Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mucjisadii Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi!!!.

0
Monday October 28, 2019 - 03:30:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1775
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mucjisadii Waxqabadka Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi!!!.

    Iyaddoo aynu ka wada-war-qabno waxqabadka bilaha ah ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fuliso, laamaha dawlada ee dalka, iyo mashaaricaha kala duwan ee isdaba-jooga ah, waxaa haddana aad isoo jiitay masuul kamid ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Bii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iyaddoo aynu ka wada-war-qabno waxqabadka bilaha ah ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fuliso, laamaha dawlada ee dalka, iyo mashaaricaha kala duwan ee isdaba-jooga ah, waxaa haddana aad isoo jiitay masuul kamid ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, oo runtii leh, karti, daacadnimo iyo dedaal waxqabad oo u sameeyey badhna uu ku hawlan yahay.

Iyaddoo aynu ka wada-war-qabno waxqabadka bilaha ah ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka fuliso, laamaha dawlada ee dalka, iyo mashaaricaha kala duwan ee isdaba-jooga ah, waxaa haddana aad isoo jiitay masuul kamid ah Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, oo runtii leh, karti, daacadnimo iyo dedaal waxqabad oo u sameeyey badhna uu ku hawlan yahay.

Masuulkaas waxqabadkiisa iyo hanaankiisa masuuliyadeed inta badan uu soo jiitay qaybaha bulshada caafimaadka qabtaa ee aragta wanaaga Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi, waa Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, oo runtii la yimmi hanaan hoggaamineed oo wadaniyadii ka muuqato iyo dedaalo uu ku horumarinaayo Dekeda Berbera iyo weliba kuwa yaryar ee dalka.

Labadii sanadeed ee u dambeeyey waxa muuqata oo markhaati ma doonaa in Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi dhexda u xidhatay dhismaha iyo dayac-tirka dekedaha Somaliland itaal ay doonaanbaa ha lahadeen’e, waxaana kowka ah, Dekeda weyn ee Berbera oo noqotay mid casriya, isla markaana u guurtay inay la tartanto dekedaha dhigeeda ah ee geeska, waxa sanaad kadib, insha alla dhamaan doona dhismaha deked cusub oo 400-mt ah, sidoo kale waxa ku sii xigi doonaa dhismaha deked kaloo afar boqol ah, runtii himilooyinkaa hirgelitaankooda waxa qayb-weyn ku lahaa madaxweynaha Somaliland iyo Maareeyihiisa Dekeda oo daacad ka noqday taabo-qaadka mashaaricda lagu horumarinaayo Dekeda Berbera.

Sidoo kale, waxa iyagguna inagu cusub qorshaha Xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi doonayso inay ku horumariso Dekedaha yaryar ee dalka, waxana arrintaa markhaati u noqonaysaa safarkii dhowaan uu Maareeyaha dekeduhu ku tagay  Xeebaha galbeed ee Somaliland, isaggoo safarkiisa kusoo oogaaday xaalada dhabta ah ee ay ku sugan tahay dekeda Saylac, sidoo kalena waxa dekedaas qiimeyn ku soo sameeyey Injineero ku xeel-dheer cilmiga Dekedaha.

Waxa kaloo xusid mudan ee Dekeda Xiis iyanna lagu samayn doono dib-u-dhis iyo dayactir, waxana la filaya in dhowaan wafti xukuumada ka tirsani tagaan, kuwasoo ay hoggaaminayso Hayada dekedaha Somaliland.

Tallaabooyinka Xukuumadu ku dhisayso Dekedo badan, ayay dadka gorfeeya cilmiga dhaqaaluhu waxay sheegayaan in ay sababaysa koboc dhaqaale oo dalku gaadho, iyadoo ay kor u qaadmi doonaan illaha dakhli ee dalku, sidoo kalena ay sadex-jibaarmi doonaan lasoo bixi-taanka Khayraadka badda ee Kaluunku kowka yahay, oo ay bulshadeena Somaliland ku dhiiran doonto. Guulaha iyo waxqabadka noociisa aan weli hore loo arag, ee Maareeyaha Dekedda Berbera Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ku tallaabsadday, ayaa lagu sheegay waxyaabaha u fudeydiyey, inuu daacad ka noqday gudashada waajibaadkiisa shaqo ee uu qaranka uga waakiil yahay. La soco qaybaha dambe.

Qalinkii

Cabdifatax Cali Faarax.

Hargeysa _Somaliland 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured