Khabiir mudo Dheer ka shaqaynaayey Madaarka Hargeysa oo si Mug leh u Gorfeeyey Eeddo Musuq-maasuq oo laga baahiyey..

0
Friday January 03, 2020 - 19:33:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khabiir mudo Dheer ka shaqaynaayey Madaarka Hargeysa oo si Mug leh u Gorfeeyey Eeddo Musuq-maasuq oo laga baahiyey..

    Khabiir mudo Dheer ka shaqaynaayey Madaarka Hargeysa oo si Mug leh u Gorfeeyey Eeddo Musuq-maasuq oo laga baahiyey..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khabiir mudo Dheer ka shaqaynaayey Madaarka Hargeysa oo si Mug leh u Gorfeeyey Eeddo Musuq-maasuq oo laga baahiyey..
Waxaan baraha bulshada ku arkayey barnaamijka laga diyaariyey madaarka Egal International Airport, gaar ahaana lagu duray Axmed Maxamed Carab oo ah maamule kuxigeenka Madaarka iyo lacag la yidhi waa 26 doolar oo dadka dhoofaya ayaa laga qaadaa. Labada qodob ayaan jecelahay in aan in yar ka yidhaahdo.
Axmed Maxamed Carab, waxaa shaqada la qoray sanadkii 2011-kii, waqtigaa waxaan gacan yare u ahaa wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka. Maalin maalmaha ka mid ayaa Axmed waxaa noo keenay aderkii oo ay wasiir Maxamuud Xaashi saaxibo ahaayeen. Waxaan ka qayb qaatay sidii wasiir Maxamuud Xaashi, uu shaqada degdeg ugu qori lahaa Axmed Carab, waayo wuxuu ahaa qof u diyaar ah in uu qaranka u shaqeeyo. wasiir Maxamuud Xashi oo aad u danaynayey  in dhalinyarada la siiyo ahmiyada ugu wayn ee xaga shaqada ayaa ugu danbayntii Axmed carab shaqo ka siiyey Madaarka.
Axmed Maxamed Carab, ilaa 2011-kii saaxibo ayaanu ahayn muddo lix sano ah ayaan madaarka ka wada shaqaynaynay, waa shaqsi hufan, daacad ah, hawl kar ah. Sidoo kale waa shaqsi dabeecad fiican oo bulshada ugu adeega si isku mid ah. Waa shaqsi yaqaana saaxibtinimada, balse aan aqoon qabiil iyo kan baad is xigtaan. Waxaan odhan karaa waa shaqsigii ugu fiicnaa ee aan arko mudadaada dheer ee aanu wada shaqaynaynay. 
Waa shaqsi aan gelin arrimaha siyaasada, wixii olole lagu jirey weli ma aan arag isaga oo qoraal iyo hadal midna cid ku taageeriya, isaga oo mid ka mid ah saddexdii musharax ee doorashadii 2017-kii galay loo tirinayey in ay isku degaan ka soo jeedeen, hadana weligii qoraal kuma taageerin isaga oo ilaalinayey anshaxa shaqada iyo bulshada uu u shaqaynayo.
Hadaba shaqadan lagu dhaliilayo ee la leeyahay waa ahna, ahna, ahna waa dood jaban. tusaale Axmed Carab waa maamule kuxigeenka madaarka miyaanu xaq u lahayn 7 sanadood buu shaqaale ahaaye in daloco oo qaranka u sii shaqeeyo? Xaq buu leeyahay weeye sidaas buu ina odhanayaa caqliga saliimka ahi.
Mashaariicda kale  ee ah mashruuca ammaanka madaarka iyo parking, labadoodaba maamul ahaan ayaa loo hoos geeyey madaarka , waana looga sareeya Axmed carab, mana jirto lacag madaarka lagu qabto, diyaarada ayaa qabta ka dibna hay'ada duulista  kula xisaabtaman diyaaradaha, taana ma jiro meel uu ka soo galo Axmed Carab.
 Intaa aan ka soo sheegay Axmed Carab, waxaa markhaati ah ragii mudada dheer maamulka u ahaa sida Mohamed Yusuf oo  hada ah agaasimaha guud wasaarada Biyaha, oo ahaa shaqsiyaadkii sida fiican u soo maamulay madaarka Egal, waxaa ka mid ah Zayid Omar Abdilahi isna muddo dheer madax noo soo ahaa, waqtigana ah agaasimaha Guud ee Wasarada Horuumarinta jidadka. 
26 doolar ee laga qaado dadka dhoofaya maaha lacag waqtigan dadka lagu soo rogay intii xukuumada Muuse joogtey, balse waa mid la qaadayey mudadii ay jirtey xukuumaddii Siilaanyo, waqtigaas ayaa wasiirkii Duulista Maxamuud Xaashi soo rogey in 26 doolar dadka dhoofaya laga qaado, waana lacag adeeg ah oo shaqaalaha lagu guneeyo, maaha lacag accouno lagu shubto.
Waxaan xasuusan lahaa Bushaaro Ali Bande sawtii aynu dalka maamulaynay 7 sano ee sida aynu doono soo maamulnay, ogowna waxaan aad sheegaysaa waa wixii aynu ka tagnay maaha wax cusub oo soo kordhay ama xukuumada muuse keentay.
qalinkii Cabd ilahi Axmed Caarshe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured