War-murtiyeed ka soo baxey shirweynihii ay Beesha Ciise Muse ee Qurbo-Joogta ahi ay Ku Qabsadeen London 22-23 June 2013 .

0
Tuesday June 25, 2013 - 07:55:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1017
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-murtiyeed ka soo baxey shirweynihii ay Beesha Ciise Muse ee Qurbo-Joogta ahi ay Ku Qabsadeen London 22-23 June 2013 .

    Waxaa ka dhacey Caasimada Ingiriiska ee London, Shir-laba maal-moodle ah oo mug-leh oo ay ka soo qeyb-galeen bah-weynta qurbe-joogta Ciise Muse ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa ka dhacey Caasimada Ingiriiska ee London, Shir-laba maal-moodle ah oo mug-leh oo ay ka soo qeyb-galeen bah-weynta qurbe-joogta Ciise Muse ee ِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَـٰنِ ٱلرَّحِيمِ
Waxaa ka dhacey Caasimada Ingiriiska ee London, Shir-laba maal-moodle ah oo mug-leh oo ay ka soo qeyb-galeen bah-weynta qurbe-joogta Ciise Muse ee ku-dhaqan daafaha dunida. gaar-ahaan North-America iyo Yurub. Shirka waxaa lagu furey Aayadaha quraanka kariimka ah. Shirku wuxuu ku saleysnaa doorka ay horena uga qaateen hadana uga qaadan-karaan qurbe-joogta beeshu horumarinta degaanada ay degaan gaar-ahaan arimaha bulshada.Waxaa shirkaa war-bixino togan oo mug-leh ka wada bixiyey Ergooyinkii ka-kala socdey, USA, Canada, Finland, Sweden, Norwey, Germany, Holland, France, Denmark, iyo UK magaalooyinkeeda kala duwan. Waxaa iyana goobta shirkaa ka hadley garabyada haweenka ee dalalkaa kala duwan Ka-kala socdey.


Shirkaa waxaa si qoto dheer loo qaa-daa-dhigay oo looga hadley qodobadan hoos ku xardhan:

1- Sidii dar-dar xoogan loo gelin lahaa Horumarinta Arimaha Bulshada ee degaanka balaadhan ee ay beeshu degto,gaar-ahaan Waxbarashada iyo Caafimaadka.
2- Waxa wax-garadka iyo aqoonyhanka beeshu ay qaa-daa-dhigeen iyada oo taxadar iyo mudnaanba la siinaayo Nabadgelyada ay Somaliland maanta ku-fadhido in fiiro gaar ah loo yeesho dhulka kheyraadka dabiiciga ah Alleh dhigay ee dhaca degaanka beesha ee sifayaasha sharciga aan waa-faqsaneyn loo xidhanaayo iyadoo la-la kaa-shanaayo sawiradii Sateliteku ka qaadey dhulkaas labadii sanadood ee la soo dhaafey.
3- In la dhameys-tiro labada iskuul ee boodhinka ah ee baaxada leh ee hada dhismahoodu uu ka socdo labada goo-bood ee kala ah Dooxa-Guban iyo tuulada Dubur.
4- In meel looga soo wada-jeesto horumarinta arimaha bulshada ee degaanka ay beeshu degto.
5- In dawlada lagala xaa-joodo sidii dhulkii Digreetada danta guud ku soo baxdey 16/6/13, gaar-ahaan 2500-ee Jago ee isugu jira dhul dhisan,oo la degan-yahay ama meherado ah,dhul qabyo ah iyo dhul banaan kuwaas oo wada lahaa sifeyaal sharci ah oo dhameys-tiran oo la cashuurey oo ay kala bixiyeen mulkiyadahooda dawladihii u-kala danbeeyey qaranka S/land,sidii ay shacabkii lahaa dhulkaas ay xor-ugu noqon lahaayeen ee ay kuwa dhismahoodii oo socda la-xayireyna ay u-dhameys-tiran lahaayeen dhismahooda.
6- In Beeshu hesho xaqa saamiga kaga maqan golaha xukuumada iyo ciidamada kala duwan ee qaranka.
7- In midnimada iyo Jiritaanka Somaliland ay tahay mar-kasta iyo goob-kasta biyo kama dhib-caan Lama-taab-taan muqadas ah

Guntii iyo geba-gebadii waxaa shirka lagu soo gunaanadey duco iyo quraanka kariimka ah, Waxaana uu shirku ku dhamaadey Jawi- aad u-farxad badan iyo heshiis wadareed af garad ah oo la isku wada waafaqey.

Alleh ayaa Mahad Leh,
Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Somaliland Guul Waarta !!
Gudida Sare ee Kulan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured