Xaaskii Uu Ka Geeriyooday Qadaafi Oo Si Fudud Ku Fashilisay Sirtii Qadaafi U Qarsaneyd Warbixin Xiiso Leh

0
Monday June 24, 2013 - 08:52:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaskii Uu Ka Geeriyooday Qadaafi Oo Si Fudud Ku Fashilisay Sirtii Qadaafi U Qarsaneyd Warbixin Xiiso Leh

    qadafiXaaskii uu ka geeriyooday Hogaamiyihii Dalka Liibiya Moamar Qadaafi, Safiya Farkaashi oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

qadafiXaaskii uu ka geeriyooday Hogaamiyihii Dalka Liibiya Moamar Qadaafi, Safiya Farkaashi oo qadafiXaaskii uu ka geeriyooday Hogaamiyihii Dalka Liibiya Moamar Qadaafi, Safiya Farkaashi oo Warbaahinta Dalka Urdun sii say Wareysi, ayaa waxa ay Fashishay dhammaan Sirtii u qarsaneyd Marxuum Moamar Al-qadaafi.

Safiya Farkaashi, waxa ay sheegtay in Dowladda Maraykanka ay Xilligaasi ka dalbatay in Magaallada Triopli laga furo 5-Shan saldhig oo ay Dowladda Marakanka ku dooneysay inay ka xakunto Dowladaha dariska la’ah Libya iyo dhaqdhaqaaqyada Siyaasiyiinta Dalka Libya.


Safiya Farkaashi, waxa ay sheegtay in Moamar Al-qadaafi uu ka biya diiday in Saldhigyo Maraykan ah laga furo Magaallada Tripoli, waxa ayna sheegtay in Isfahan waagaasi uu ahaa halka uu ka soo bilowday Khilaafka u dhexeeyay Dowladda Maraykanka iyo Libya, iyadoona Tilmaantay in Dowladda Maraykanka dhaqaale iyo Siyaasadba ku bixiso Mucaaradka, Shaqsiyaad Asal ahaan kasoo jeeda Libya ay ka soo daad gureysay Caalamka kuna kicisay Dowladda Moamar Al-qadaafi.

Safiya Farkaashi, waxa ay sidoo kale sheegtay in Moamar Al-qadafi lagu helay Kiisas la xiriiray fangareynta ama dhaqaale siinta Kooxaha Mucaaradka ee Dowladaha Africa gaar ahaan Kooxda Alshabaab iyo Buug Haram ee ka dagaalama dalka Nageria, taasoo ay ku sheegtay inuu ahaa mid sahlay in Caalamka laga xir-xiro Dowladda Qadaafi iyo Siyaasiintaba.

Sidoo kale, Waxa ay Tilmaantay in Dowladda Maraykanka ay Moamar Al-qadaafi ku amartay in la joojiyo dhaqaalaha ay Libya ku bixineyso Kooxaha Mucaaradka balse uu Arrintaasi Qadaafi laaday kana biya diiday in Dowladiisu ay joojiso Hawlahaasi.

Safiya Farkaashi, Waxa ay Xustay in Moamar Al-qadaafi uu Shaqaalaha iyo Ilaalada Safaaradii Maraykanka ee Tripoli Asbuuciiba Saddax mar la kulmi jiray si uu u helo Xog dhab ah oo ku saleysan dhaqdhaqaaqyada Diplomaasiyiinta Safaaradda Maraykanka, iyadoona daboolka ka qaaday in Xiligaasi uu Saraakiisha Ciiddamadda Ammaan ku amri jiray in la qalqal galiyo Ammaanka Diplomaasiyiinta Maraykanka balse Waxa ay farta ku goday in Dowladda Maraykanka kawar qabtay Arrintaasi.

Waxa ay sheegtay in Qadaafi uu ka dambeeyay Dilka Saddax Sarkaal oo Maraykan ah oo la qaarijiyay xilli ay aheyd Fiidnimo iyaguna ay Hawlo shaqo u joogen Xeebta Libya balse dilkaasi aan laga shaacin Warbaahinta lana qariyay inta la qarinkaro hayeeshee ay Dowladda Maraykanka ka warqabtay, sida ay sheegtay.

Safiya Farkaashi, kama aysan ganban faafinta sirta Zeygeydii geeriyooday Moamar Al-qadaafi, waxa ayna sheegtey waxyaabo badan oo aan ku habooneyn in la sheege oo ku aadan dhanka Aqlaaqda taasoo aan noo saamaxayn inaanu halkan ku soo bandhigno balse waxa ay inta badan sheegtay Siyaasado badan oo ka dhexeeyay Libya iyo Maraykanka.

Waxay Xustay in Dowr mar Dowladda Maraykanka isku dayday inay disho Moamar Al-qadaafi balse Xog ay Sirdoonka Libya xiligaasi heshay suura galisay in la fashiliyo dilalkaasi loo qorsheeyay Qadaafi.

Ugu dambeyntii, Safiya Farkaashi, waxa ay sheegtay in dilka Qadaafi ay fududeeyeen Saraakiisha Ammaanka oo ay ku sheegtay in dhaqaale la siiyay loona balan qaaday inaan la gaarsiin doonin waxyeelo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured