DIYAARADDII AY WADA RAACEEN...Diyaarad yar ayaa waxa wada raacay, Muse Biixi, A/Rahman Cirro, Faysal A. warabe, Jamal A. Hussein, Gabadh yar oo 8 jir ah, iyo Pilot kii diyaaradda waday.W/Q. Cali Xaraare Sheeko Xiiso badan

Diyaaraddii ayaa markii ay meel dhexe maraysay cillad farsamo ku dhacday. Pilot kii wuxuu go'aansaday inuu diyaaradda ka boodo. Diyaaradda waxaa saarnaa 5 Baarashuut( Parachute) .dadkana tiradoodu waa 6 qof.
Pilot kii ayaa hal Baarashuut la goostay. Muse Biixi ayaa isna hal Baarashuud ku booday, Faysal baa ka daba booday, A/Rahman Cirro ayaa isna hal Baarashuut garbaha sudhay oo ka booday Diyaaraddii.
Waxaa isku soo hadhay Jamal A. Hussein iyo gabadhii yarayd.
Jamal baa gabadhii ku yidhi : Adeer adigaa soo koraya oo ubaxii berrito ah ee qaado halka qudha ee Baarashuud ee inoo hadhay , Anigu naftyada adigaan kuu hurayaaye dhaqso u bood.
Gabadhii baa tidhi: Adeee 2 Baarashuut baaba hadhay, innagu fillan ee aan ka boodno diyaaradda.
Jamaal oo yaabban baa yidhi : oo Adeer, siday 2 Baarashuut u hadhay?
Gabadhii waxay tidhi: Adeer Faisal A. waraabe ayaa garbaha sudhay shandaydii iskuulka (Back pack) isaga oo u malaynaya Baarashuut (Parachute).
Jamal A. Hussein isaga oo qoslaya ayuu Baarashuudkii xidhay wuxuuna gabadhii ku yidhi : Allaylehe caqligaasi caqligii Faysal waa yahay.!
Waxaa Qoray: Ali Harare kaftanka siyaasadda Leave a comment |
|