga inaga dhexeeya waa hal mid “Qiraalka Jiritaankayaga iyo Ixtiraamka Rabitaanka Shacabkayaga”

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bulshada caalamka garnaqsiga inaga dhexeeya waa hal mid “Qiraalka Jiritaankayaga iyo Ixtiraamka Rabitaanka Shacabkayaga”
Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Somaliland Md Xisri Cali Xaaji Xasan, ayaa ka hadlay xuska 26-ka June ee 53 guurada ka soo wareegtay markii Somaliland boqortooyadii Ingiriiska ka qaadatay xornimadeeda iyo sidii ay u khasaartay.

Qoraal Wasiirka Wasaaarada Madaxtooyadu ku baahiyey Balooggiisa gaarka ah ee GUUSHA.COM ayuu si faahfaahsan ugaga hadlay 26-ka June iyo sababaha keenay in Somaliland Madax-banaanidii fool habowday ula soo noqotay.

sidoo kale wasiirku waxa uu ka hadlay xasuuqii loo gaystay shacabka somaliland

Qaladkaas dhacay Wuxuu sababay in Shacabka reer Somaliland ay dib u galaan Gumaysi dadban oo ka xanuun badan kii hore,balse Mudo kadib yar iyo waynba intay dib u kulmeen ayey ku fikireen in ay dib u soo ceshadaan xoriyadoodi ay marka horeba lahayeen

Bulshada caalamka garnaqsiga inaga dhexeeya waa hal mid “Qiraalka Jiritaankayaga iyo Ixtiraamka Rabitaanka Shacabkayaga” “Existence Recognition”

Jiritaanka iyo Madaxbanaanida Somaliland maaha mid ku timid qiiro iyo tiro kooban oo dad ah oo goostay in Somalialnd ay goosato, balse jiritaankeena iyo gooni isku-taageenu waa mid cod shacab ku dhisan oo in ka badan 97% ayaa u codeeyey in Somaliland noqoto dal madaxbanaan

dadka moodaya ama si jilicsan u sheega in dooda u badan ee Somaliland ay tahay waa nala dilay iyo waa nala laayay, waxaan u sheegaynaa in Somaliland shacabkeegu ahayn mid cuqdad qaba oo waa dad ogsoon in Dawladii sidaa ka yeeshay ay gacantooda ku Dumiyeen kana guulaysteen, balse arinku intaa ka sal balaadhan yahay oo uu yahay rabitaan iyo doonitaan shacab

1) Wali waxaanan ilaawi karin dadkayagii masakiinta ahaa ee bilaa sabab loo laayey, 2) Waxaanaan ilaawi karin 280 Xabaalo wadareedyo “Mass Graves” ee ay ku aasan yihiin dadkayagii reer Somaliland ,

3) Waxaanaan ilaawayn madaxdayadii bilaa sabab loo xidhay loona laayey.

4) Waxaanaan ilaawayn XOriyadii nalaga qaaday ee 3 galabnimo nala xarayn jiray

5) Waxaanan ilaawayn diyaaradihii intay Hargeisa ka kacaan hadana dib u garaacayey isla markaana ku wadayey ilaa ay maxasta iyo ubadku ka talaabayaan xadka.

dadka dhacdooyinkaas wali u haysta wax sahlan ama Caadifadwaxaan leenahay waa khalad labaad oo aad ka galaysaan Shacabka Reer Somalialnd.


dhacdooyinkaas hadii ay nagu samayn lahayeen cadaw shisheeye, waanu iloobi lahayn, balse waxa sidaas noo galay waa Ciidankii Xoooga dalka, Ciidankii loogu talo galay in ay Cadaw naga Caawiyaan ayaa Caruurtayadii Curyaamiyey!!!

isla markaana ku garaacayey shacabka hubkii lagu soo iibiyey cashuurtii laga qaadayey.

waxaa wax laga xumaado ah in go’aankaas uuna ka soo bixin hal iyo laba qof balse uu ahaa go’aan dawladaysan oo loo dhan yahay “Tixraac Buuga: Letter of Death!!!

Ugu dambayn Walaalahayaga Somaliyeed kama xumin in ay guul gaadhaan, kama xumin in ay dawlad noqdaan oo maxastooda ku darayeysan Xeryaha qoxootiyadu ka raystaan diifta haysata mudo 22 sano ah, balse waxaan meel adag ka taagan nahay jiritaankayaga iyo rabitaanka shacabkayaga, waxaan leenahay dawladnimo inaga dhaxaysa horay ayaan u soo aragnay dhicina mayso in khaladkii shalay aan mar labaad galnee ha waayina Walaaltinimadayada iyo in aan noqono laba dal oo walaalnimo iyo jaarnimo ka dhaxayso.

dhamaan intan wasiirku ka soo sheekeeyay waa wax jira waana dulmi loo gaystay shacbi waynaha reer somaliland lkn maanta hadaynu ka hadalno xukuumadda talada haysa waxa hubaal ah in madaxwayne siilaanyo laftarkiisu mudadii uu xilka hayay uu laayay dad shacab ah oo waliba an galabsan wax danbi ah markaa waxa xusid mudan in wasiirka la xusuusiyo in xukuumadda uu ka tirsanyahay laftarkeedu ay xasuuq ba’an u gaysatay dad maati ah

tiradda dadka lagu xasuuqay somaliland mudaddii siilaanyo haystay ayaa ah tiro aad u badan hadii aan kala qaadqaado

mudaharaadkii hargeysa ee wakhtigii doorashada waxa ku dhintay 4 qof halka ay ku dhaawacmeen tor labaataneeyo ku dhawi

dadkii lagu xasuuqay saylac oo iyana gaadhaya toboneeyo dhaawac iyo dilba uskugu jira

borama laftarkeeda waca lagu laayay dad mudaharaad samaynaayay wakhtigii doorashada

burco waxay ciidanka RRu du ku dileen qof shacab ah isna kadib markii si badheedha ciidanka boolisku u toogteen ninkaas shacabka ah oo ahaa macalin

isku soo wada duuboo tirada dadka siilaanyo uu xasuuqay mudadii uu xilka hayay ayaa aad u xadi badan waxaanay tani cadaynaysaa in xukuumadda siilaanyo ay gaystay xasuuq aan yarayn waliba xukuumaddu wax garawshiyo ah kama bixiso dadka ay layso

halkan hoose ka eeg dadkii siilaanyo xasuuqay

xasuuq 1xasuuq1

dacwad1

xus1Dad ka tiiraanyaysan xasuuqii siilaanyo sameeyay

xusDad ka tiiraanyaysan xasuuqii siilaanyo sameeyay



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured