MADAXWEYNE SIILAANYO DIGREETADII DHULKA EE BERBERA OO SOO SHAAC SAARTAY KHILAAF MAAMUL

0
Saturday June 22, 2013 - 19:02:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1048
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILAANYO DIGREETADII DHULKA EE BERBERA OO SOO SHAAC SAARTAY KHILAAF MAAMUL

    Berbera (xogreebnews.com) Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku xayiray dhul ka mid ah Berbera gaar ahaana dhulka u dhaw Dekedda Berbera ayaa soo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera (xogreebnews.com) Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku xayiray dhul ka mid ah Berbera gaar ahaana dhulka u dhaw Dekedda Berbera ayaa soo Berbera (xogreebnews.com) Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo dhawaan ku xayiray dhul ka mid ah Berbera gaar ahaana dhulka u dhaw Dekedda Berbera ayaa soo shaac saartay khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Maamulka Gobolka iyo ka golaha deegaanka Berbera, kaasoo gartiisa guddida Dan iyo Duco u fadhido Hargeysa.
Ilo wareedyo u dhuun daloola khilaafka Badhasaabka iyo Maayarka berbera ayaa la sheegay in uu in badn soo huursanaa balse dhawaan markii digreetada Madaxweyne Siilaanyo soo saaray ay ku cadaatay khilaafka ubucdiisa in uu gadh-wadeen ka yahay Maareeyaha dekedda Berbera Eng Cali Xoor xoor, kaasoo ay Maayarka Berbera isku hayaan maamulka Gobolkaasi.

Marka laga tago khilaafka u dhaxeeya Maareeyaha iyo Maayarka waxa jira khilaaf kale oo sadexaad oo badhasaabka Gobolka Saaxil iyo Maayarka u dhaxeeya kaasoo la xidhiidha lacag Badhasaabku markii uu Xoghayaha Dawladda hoose aha aka qaaday shirkadda Indha-deero, lacagtaas oo ay labada dhinac ku galeen heshiis ah in lagu dhiso wado tagta Maxjarka Ilma Indhadeero, balse lacagtaas oo badhasaabka gacantiisa ku dhacday sida la sheegay aan lagu fulin jidkaas isla markaana aan qasnada Dawlada Hoose ku dhicin.



Arrimahan is barkan waxa soo shaac saaray Digreetada Madaxweyne siilaanyo, taasoo uu si toos ah ugu cadeeyay Madaxweynuhu in uu xayiraada dhulka ka soo dalbaday Maareeyaha Dekedda Berbera, taasna wax aka xanaaway Maayarka oo u arka in uu hawshiisii la wareegay Maareeyaha Dekeddu. Sidoo kale digreetada Madaxweyne Siilaanyo waxa ay saamaysay Ganacsato farabadan oo dhismayaal ka waday dhulkaas oo uu qaarkood dhawaan Madaxweyne Siilaanyo bixiyay.
Dhacdooyinkan ayaa sababay in ay is xulafaystaan Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Badhasaabka Gobolka Saaxil, halka Maayarku wado dedaalo uu kula tacaalayo labadaas masuul oo ka soo horjeedsaday.
Si kasta ha ahaatee khilaafka Maamulka Gobolka Saaxil madaxdiisa ka dhex taagan waxa dhex dhexaadin ka wada sida ay Baligubadlemedia u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun daloolaa Guddida Dan iyo Duco, waxaana kulamada arrimahaasi lagu xaliyayo Hargeysa u yimi madaxda Gobolkaasi.
Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dedaalada la doonayo in lagu damiyo khilaafka u dhaxaeeya sadexda masuul ee ugu sareeyay Gobolka Saaxil, kuwaasoo kala ah Maareeyaha Dekedda Berbera, Maayarka Degmadda Berbera iyo badhasaabka Gobolka Saaxil.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured