Faysal Cali Waraabe oo sannadkan noqonaya hogaamiyahii ugu muddo dheera adduunyada dimuqraadiga ah oo xisbi mucaarid ah muddo 20 sanno ku dhaw guddoomiye u ah.

0
Thursday January 16, 2020 - 00:37:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 739
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Cali Waraabe oo sannadkan noqonaya hogaamiyahii ugu muddo dheera adduunyada dimuqraadiga ah oo xisbi mucaarid ah muddo 20 sanno ku dhaw guddoomiye u ah.

    Faysal Cali Waraabe oo sannadkan noqonaya hogaamiyahii ugu muddo dheera adduunyada dimuqraadiga ah oo xisbi mucaarid ah muddo 20 sanno ku dhaw guddoomiye u ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Cali Waraabe oo sannadkan noqonaya hogaamiyahii ugu muddo dheera adduunyada dimuqraadiga ah oo xisbi mucaarid ah muddo 20 sanno ku dhaw guddoomiye u ah.
Faysal Cali Waraabe oo sannadkan noqonaya hogaamiyahii ugu muddo dheera adduunyada dimuqraadiga ah oo xisbi mucaarid ah muddo 20 sanno ku dhaw guddoomiye u ah.

Xisbiga UCID waa xisbigii 2aad ee is diiwangeliya taariikhda dimuqraadiyadda Somaliland, waxaa la diiwan galiyay sannadkii 2002-dii, wuxuu xisbiga UCID dhisanyahay muddo 19 sannadood ah, ilmahii dhashay maalintuu Faysal noqday guddoomiyaha xisbiga UCID maanta waa 18 sanno jir, guur doon ah.


3-da xisbi ee maanta jirana waa xisbiga ugu da'da weyn leh, sidaasi oo ay tahay, haddana 19-kaasi sannadood ee uu jiray waa xisbiga ugu guul darrada badan 6-dii doorasho   ee Somaliland soo mara.

Tusaale ahaan doorashadii golaha wakiiladda ee sannadkii 2005 tii Somaliland ka dhacday, cododka uu hellay xisbiga Kulmiye ayaa ka badan marka la isku darro dhammaanba cododkii xisbiga UCID uu hellay 6-dii doorasho ee Somaliland ka dhacay.

Sannadkii 2011 kii markii madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu furay ururadda siyaasadda, guddoomiyaha xisbiga UCID oo ka hadlaayay goob u dhawayd xarunta guriga shaqaalaha dawladda ee Hargeysa, wuxuu quus ka muujiyay rajo uu ka qabo inuu xisbiga UCID dib ugu soo laabto xisbinimo.

Balse isla sannadka dhawr bilood ka dib, ayaa waxaa uu Faysal magaalada Dubai kulan kula yeeshay Jamaal Cali Xuseen, oo ugu yaboohay Faysal iyo Xisbiga UCID  inuu taageero dhaqaale iyo mid cududeedba iskugu gayn doono xisbiga UCID, balse uu Faysal aqbalo inuu Jamaal Cali Xuseen doorashada madaxtooyada ee 2017 kii ka dhacday uu musharax u noqdo xisbiga, wuxuu Faysal aqbalay yabooha, ballana qaaday inuu Jamaal u noqdo xisbiga musharax balse uu soo saaro.

Doorashadii ururadda siyaasadda ee sannadkii 2012-kii Somaliland ka dhacday, ee xisbiga UCID ku soo baxay Jamaal wuxuu iskugu keenay xisbigiisa beesha uu ka soo jeedo oo degta shanta gobol ee waaweyn ee Somaliland 3 ka mid ah, Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer, oo uu ka hellay cododkii %20 ka ahaa ee laga rabay inuu xisbiga hella ku soo baxo tartanka ururadda siyaasadda, halka uu gobolka Awdal na ka hellay tiro %22 ah.

Doorashadaasi waxay noqotay tii ugu cododka badnayd ee abid jiritaanka xisbiga UCID usoo hoyata.

Sannadkii 2016 kii ilaa 2017 kii ayuu Faysal si toos ah iyo si dadbanba u shaaciyay inuu cahdigii iyo heshiiskii uu la gallay Jamaal Cali Xuseen ka baxayo, iyadoo dadka ku dhaw dhawina ay sheegeen in tujaar ka soo jeeda beesha madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee haatan Muuse Biixi Cabdi oo marka ahaa musharaxii xisbiga Kulmiye , ay Faysal Cali Xuseen ugu yabooheen qadar lacageed oo ku dhaw nus malyuun dollar, taasi badalkeedana uu ka takhaluso Jamaal Cali Xuseen, si fursad uu u helo Muuse Biixi Cabdi oo ay isku beel iyo deegaan yahiin Jamaal Cali Xuseen, si aanu codka beesha Subeer Awal ee Jamaal iyo Muuse ka soo wada jeedaan u kala dhantaalmin.

Cahdigii iyo heshiiskii uu Faysal la gallay Jamaal, wuxuu Faysal ku badashay qadar lacag ah.

Faysal Cali Xuseen Iyo Cahdigii Siilaanyo

Maalmo ka dib markii madaxweyne Siilaanyo tallada dalka qabtay  sannadkii 2010 kii, ayuu Faysal Cali Waraabe, shir jaraa'id oo uu qabtay ku sheegay in Siilaanyo aanu maskax ahaan caafimaad qabin, taasina waxay si weyn uga cadhaysiisay Axmed Siilaanyo oo goor habeenimo weliba saq dhexe  ah shir jaraa'id qabtay, taasi oo uu si cadho leh ugu jawaabay Faysal Cali Waraabe, kelmadahii la xasuusto ee waaga Siilaanyo ku yidhi Faysal waxaa ka mid ahaa "Faysalow ummaddu uf iyo kir ayey ku tidhi oo way ku nacday"

Balse bilo ka dib waxaa bilaabmay isku soo dhawaansho dhex maray xukuumaddii Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe, waxaana xukuumaddii Siilaanyo ka martay Faysal dhinaca dhaqaalaha oo ay bishiiba oxoga lacag ah uu qadhiidhi jirtay.

Taasi waxay keentay in mucaaridnimadii xisbiga UCID ay meesha ka baxdo, xisbigiisii wiiqmo, dadkii siyaasadda iyo dalku inuu mucaarid yeesho damac kaga jirayna ay ka huleelaan xisbiga UCID.

Faysal Cali Waraabe laftigiisu ma dafirin jiritaankaasi, isagoo taageerayaal kula hadlaayay magaalada Amesterdam ee dalka Holland sannadkii 2015 kii ayuu qiray inuu u jeedsaday dhinaca dhaqaale samaynta "markii hore haddii la igu yaqaanay nin dalka samahiisa iyo wanaagiisa iyo mucaaridnimadiisa ka shaqeeya, waan ku xoolo beelay, oo ehelkaygii iyo reerkaygii ayaan kaga jeedsaday, haddase waan badalaya taasi" ayuu Faysal u sheegay.

Faysal Cali Waraabe Hogaamiyahii xisbi Mucaarid dal Dimuqraadiyada Ugu Muddada dheera.

Haddaad maqli jirtay dalalka Afrika madaxda ka talisa wuxuu midkiiba xilka haya muddo 20 sanno kor u dhaafsiisan, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, wuxuu yahay hogaamiyahii xisbi mucaarid ugu muddo dheera taariikhda dunida iyo qaaradda madaw ee Afrika.

Weli koonkaynu ku noolahay lama arag, hogaamiye xisbi mucaarid ah muddo 20 sanno ku dhaw, guddoomiye u ah, kuna dheh dalalka ugu xun hannaanka dimuqraadiyadda dunida sida Zimbabwe oo kale oo Morgan Richard Tsvangirai uu xilka xisbiga mucaaridka ah ee dalkaasi uu muddo 14 sanno ah hayay eh.

Xisbiga UCID waa xisbi qarran, kuna soo baxay cod qarran, lagu biiliyo hanti qarran, miyaanay qarrankan iyo dadkiisaba masuuliyadi ka saarnayn in Faysal loo sheego in la gaadhay wakhtigii uu saaxadda siyasadda iyo ta hogaanka xisbiga UCID banayn lahaa maadama 19 ka sannadood uu ahaa guul darrayste guul darraddu guul u ahayd? miyaan la soo gaadhin xilligii Faysal la xasuusin lahaa inuu noqday diktaytar xisbi? miyaan la soo gaadhin xilligii fursad la siin lahaa jiil kor u dhaafay kumanaan oo Faysal ka taageero, tusmo, tayo, tognaan iyo tirsimaadba mudan bulshada Somaliland dhexdeeeda, oo Faysal 20 sanno hor taagna? miyaanay ceeb ku ahayn qarranka iyo qoomiyadaha ku hoos jiraba in aynu daawano 20 sannadood oo diktaytarnimo xisbiyeed ah? miyaanay.... miyaanay.....?

Cigaal ayaa Allah ha u naxariistee kaga dhintay isagoo guddoomiyaha xisbiga UCID ah, Daahir Rayaale ayaa xilka kaga tagay, Siilaanyo kaga tagay, haddana Muuse Biixi ayaa qarka u saaran inuu kaga tago isagoo weli guddoomiye UCID ah.

Mohammed Abdi Hassan (Diridhaba)


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured