Fadeexad: Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Qaaday Sawiir Bah-dil iyo sumcad xumo ku ah, Kuna Faafiyey Baraha Bulshada...

0
Saturday February 29, 2020 - 12:48:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1146
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadeexad: Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Qaaday Sawiir Bah-dil iyo sumcad xumo ku ah, Kuna Faafiyey Baraha Bulshada...

    Fadeexad: Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Qaaday Sawiir Bah-dil iyo sumcad xumo ku ah, Kuna Faafiyey Baraha Bulshada...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadeexad: Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada oo Madaxweyne Muuse Biixi ka Qaaday Sawiir Bah-dil iyo sumcad xumo ku ah, Kuna Faafiyey Baraha Bulshada...
Hargeysa(Xogreebnews)-Waaxda Warfaafinta Madaxtooyada Somaliland, ayaa baahiyey dhowaan muuqaalo Sawiiro ah, kuwasoo ku saabsanaa kulankii Xisbiyada qaranka Somaliland iyo Madaxweynaha iyo weliba beesha Caalamka ku kala saxeexdeen heshiiskii dhowaan lagu soo afjaray khilaafkii mudada dheer kala irdheeyey Madaxweynaha iyo labada Xisbi mucaarid.
Hadaba Akhristee sawiirka idin muuqdaa waxa lagu baahiyey barta Facebook ee Madaxtooyada, iyadoo aakhirkiina laga Saaray, hase-yeeshee Bulshada ku xidhan bogga Madaxtooyada ayaa la degay sawiirka, kuwasoo isla markiiba ku baahiyey baraha Bulshada.
Muuqaalka sawiirkan Madaxtooyada laga soo xaday, ayaa ah mid bar madowku ah Madaxweynaha, Isla markaana ka baxay gacanka waaxdii uu aaminay ee warfaafinta, taasoo Aan la garan Karin ujeedada dhabta ah ee ay u baahiyeen.
Waxa xusid mudan in kulankaa warbaahintu dibad-joog ka ahayd, cida muuqaalka waybinaysay ama Warbaahinta usoo diraysay ay ahayd Madaxtooyada. Si kastaba ha ahaatee maha markii ugu horaysay ee ay gacanyarayaasha Madaxtooyaddu baahiyaan muuqaal sumcad dil ku ah Madaxweyne Muuse Biixi, balse dhowr jeer oo hore ayey sidan oo kale dhacday.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured