Wasiirku Waxa Uu Xeer U Soo Qaatay Sanadkii 1994-kii Markii Ciyaaryahanadda Gool Dhalinta Qaarada yuurub Loo Qaybiyay, Waxa aan Leeyahay Wasiir Waxa La Marayaa 2013-kii Dunidu Waa Casri Xeerkaasina Ma Shaqeeyo?”Mar Hadii Gaadhigii Gool Dhalinta ee Aanu Ku Guulaysanay Naloo Diiday, Waxa Aanu Diyaar U Nahay In Aanu Iska Soo Celino Daasadii Nala Siiyay??..Xildhibaan Cago Yare

0
Monday June 24, 2013 - 19:38:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 943
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirku Waxa Uu Xeer U Soo Qaatay Sanadkii 1994-kii Markii Ciyaaryahanadda Gool Dhalinta Qaarada yuurub Loo Qaybiyay, Waxa aan Leeyahay Wasiir Waxa La Marayaa 2013-kii Dunidu Waa Casri Xeerkaasina Ma Shaqeeyo?”Mar Hadii Gaadhigii Gool Dhalinta ee Aanu Ku Guulaysanay Naloo Diiday, Waxa Aanu Diyaar U Nahay In Aanu Iska Soo Celino Daasadii Nala Siiyay??..Xildhibaan Cago Yare

    Hargeysa (xogreebnews.com- Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi Cago Yare ayaa wax laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com- Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi Cago Yare ayaa wax laga Hargeysa (xogreebnews.com- Xildhibaan Ismaaciil Jaamac Xirsi Cago Yare ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qaabka ay Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland u maamushay Biladda Ciyaaryahanka ugu Gool dhalinta badan ciyaaraha Goboladda Somaliland.

Xildhibaan Ismaaciil Cago Yare ayaa xusay in uu la yaaban yahay sababta uu Wasiirka Ciyaaraha Somaliland xulka Gobolka Maroodi jeex uga qadiyay biladihii kala duwanaa ee ay xaqa u lahaayeen maadama ay ku guulaysteen koobkii goboladda Somaliland.


Waxaanu yidhi Horta dareenkayga waxa aan ka dhiibanaa xafladii xidhitaanka tartanka ciyaaraha goboladda Somaliland oo lagu qabtay hoteel maansoor, waxa ay ahayd xaflad aanaan u fadhiyin ama aanaan u faadhuumaysan,

Wasiirka ciyaaraha Somaliland waa nin baabiiyay dhamaanba xidhiidhadii kala duwanaa, waxaanu hayay oo uu qarankan masuul uga ahaa shaqo aanu waxba ka garanayn? ayuu yidhi.

Sidoo Kale xildhibaan Ismaaciil Cago yare waxa uu tilmaamay in ay dib ugu celin doonaan Wasaaradda Ciyaaraha Somaliland koobkii ay guddoonsiiyeen, kaas oo uu buu yidhi aanay wax kale la soconin.

Xulka Gobolka Maroodi Jeex waxa aanu isu haysanay in aanu nahay Spain-ta reer Somaliland, maadaama aad arkayseen sidii aanu koobka ku qaadnay, runtii waxa aan leeyahay anaga oo isu dhan ayaa dib u soo celinayna koobkii nala siiyay, waayo daasad keliya oo aanay waxba la soconin ilaahay baa ina dilayee uma qalano, halkii gaadhiga Gool dhalintu uu naga maray ayaanu jecelnahay in uu koobkana naga maro.

Waxaad ka war haysaan in Wasiirka Ciyaaraha Somaliland uu soo qaaday ama yidhi waxa aan u kala qaybinayaa ciyaaryahanadii ku guulaystay gool dhalinta, waxaanu xeer u soo qaatay sanadkii 1994-kii markii ciyaaryahanadda gool dhalinta qaarada yuurub loo qaybiyay, waxa aan leeyahay Wasiir waxa la marayaa 2013-kii dunidu waa casri xeerkaasina ma shaqeeyo? ayuu yidhi



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured