Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Gooni-isutaaggu Gabbood Uga Yahay Weerarro Kaga Yimaadda Al-Shabaab
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar
Hargeysa (xogreebnews.com-:- Xukuumadda Somaliland ayaa dhaleecaysay weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ka geysteen xaruntii Qaramada Midoobay ee Muqdisho, isla markaana waxa uu sheegay inay tallaabooyinka Al-Shabaab sii adkaynayaan go’aankii ay Somaliland madax-bannaanideeda kagala soo noqotay Soomaaliya.Wasiirka Arrimaha Dibedda, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay in weerarkii Arbacadii ka dhacay Muqdisho loo baahan yahay in beesha caalamku dib uga fekeraan mowqifkoodii midnimada Soomaaliya, halka uu sheegay in looga baahan yahay inay ka feejignaadaan si aan argagaxisadu ugu baahin geeska Afrika.Wasiir Maxamed Cabdillaahi oo wareysi uu la yeeshay Weriye, Simon, oo xilligan booqasho ku jooga Hargeysa, ayaa sheegay in Xukuumad adag oo Soomaaliya yeelataa tahay sida ugu wanaagsan ee cudurka Al-Shabaab loola dagaallami karo, dhacdada Muqdishana muujinayso halista arrinkaa. “Xukuumad adag oo Soomaaliya yeelato waa sida ugu habboon ee cudurka Al-shabaab lagu suulin karo.”
Balse, Wasiirka arrimaha dibedda, ayaa sheegay in midnimo danbe Somaliland ku riixayso mushkiladaha sidii Arbacadii ka dhacday Muqdisho. “Mahad Illaahay, dhalinyarada Somaliland uma jeedaan dhinaca Al-Shabaab. Dagaal kuma jirno. Haddii aqoonsiga lagu salaynayo ammaanka, waan heli lahayn aqoonsi. Si kasta waa inaan feejignaan ahaanno, mar walbana taxadir ka yeelanno.” ayuu Wasiirku u sheegay Weriyaha.Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Haddaan la midowno Soomaaliya, waxaan noqonaynaa hadaf. Waxaan rejeynaynaa in beesha caalamku dib uga fekeraan mowqifkooda Somaliland, iyagoo ku qiimaynaya dhacdooyinkan ugu dambeeyey.” Leave a comment |
|
Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Gooni-isutaaggu Gabbood Uga Yahay Weerarro Kaga Yimaadda Al-Shabaab
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdillaahi Cumar