CIYAARTOYGII BADHAN UGA QAYB-GALAY CIYAARAHA GOBOLADDA SOMALILAND OO GAADHI KULA DHACAY OOG IYO 2 KA MID AH OO KU DHAAWACMAY

0
Sunday June 23, 2013 - 10:18:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1131
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIYAARTOYGII BADHAN UGA QAYB-GALAY CIYAARAHA GOBOLADDA SOMALILAND OO GAADHI KULA DHACAY OOG IYO 2 KA MID AH OO KU DHAAWACMAY

    Oog(xogreebnews.com- Wararka Naga soo gaadhaya Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar ayaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Oog(xogreebnews.com- Wararka Naga soo gaadhaya Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar ayaa Oog(xogreebnews.com- Wararka Naga soo gaadhaya Deegaanka Oog ee Gobolka Saraar ayaa sheegaya in Goor dhaweyd gaadhi kula qalimay Meel u dhaw Magaaladaasi Kooxdii Koobka Goboladda Somaliland uga qayb galay Gobolka Badhan oo ku sii jeeday Deegaankoodii.

Ugu yaraan laba Ciyaaryahan ayaa ku dhaawacmay shilkaasi, oo ka dhashay Gaadhi nooca lagu Tamashleeyo ah oo ay Saarnaayeen,kaasoo kula dhacay Wadada Rafka ah ee tagta Magaalada Ceerigaabo, gaar ahaan meel wax yar u jirta halka Wadadaasi laamiga kaga leexato oo u dhaw Deegaanka Oog.


Sidaasina waxa baligubadlemedia u xaqiijiyay Isuduwaha Wasaaradda Ciyaaraha ee gobolka Badhan Maxamed Cabdillaahi oo khadka Telefoonka goor dhawyd ugu waramay xogreebnews.com kaasoo sheegay in laba ka mid ah Ciyaaryahanadu dhaawac culus qabaan.
Labada Ciyaaryahan ee shilkaasi ku dhaawacmay ayaa kala ah Ayuub Maxamd Maxamuud oo luqunta Dhaawac culus ka qaba iyo Maxamed Aadan Yuusuf oo Isna Misigta ka jabay, waxaana sida uu sheegay dhaawacooda la soo gaadhsiiyay Magaalada Oog.
Maxamed Cabdillaahi ayaa “Walaal shilkaasi wuu dhacay, waxaanu ka dhacay meel wax yar u jirta halka Laamiga lagaga leexdo ee Oog agteeda,waxaana ku dhaawacmay laba Ciyaartoo, oo dhaawac culus qaba, laakiinse cid kale waxba kuma noqon”ayuu sheega

Waxaanu intaasi ku daray “Labada Ciyaaryahan midi Luqunta ayuu ka jabay ka kalena Misigta, waxaanan keenay Magaalada Oog oo aanu ku sugayno Gaadhi Ambulace ah si aanu ugu soo gudbino Burco, waayo Oog malaha adeeg Caafimaad oo wax lagaga qaban karo”.
Isuduwaha ayaa ka waramay sidii shilku u dhacay “shilku wuxuu ka dhashay Gaadhi Prado oo ka mid ahaa laba Gaadhi oo aanu wadanay oo ay la socdeen qayb ka mid ah Ciyaartoygu ayaa la dhacay ka dib markii Taayir u baxay,markaa labadaa ayuunbaa ku dhaawacmay”
Xulka Gobolka Badhan ayaa sanadkii ugu horeeyay ka soo qayb-galay Ciyaaraha Goboladda Somaliland, waxaanay xalay ka amba baxeen Hargeysa, ka dib markii shalay la soo gabagabeeyay Ciyaarahaaasi oo lagu reebay Wareega 8-aad Kooxood.
xogreebnews.com
Oog



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured