Ma Hantidii Qaranka ayey Guryo ka dhisanayaan Xubnaha Gudidda Qandaraasyaddu?

0
Thursday December 05, 2019 - 19:03:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 716
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma Hantidii Qaranka ayey Guryo ka dhisanayaan Xubnaha Gudidda Qandaraasyaddu?

    Guddida Qandaraasyadda oo maalintii xilka loo dhibay mid kastaa waxa uu dadaal xooggan u galay, sidii uu hantida umadda uga dhisan lahaa guryo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddida Qandaraasyadda oo maalintii xilka loo dhibay mid kastaa waxa uu dadaal xooggan u galay, sidii uu hantida umadda uga dhisan lahaa guryo.

Dad ku dhawdhaw xubnaha Guddida Qandaraasyadda ayaa sheegay inay dhammaan xubnahani ay dadaal iyo hami u galeen sidii ay guryo hantida umadda uga dhisan lahaayeen.

Anigoo ah Maxamed Ibrahim Jama waxaan ku daba joogaa sidii aan umadda ugu soo bandhigi lahaa, shakhsiyaadka dhabtaa ah , ee a ahaayeen ka hor intii aan xilka loo magacaabay Xubnaha Guddida Qandaraasyadda.

Arrinta Guddida Qandaraasyaddu waxa lagu cabiri karaa haddii aan wax laga qaban sida ugu deg dega badan.

Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe


Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede
Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye
Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e
Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e
Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye
Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey
Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye
Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e
Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne
Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne
Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye
Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye
Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye
Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide
Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e
Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye

Lasoco qaybaha kale ee taxanaha ah, fadlan cid kasta oo xoggo dheeraad ah ka haysa Xubnaha Guddida waxaan rajeynaynaa inaad faahfaahinta noogu so diraan Emailkan.

Qallinkii: Maxamed Ibrahim

Email:maxamedibrahim5@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured