Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka

0
Monday June 24, 2013 - 08:47:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1153
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Siilaanyo Oo Caawa Magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka

    SIILAANYOMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

SIILAANYOMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa SIILAANYOMadaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa Magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka dhalinyarada somaliland
War-saxaafadeed
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa Magacaabay Guddida Ka Hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka, isaga oo ka duulaya sidii loo soo afjari lahaa aafadaasi loona badbaadiyo da’yarta Dalka u soo koraysa.
Gudida Madaxweynuhu magacaabay oo ka mid ah Golaha Wasiiradu waxay kala yihiin


1. Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Hargeysa
2. Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Hargeysa
3. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa
4. Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Hargeysa
5. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Hargeysa
6. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta Hargeysa
7. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Hargeysa

Mudanayaal,

Sida aad ka war-haysaan, waxa isa-soo-taraya dhalinyarada tahriibka u xadhko-xidhanaysa, kuwaas oo saamayn ku yeeshay Bulshadda Somaliland, maadaama tahriibku yahay aafo laga dhaxlo haligaad nafeed iyo ummadeed.

Haddaba, si aafadaasi loo soo afjaro, isla markaana loo badbaadiyo da’yarta, waxa aan mas’uuliyiinta warqadani sida tooska ah ugu socoto u magacaabay Guddida Ka-hor-tagga Tahriibka iyo Shaqo Abuurka. Waxaana guddoomiye u noqon doona Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Sidaa darteed mudanayaal, waxa aan idinka rajaynayaa in aad hawshan xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan.

ALLAA MAHAD LEH

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured