Aqoon Yahan Jiir Oo Tilmaamay Masuuliyiinta Ugu Musuq-Maasuqa Badan Xukuumada Siilaanyo.

0
Monday June 24, 2013 - 09:12:34 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1249
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aqoon Yahan Jiir Oo Tilmaamay Masuuliyiinta Ugu Musuq-Maasuqa Badan Xukuumada Siilaanyo.

    Aqoon yahan jaamac cilmi jiir ayaa ku tilmaamay masuuliyiinta ay ka mid yihiin wasiirka macdanta iyo biyaha,wasiirka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoon yahan jaamac cilmi jiir ayaa ku tilmaamay masuuliyiinta ay ka mid yihiin wasiirka macdanta iyo biyaha,wasiirka

Aqoon yahan jaamac cilmi jiir ayaa ku tilmaamay masuuliyiinta ay ka mid yihiin wasiirka macdanta iyo biyaha,wasiirka madaxtooyada,agaasimaha maamulka iyo lacgta ee komishanka IDS-ka iyo gudoomiyaha wargeyska loo samaystay cayda saxaafada xorta ah.

Hadaba akhristayaal inkasta oo sida musuq —maasuqa uu u dhaco ay ku kala duwan tahay hadba sida masuulka doonaya in uu wax msuuq aauu uga cabsanayo in lagu qabto oo lagala xisaabtamo hantida umada ,iyaa waxaa jira rag badan oo masuuliyiin ka ah xukuumada siilaanyo kuwaasi oo ka soo jeeda beesha siilaanyo,iyada oo aysan jirin haba yaraatee wax cabsi a oo ay ka qabaan in lagu qabto msuuqqa ay sameeyaan kuwaasina waxaa ka mid ah sidii aan hore u soo sheegay.

1: wasiirka macdanta oo isgu ah wasiirka inta badan ku mashquulsan qabyaalada iyo musuq maasuq,iyada oo uu xitaa shaqadii ka eryey agaasimihii hore ee maamulka iyo lacagta oo agaasime ka dhigtay wiil uu adeer u yahay si uu lacagta si fudud oo aysan cidina sheegeyn u musuq maasuqo, sidoo kale wuxuu musuq balaadhan ku sameeyey shirkado faafiyo ah oo dalka uu keenay kuwaasi oo uu ka qaatay lacago badan ,oo uu jeebkiisa ku shubay.

2:wasiirka madaxtooyada isaga sida ay sheegeen dadka ka ag dhaw wuxuu isku diyaarinayaa in uu noqdo musharaxa madaxweynenimo ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa ,waxana la sheegay in uu lacago badan sii istcimaalayo si loo taageero oo loo dooran lahaa ,waxa kale oo la sheegay in uu yahan in had iyo jeer xoolaha umada ku magac doonta oo yidhaahda aniga ayaa idin siinaya hadad tihiin reer hebel xilka aad doontaan iyo lacagta aad doontaan, iyada oo ilaa hada aan blahayn meel ay jaan iyo cidhib uu geeyey lacago aad u tiro badnaa oo somaliland dawladaha turkiga iyo imaaraadka carabtu ugu deeqeen kuwaasi oo la sheegay in gacanta laga geliyey waisirka maaxtooyada.

3: agaasimaha maamulka iyo lacgta ee komishanka IDS-ka isagana waxaa la sheegay in uu ka mid yahan shakhsiyaadka kooban ee sida ba’an xoolaha umada u lunsada.

4: wiilka uu wasiir xirsi adeerka u yahay ee uu u sameeyey wargeyska loogu talo galay in lagu caayo masuuliyiinta karaamada ku dhex leh bulshada somaliland,culimada ,ganacsatada iyo dadka wax garadka ah, iyada oo hadii aad akhriste u kuur gasho sida xun ee loo isticmaalo wargeyskaasi aad la yaabayso waayo wasaarada kasta waxaa la geeyaa subax kasta oo uu soo baxo ilaa 6 midh oo wargeys ah iyada oo wasarad kasta lacagta lagu dalaco ,oo wasaarad diidi kartaa aysan jirin taasi oo qaab musuq maasuq oo dalka hantidiisa lagu boobayo, sidoo kale wiil kan yar ee uu wasiir xirsi adeerka u yahay ee lagu magacaabo muniir waxa kale oo la sheegay in uu ku maxaafsato wasiir xirsi ayaaan u geynayaa ee lacag iska bixi iyo wasiirka ayaa ku sheegi inaad wax wanaagsan qabatay isaga oo ujeedadiisu tahay sidii uu lacag uga heli lahaa masuuliyiinta xukuumada siilaanyo.

Hadaba hadii aan wax yar aan taariikhdiisa wax ka idhaadho wiilkan yar markisii hore wuxuu ka shaqayn jiray Xamaam Burco ku yaala markaasu xanuusaday oo dhakhtar loo diray iyada oo uu yar kululaaday waxana la sheegay in dibada looga soo mastaafuriyay xaalad caafimaad oo dhaqan celin ah , balse dadkii yaqaanay waxay ka war heleen isagoo wariye ah, inkasta oo qofku wax kasta baran karo hadana wax hubaal ah in taariikhdu tahay mid aan la bedeli karin.

Gabagabadii waxaan leeyahay hadii aysan aqoon taadu kugu fileyn aamusbaa lagu kabaa.

Qalinkii:Aqoon yahan jaamac cilmi jiir

Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured