Layaabka Isku Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo Saqdii Dhexe Ee Xalay Soo Saaray, Digreetada Oo Khaladaadkeedu Xadka Ka Baxay, Wasiiro Wasiiro Laga Dul Keenay Oo Aan Xilka Laga Qaadin, Iyo Wasiiraddii Beesha Madaxweynaha Oo Xilka Qaadista Ka Bad Baaday

0
Tuesday June 25, 2013 - 08:01:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1042
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Layaabka Isku Shaandhayntii Madaxweyne Siilaanyo Saqdii Dhexe Ee Xalay Soo Saaray, Digreetada Oo Khaladaadkeedu Xadka Ka Baxay, Wasiiro Wasiiro Laga Dul Keenay Oo Aan Xilka Laga Qaadin, Iyo Wasiiraddii Beesha Madaxweynaha Oo Xilka Qaadista Ka Bad Baaday

    Fallo London (xogreebnews.com Waxaa lsyaab ku noqotey warbaahintii caalamiga aheyd isku shaandhaynta ah ee caawa laga soo saaray xarunta madaxtooyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fallo London (xogreebnews.com Waxaa lsyaab ku noqotey warbaahintii caalamiga aheyd isku shaandhaynta ah ee caawa laga soo saaray xarunta madaxtooyada
London (xogreebnews.com Waxaa lsyaab ku noqotey warbaahintii caalamiga aheyd isku shaandhaynta ah ee caawa laga soo saaray xarunta madaxtooyada Somaliland ayaa ahaa mid uu ku jiray khaladaad dhinaca qoraalka ah, iyo weliba jahawareer ka muuqday xubno aan la kala garanaynin xiligaasi in xilalkii ay hayeen laga qaaday, in xilal kale loogu bedelay iyo in loo daayey labadaba.




Layaabka ay isku shaandhayntani lahayd ayaa waxaa ka mid ah sidoo kale, iyadoo lagu soo kordhiyey golaha wasaaradda wasaarado cusub oo la isku lamaaneeyey laba xil oo aad u kala fog oo aad is odhanayso qofkii wasaaradda u magac bixiyey si caqli caafimaad qabta ku jirto uma u fekerin, waxaana wasaaradahaasi ka mid ah wasaarad cusub oo loo bixiyey wasaaradda xidhiidhka golayaasha, cilmi baadhista iyo tiknoolajiyadda, layaabka kale ayaa isaguna ahaa wakhtiga la sii daayey isku shaandhaynta oo ku beegna 1:00 habeenimo saqdii dhexe, oo badiba wergeysyada lagu wargeliyey saqdii dhexe inay la sugaan daabicistooda warkani.

Bal akhriste aynu kala qaad-qaadno khaladaadka, jahawareerka, iyo ilduufka ka muuqday magacaabistani oo qofkii qoray, kii falkay, iyo kii maskaxdiisa ay ka soo muhahatayba aad is odhanayso deg deg badan, iyo ka fiirsasho la’aan badan ayaa ku jirtay oo iyaga laftigoodu waxay ahayd in isku shaandhayntani lagu daro.

1. Qaabka Qoraalka iyo eray-falkidda oo aad u liitatay

Qoraalka ayaa ahaa u muuqday in qofkii qoraayey uu si deg deg ah, oo aan ka fiirsasho lahayn u xardhaayey weedhaha, kelmadaha, shaqaladda, iyo xarfaha afka soomaaliga, qoraalka ayaa ahaa mid aad u daciif ahaa, isla markaana qofkii qorayey ama kii samaynaayey uu u dhigay si ka baxsan anshaxa dawladnimo, isla markaana aan u qalmin waraaq ka soo baxda xafiis madaxweyne.

Qoraalkani digreetada isku shaandhaynta madaxweynaha waxaa lagu bilaabay sidani bal hadda u fiirso akhriste “Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu digreetooyin uucaawa soo saaray oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1820/062013 uu ku magacaabay wasiiro cusub, wasiiro xilal kale loo bedelay, iyo kuwo xilalkii ay hayeen lag bedelay.

Bilaw qoraaleedkani digreetada madaxweynahu ku bilaabantay haddii aad u fiirsato waxaa kuu soo baxaya khaladaad farabadan, ugu horayn waxaa lagu yidhi “digreetooyin uu caawa soo saaray oo sumadeedu yahay” haddii ay digreetooyin yahiin waxay noqonaysa jamac (Plural), haddana waxaa la yidhi “oo sumeedeedu yahay”waxaa laga dhigay mid qudha (Singular) oo haddana kaga darran eh summad qudha leh.

Haddii aad u fiirsato qaybta labaad, ee xarfaha qoraalka qaybta aanu ku muujinay farta cas, waxaa lagu yidhi xilalkii ay hayeen lag, oo qofkii qoraayey ula jeeday “Laga” taasi oo muujinaysa daciifnimada ka muuqata shaqaalaha ka hawl galla xarunta madaxtooyada Somaliland oo iyaga laftigoodu u baahan isku shaandhayn.

Haddana digreetada qoraalkeedu iyadoo sii socota isla markaana sharaxaad ka bxinaysa waxyaabaha uu madaxweynahu ku doortay xubnaha uu u magacaabay xilalka wasiiradda, ayaa bal hadda u fiirso lagu yidhi sidani “Markuu Ka Fiirsaday: Kartoodad, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Haddii aad eegto qoraalka aanu farta cas ku qoray waxay u qoreen sidani “Kartoodad” oo ay malaha ula jeedeen “Kartidooda” kelmadani waxay gebi ahaanba xikmad guurinaysa macnahii ama ujeedadii digreetada oo dhan, taasi oo runtii ah qosol gariir iyo yaxyax weyn oo looga khashaafo inay ka soo baxdo xafiis madaxweyne.

Rasmimedia.net markii ay caawa heshay nuqulkii rasmiga ahaa (Original document) ee digreetada way nala fool xumaatay inaanu sidiisii ugu daabacno Rasmimedia, waxaanu dib ugu samaynay tafatir iyo dib u sixid.

Layaabka Xilalka Is Barkan Ee Ku Soo Kordhay Golaha Wasiiradda

Arrinta kale ee layaabka lahayd ayaa ahayd, xilal cusub oo aan shuqul iyo shaash isku lahayn oo wasaarad qudha lagu kulmiyey, loona magacaabay wasiir qudha oo golaha wasiiradda lagu soo darray, xilkaasi oo ah Wasiirka Wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Cilmi Baadhista iyo Technology-yadda, la garay wasiirka xidhiidhka golayaasha oo jiray wakhtigii xukuumaddii Rayaale, balse waxaa layaableh Cilmi baadhista iyo tiknoolijiyadda oo ah xirfad ama door aad iyo aad uga duwan siyaasiyan iyo macno ahaanba doorka xidhiidhka golayaasha oo ah xil siyaasi ah oo la dul barkiyey ama la dul keenay.

Tusaale ahaan, doorka xidhiidhka golayaashu wuxuu wasiirku xidhiidhinaya golayaasha qarranka, sida golaha wasiiradda, golaha wakiiladda iyo golaha guurtida oo uu ka shaqaynayo wada shaqayntooda, balse waxaa layaableh Tiknolajiyaddani (Technology) iyo cilmi baadhista (Research) halka ay ka soo gashay wasaaraddani, haddii si kale loo fekeri lahaa qaybtani tiknoolajiyadda iyo cilmi baadhistu waxay ku haboonayd wasaaradda waxbarashada, tacliinta sare, tiknoolajiyadda iyo cilmi baadhista, marka waxaad is odhanaysa qofkii falkay, unkay, ama sameeyey magac bixinta wasaaraddani ma ahayn qof aad u fekeray ee waa qof iska yidhi, taasi oo sumcad xumo iyo karaamo beel ku ah qarranka, qofka xilkani loo magacaabayna kala dhantaalaysa hawshiisii.

Wasiiro Xilka In Laga Qaaday, In La Bedelay Iyo In La Eryay Aan La Garanaynin Oo Aanay Digreetadu Kala Caddayn

Digreetadani madaxweynahu isku shaandhaynta ku sameeyey ma yara khaladadkeeda iyo jahawareerka ka muuqda, waxaana ku jira wasiiro xilkii in laga qaaday iyo in la bedelay aan la garanaynin oo wasaaradiisii inta qof kale loo magacaabay, haddana isagii magaciisii oo keliya la xusay, meel lagu bedelayna aan la garanaynin, bal u fiirso sawirka aanu idiinka soo qaadnay qoraalka madaxtooyada ka soo baxay digreetada hoos ka eeg.



“Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Cabdilaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)”

Digreetadu may caddayn xilka cusub ee loo wareejiyey Cabdilaahi Geeljire, oo hore digreetadu inoo sheegtay inuu ahaa wasiirka Kalluumaysiga iyo kheyraadka bedda, tani maaha markii ugu horaysay ee madaxweyne Siilaanyo masuuliyiin magacawna uu dad kale xilalkoodii uu magacaabay iyagiina aan xilkii laga qaadin, taasi oo sababi gaadhay isku dhac, dastuurkuna wuxuu si rasmi ah u odhanaya waa in madaxweynahu xilka qaadis sameeyo intaanu magacaabis samaynin.

Wasiiru dawlahii hore ee arrimaha bariga Keyse Cabdi Yuusuf ayaa xilkiisii loo magacaabay guddoomiye ku xigeenkii ururka XAQSOOR Cali Sandule, lamana sheegin in isagii xilka laga qaaday, taasi oo iyaduna ah jahawareer labaad.

Layaabka Kale Ee Xil Magacaabista Golaha Wasiiradda Oo Ah Cabdilaahi Cakuse

Arrinta layaabka, fajaca, amakaaga iyo u qaadan waaga ah ayaa ah in Cabdilaahi Daahir Cakuse uu madaxweynahu u dalacay wasiirka warfaafinta, dhawr arrimoodba layaabkani wuu leeyahay, waa marka hore eh, Cabdilaahi Cakuse wuxuu ka mid ahaa xubnaha ugu liita, ugu daciifsan, uguna aqoon xumaa ee xukuumadda ku jira, oo dadka markaad weydiiso isbedelka ay doonayaan lagu hal qabsan jiray isaga oo kale, in la dalacsiiyo waxay saaraysa calaamatul su’aal weyn tayadda xukuumadda Siilaanyo.

Si kale markaad u eegtana Cabdilaahi Cakuse oo ah nin aqoon ahaan iyo tayo ahaanba aad u liita inuu shirka golaha wasiiradda la soo fadhiisto xubno khibrad iyo aqoon leh oo golaha lagu soo darray, waxay cay iyo ceeb ku tahay xubnaha masuuliyiinta ah.

Waa mida seddexaad eh sida caadada ah waxaa wasiiradda loo magacaaba qaab beeleed, oo lagu kala qaato, waa markii ugu horaysay ee uu golaha wasiiradda ku soo biiro xubin aan beel ku iman oo ah Cabdilaahi Cakuse oo ah xubin isagu kelidii is matalaya.

Waxa kaloo layaable wasiirka cusub Cali Jaamac Faarax (buureed) waa wasiirkii xanaanada xoolaha ee puntland waxaanu soo baxsadey isagoo xilka haya maalin aan fogeyn ayey aheyd sidee loo aaminey , waxaana loo magacaabey wasaaradii Kaluumeysiga iyo kheyraadka bada sidee loo aaminey ileyn isagoo wasiir ah ayuu soo baxsadey sow barina sidii yeelimaayaayo arintana waa (Reer ba ay yow yaa kule).

Layaabka Ugu Danbeeya Ee Isku Shaandhayntani Lahayd

Arrinta ugu cajiibsan uguna hadal haynta badnaan doonta kollay ee magacaabistani lahayd, ayaa ah in aanay isku shaandhayntani aanay taaban ama saamayn dhammaanba wasiiradda beesha madaxweyne Siilaanyo, wallow qaarkood maalmahii ugu danbeeyey la hadal hayey inay xilalkooda waayi doonaan, ay haddana ka bad baadeen, taasi oo muujinaysa awoodda iyo miisaanka aan dhayalka ahayn ee ay leeyahiin oo waliba lagu soo kordhiyey wasiir cusub oo beeshiisu yeelato waana (Gaafaadhiye) halka beesha waqooyiga iyo galbeedka hargeysana wasiir cusub loogu darey waa mr. (Biixiye) kaaga darane beelihii markii horba dulmanaa ee uu dulmey oo ilaa hada dulman halka uu qaarkale oo la lahaa wuu ubadiyeyna uu usii siyaadiyey taasina waxay ku tuseysaa maskax caadiya in aaney wax keenin ee layskaga qorey uun oo wax la dheelitireyba jirin kuwaa dulmana uu ilaa hada xilkii ay lahaayeen ugu diidanyey Codkii ayaaney isiin waana arin mucjisadeedle.

Tusaale ahaana wasiirka duulista Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo wasiirka cayaaraha Cali Siciid Raygal oo aad loo hadal hayey inay xilalkooda waayayaan, ayaan midkoodna lagu darin, halka dhammaanba beelahii kale ee Somaliland ay isku shaandhayntani saamaysay bari ilaa galbeed, marka laga reebo beesha madaxweynaha.

Maanta iyo wasiiradana waxa la odhankaraa maah maahdii aheyd (walee reer aan ogey ma guuro haduu guurana meel ma gaadho).

Libaan xaaji fagadhe
London


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured