Saxafi ka tirsan Universal TV oo Maanta loo magacaabay Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Somaliya

0
Monday June 24, 2013 - 19:52:27 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1052
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saxafi ka tirsan Universal TV oo Maanta loo magacaabay Afhayeenka Ra’iisal wasaaraha Somaliya

    Muqdisho-(xogreebnews.com-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho-(xogreebnews.com-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Muqdisho-(xogreebnews.com-Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta u magacaabay Afhayeenka Xafiiskiisa Ridwaan Xaaji Cabdiweli oo ka mid ah bahda warbaahinta,weriyena ka ahaa Telefishinka Universal.

Dikreetada magacaabista oo nuqul ka mid ahi soo gaadhey Qarannews ayaa waxay u qorneyd sidan hoos ku qoran:-

Ujeeddo: Magacaabis Xil
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya

Markuu arkay: Qod. 99-aad Xarfihiisa (A, D, iyo E) iyo Qod. 100-aad ee Dastuurka JFS.
Markuu arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo lana horumariyo xiriirka warbaahineed ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Markuu Akhriyey: Taariikh-nololeedka, waayo-aragnimada shaqo iyo aqoonta
la xiriirta warbaahinta uu leeyahay aqoon-yahanka hoos ku xusan
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya wuxuu xeeriyay
Qod.1-aad
Magacaabis
Waxaa loo magacaabay Mudane Ridwaan Xaaji Cabdiweli Afhayeenka Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Qod.2aad
Dhaqan gelid

Xeerkani waxa uu dhaqan galayaa marka uu saxiixo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah ee dawladda.
Mudane Cabdi Faarax Shirdoon
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured