Dawladda Ingiriiska Oo Markale Uga Digtay Dadkeeda Inaanay U Safrin Soomaaliya Iyo Somaliland Kuwa Joogaana Ka Baxaan Sababo Dhinaca Ammaankooda Ah Awgeed

0
Sunday June 23, 2013 - 12:36:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1038
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska Oo Markale Uga Digtay Dadkeeda Inaanay U Safrin Soomaaliya Iyo Somaliland Kuwa Joogaana Ka Baxaan Sababo Dhinaca Ammaankooda Ah Awgeed

    London (xogreebnews.com-Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska ayaa baaq digniin ah oo ay ku daabacday barta ay ku leeyahiin internetka waxay ku sheegeen in dadka muwaadniniinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews.com-Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska ayaa baaq digniin ah oo ay ku daabacday barta ay ku leeyahiin internetka waxay ku sheegeen in dadka muwaadniniinta London (xogreebnews.com-Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriiska ayaa baaq digniin ah oo ay ku daabacday barta ay ku leeyahiin internetka waxay ku sheegeen in dadka muwaadniniinta Britishku ay ka fogaadaan inay u safraan Soomaaliya iyo Somaliland, dhammaanba dadka Briitshka ah ee ku sugan Soomaaliya waa inay sida ugu dhakhsaha badanleh uga baxaan Soomaaliya ” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.fco

Qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibadda Britain ku daabacday boggooda ayaa lagu yidhi “waxaa jirta khatar weyn oo kooxaha argagixisada ahi ay soo maleegayaan taasi, falalka ay qorshaynayaan kooxaha argagixisadu ayaa waxaa ka mid ah afduub, waxaana ay ka samayn karaan Soomaaliya oo dhan oo Somaliland ku jirto” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.


Qoraalka oo haddana sii socda ayaa waxay wasaaradda arrimaha dibadda ee ingiriisku ku tidhi “wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain waxay aaminsantahay in ay kooxaha argagixisadu qorshaynayaan falal khatar ah oo ka dhan ah dadka ajaanibta reer galbeedka ah gudaha magaalada Muqdisho, waxay sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Britain aaminsantahay in ay kooxaha argagixisadu qorshaynayaan weeraro ka dhan ah dadka reer galbeedka ee ku sugan Somaliland” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Britain oo qoraalka ay boggooda ku daabaceen sii wada waxay ku yidhaahdeen “Weerarada kooxaha argagixisadu qorshaynayaan waxay leeyahiin qaab kasta iyo tab kasta oo ay khatar ugu gaysan karaan dadka reer galbeedka sida iyagoo weeraro ku soo qaadaya goobaha dadku ku badanyahay ee buuqa ah, munaasabadaha ama xafladaha lagu qabto goobaha kala duwan, iyo goobaha ay sida gaarka ah u booqdaan dadka reer galbeedka ahi” ayaa lagu yidhi qoraalkani.

Baaqani digniinta ah ee ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Britain ayaa ah kii labaad iyadoo bishii February ee sannadkani ay sidani oo kale wasaaradda arrimaha dibadda ingiriisku ugu baaqday dadkeeda Somaliland ku sugan inay iskaga baxaan sababo la xidhiidha kooxaha argagixisada oo qorshahii ugu danbeyeey ku jira inay weeraraan waa siday yidhaahdeen eh.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhacay qaraxyo ismiidaamin ah iyo weeraro ay kooxda Alshabaab ka fulisay oo uu ugu danbeeyey weerarkii lagu qaaday xaruntii haayada qaramada midoobay u qaabilsan horumarka ee UNDP, balse Somaliland ayaanay jirin wax ammaan darro ah oo ka dhaca.

Ciidamadda loo yaqaano RRU oo loo sameeyey la dagaalanka kooxaha argagixisada ayaa weeraro joogto ah habeenadii ugu danbeeyey ku hayey, guryaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa iyo magaalooyinka dalka oo dhan, iyagoo xidh xidhay wakhtiyo saq dhexe ahna guryahooda ugu dhacay dad ay ka mid yahiin masuuliyiin mar xilal ka hayey isla xukuumadda Siilaanyo laftigeeda.

Dalalka Reer Galbeedka Oo Ka Shakisan Masuuliyiin Xukuumadda Siilaanyo Ka Tirsan.

Khubaradda dhinaca ammaanka ka faallooda, ayaa tibaaxaya in dalalka reer galbeedka gaar ahaana dalka ingiriisku marka ay digniinaha noocani ah soo saarayaan ee ay Somaliland ku darayaan ay tahay kalsooni darro ay ka qabaan xukuumadda Siilaanyo, oo aanay kalsooni ku qabin.

Wergeyska Arusha Times ayaa dhawaan warbixin uu daabacay ku tilmaamay in xubno wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ay xidhiidh la leeyahiin kooxaha xagjirka ah waxaana xubnahaasi farta lagaga fiiqay wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xasan, xukuumadda Siilaanyo ayaa sannadkii 2011-kii xabsiyadda Somaliland ka sii daysay 11 nin oo loo haystay falal argagixiso.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured