Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo bilowday dhagaysiga Dacwadii Xukuumaddu Wargeyska Hubaal ku soo Eedaysay

0
Monday June 24, 2013 - 19:57:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo bilowday dhagaysiga Dacwadii Xukuumaddu Wargeyska Hubaal ku soo Eedaysay

    Hargeysa(xogreebnews.com) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ayaa manta markii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ayaa manta markii Hargeysa(xogreebnews.com) Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex (Hargeysa) ayaa manta markii ugu horaysay dhagaysatay Dacwad ay Xukuumadda Somaliland ku soo Oogtay Wargeyska Hubaal, iyadoo dhagaysiga Dacwadan ay goob joog ahaayeen oo kali ah Qareenada Wargeyska Difaacaya iyo Xeer ilaalinta Dacwada Oogaysa.

brekingFadhiga ay manta Maxkamaddu ka yeelatay Dacwadan oo ahaa kii ugu horeeyay ee uu Garsooraha Kiiska ku qorani dhagaystay tan iyo maalintii Xeer ilaalintu ka dalbatay Xayiraada Wargeyskaasi saaran ayaa lagu dhagaystay Eeda Xeer ilaalintu ku Oogayso wargeyska, iyagoo Qareenada Wargeyska u doodayaa difaaceen dhamaan Eedaymaha Xukuumadda oo ah sadex Eedaymood oo is barkan.


Garsooraha Dacawada gacanka ku haya Cismaan Fanax oo labada dhinacba dhagaystay ayaa fadhi danbe u qabtay dhagaysiga Dacwadan oo uu u mudeeyay 27-ka bishan, taasoo si rasmi ah dacwada loo guda geli doono.

Guda galka Dacwadan ee manta ayaa cadaynaysa in Xayiraada la saaray wargeysku tahay mid lagu deg degay maadaama manta uun la dhagaystay, taasina ay muujinayso in dalabkii xukuumadda ee Xayiraada iyo aqbalaadii Garsoorku labaduba yihiin kuwo la midi roorteeyay oo ay ahayd sida sharcigu dhigayo in dhagaysiga kadib go’aan Maxkamadeed lagu rido wargeyska nooca uu doono ha noqdee.

Si kasta ha ahaatee Garsoorka Somaliland waxa looga fadhiyaa Dacwadaasi in uu si cadaalad ah u qaado, isla markaana mudada dhagaysigu socdo ka madax banaanaado faragalin.
offece xogreebnews.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured