Xogo Iftiimiyay Lunsiga Dakhli Cashuureedka Kastamka Kalabaydh Oo Sare U Kacay Saddexdii Maalmood Ee U Dambeeyay Iyo Sabobaha Keenay!...

0
Tuesday March 24, 2020 - 16:40:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xogo Iftiimiyay Lunsiga Dakhli Cashuureedka Kastamka Kalabaydh Oo Sare U Kacay Saddexdii Maalmood Ee U Dambeeyay Iyo Sabobaha Keenay!...

    Xogo Iftiimiyay Lunsiga Dakhli Cashuureedka Kastamka Kalabaydh Oo Sare U Kacay Saddexdii Maalmood Ee U Dambeeyay Iyo Sabobaha Keenay!...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xogo Iftiimiyay Lunsiga Dakhli Cashuureedka Kastamka Kalabaydh Oo Sare U Kacay Saddexdii Maalmood Ee U Dambeeyay Iyo Sabobaha Keenay!...

GABILEY(Xogreebnews)-Muddo Afar Maalmood ah Ayaa laga joogaa,Markii Dawladda Soomaliya ay Joojisay Safaradii xaga Cirka ahaa ee ka iman jiray dallalka aduunka,amarkaa ka soo Baxay Xukuumadda Dawladda Soomaaliya ayaa saamayn gaara Ku yeeshay Diyaaradihii soo qaadi jiray Qaadka iyo Rakaabka ee ka iman jiray dalka Kiinya.Xayiraaddaasi ayaa sabobtay in qaadkii ka iman jiray dalka Kiinya uu ka yimaaddo dalka Itoobiya,waxaana si xawli ah u kordhay qaadka ka yimaadda dalka Itoobiya,ka dib markii ay qasab noqotay in dhammaan qaadkii Miirooga la waayo,isla markaana Qaadka Itoobiya la geeyo magaalooyinkii iyo deegaanadii lagu cuni jiray qaadka Miirooga laga bilaabo Laascaanood,Gobollada dhexe illaa magaalada Muqdisho soona maro Somaliland gaar ahaana lagu cashuuro Katamka Kalabaydh.

 

Haddaba xubno ka mida Shaqaalaha kala duwan iyo Wakiillada ganasatada Jaadka uga cashuura ee ka howl gala Katamka Kalabaydh ayaa Shabakada wararka Wajaalenews.net u sheegay in lunsiga dakhli cashuureedka Katamka Kalabaydh uu noqday saddexdii maalmood ee u dambeeyay mid aan qarsoodi ahayn oo ay ka warhayaan dhammaan Shaqaalaha kala duwan iyo wakiillada ganacsatada Qaadka uga cashuura Katamka Kalabaydh .

Ka dib markuu dibadda u soo baxay khilaaf ka dhex qarxay maamullada saddexda hayadood ee ka hawl gala Katamka Kalabaydh sida Maamulaha Wasaaradda Maaliyadda,Wasaaradda Ganacsiga iyo Taliyaha Booliska Ilaalada Cashuuraha,iyadoo wararku sheegayaan in khilaafka madaxda Kastanka Kalabaydh  salka ku hayo hannaanka loo qaybsanayo Lunsiga laga Musuqmaasuqay dakhli cashuureedka Katamka Kalabaydh,waxaana wax lala yaabo ah in Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Agaasimaha guud mooganaadaan khilaafka maamulka ee bannaanka soo dhigay xaddiga lunsiga iyo Musuqmaasuqa ee ka jira Katamka Kalabaydh .

Wararka aanu ka helayno ayaa sheegaya in khilaafkan maamulka Katamka Kalabaydh salka ku hayo habka loo qaybsanayo lacagta laga lunsado Dakhli cashuureedka,iyadoo heshiiskii ay ku qaybsan jireen uu ahaa in Maamulka Wasaaradda Maaliyaddu uu qaato 50 %.Halka taliyaha Booliska ilaalada Cashuuruhu ay ka qaadan jiray 33 %.Halka Maamulka Wasaaradda ganacsigu ka qaadan jireen 17 %,inkastoo wararku sheegayaan in maamulaha Katamka Kalabaydh Mr Axmad Habane uu ku soo qanciyay maamulka Katamka Abaarso oo la’aantii aanu u soorto galayn in uu lunsado dakhli cashuureedka dawladda in uu  kula soo hishiiyay in uu siin doono saami buuran waxii laga lunsado ama laga musuq-maasuqo cashuurta qaadka,iyadoo wararku intaa ku dareen in ay isku khilaafeen muumule Axmad Habane mamulaha Ganasiga iyo Taliyaha Booliska Ilaalada Cashuuraha,heshiiskaa maamulka Kastamka Abaarso uu la soo galay oo aanu kala tashan.

Si kastaba ha ahaatee,wararka ayaa intaa ku daraya in maamulaha Katamka Kalabaydh uu baddalay hannaankii uu u shaqayn jiray,waxaanu u muuqdaa nin ka rajo dhigay in uu muddo kale sii ahaado maamulaha Katamka Kalabaydh,ka dib markuu ka cadhooday kormeer si adag u baadhay dakhliga cashuureedka soo gala Katamka Kalabaydh oo aan wali soo saarin xog dhaba oo ku saabsan in lagu helay musuqmaasuq iyo lunsiga dakhli cashuureedka ee uu caadaystay Maamule Axmad Habane iyo in lagu waayay waa Afrika iyo caddaaladeede,iyadoo lagu tilmaami karo tallaabadan uu qaaday Maamulka Kastamka Kalabaydh Axmad Habane maahmaahda odhanaysa Layligu Biyaha Uurkiisa Ku Jira Ayuu Ka Boobaa .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured