DHH: Mushaharka Kor Loo Hayo, Shaqaalaha Mug-dhaafay, Macsuumadaha Loofarka Ah iyo Malaayiinta Ku Baxa Mirqaanka. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

0
Sunday October 20, 2019 - 18:05:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 703
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DHH: Mushaharka Kor Loo Hayo, Shaqaalaha Mug-dhaafay, Macsuumadaha Loofarka Ah iyo Malaayiinta Ku Baxa Mirqaanka. Qalinkii Siciid Maxamuud Gahayr

    Qormada 7aad Ee Naarnaar: Gorfaynta Gaabiska Golaha Deegaanka Hargeysa: Toddoba Gu' oo ay xilka hayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormada 7aad Ee Naarnaar: Gorfaynta Gaabiska Golaha Deegaanka Hargeysa: Toddoba Gu' oo ay xilka hayeen
7dii September 2017ka ayuu Duqa Caasimadda Hargeysa Md Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid uu fagaare ka sheegay in ay aanay shaqaalaha dawladda hoose muddo laba bilood ah wax mushahar ah qaadannin. Masuulkani waxa uu shacabka Hargeysa ku eedeeyay in aanay cashuurta bixin!. Yaa lala saayiraa? DHH miyaanay ahayn kuwa albaabbada goosta?. Ma dhaqaale la’aan ayaa DHH haysa mise dhaqaalayn la’aan?. Ma aha xaajo ku koobnayd 2017ka, waa se mid jiitanta illaa 2013-2019ka oo ay xilka hayeen golahan degaanka ee muddo-dhaafka ahi.


Guddida fulinta DHH tani dhib kuma hayso, waxa ay si gaar ah u maamulaan bar-xisaabeedka lacagta adag la dhigo, sidoo kale waxa ay qaan ka qaataan baayac-mushtariga. Saddexda masuul ee ugu sarreeya DHH waxa uu mid kastaaba isticmaalaa naqad fudud (petty cash) dhan saddex milyan Somaliland shiling maalintiiba, bishii waa intee? Halkee ayay dawladda hoose ku bixisaa cashuurta shacabka? Sidee qorista shaqaalaha loo maamulaa? Waxa aynu burinta hadalkaas u cuskan doonnaa qormo hore loogu baahiyay baraha bulshada.

Golaha Deegaanka Hargeysa waxa ay dhaqaalaha ugu badan ku bixiyaan qayilaadda: jabane, barje, biyo-raacis iyo qarxis. Mar kastana waxa aad maqlaysaa guryo ay mirqaanka ku qaataan oo kala geddisan. Rag la doortay oo cod dad ku baxay ayaa gabbal iyo waale marfash yuurura. Tusaaleyaasha la-yaabka leh ee arrintaas maragga ah waxa ka mid ah hadal uu Guddoomiyaha Xisbiga UCID Engineer Faysal Cali-Waraabe ka jeediyay munaasibad uu ku soo dhaweynayay Siyaasiyiin UCID ku biiray. 

Waxa uu yidhi "Gabadh qaadka bixisa ayaa Dawladda Hoose ku yeelatay $200,0000 (laba boqol kun oo doollar) waxa bixiyay Maayarka Hargeysa. Suurtagal maaha in lagu barjeeyo dhaqaalaha intaas le’eg iyada oo ay waddooyinkii caasimaddu dayacan yihiin”. Bal ka warrama? Sidee falkaasi u muuqdaa? Ma shilinka wadhatada laga qaaday ayaa habkaas loogu tagri-falayaa?

Si aan taas u sii bayaamiyo, waxa aan soo qaadan doonaa dhacdo uu iiga warramay nin ka mid ah dad ka qayb galay munaasibad horraantii sannadka 2017ka uu xilka kula wareegay Xoghaye loo magacaabay Dawladda Hoose ee Hargeysa, oo lagu caydhiyay saddex bilood gudahood. Maalintii uu xilka la wareegayay Xoghayihii Hore ee Dawladda Hoose Hargeysa Mawliid Kayse Muxumed, waxa hadhimo-sharafeed lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Halkaas waxa ka cunteeyay illaa 75 qof. Haddii aynuu ka soo qaadno in qof kastaaba cunay sooryo qiimaheedu yahay $20, waxa ay isku noqonaysaa $15,000. 

Ruux walba waxa la siiyay jaad. Haddii aynu celcelis ahaan ka soo qaadno in mid walbaaba ku qayilay $10, waxa kuu soo baxaya $7500. Intaas waxa dheeraa shidaalladii lagu socday, lacagtii warbaahinta loo qaybiyay iyo weliba dad rakaab ahaa oo dirqiyay Xoghayihii markaas cusbaa. Waxa maalin qudha la burburiyay $25,000 adduunkaas oo ku baxay qaad, qado, qabax iy qayrumasuulnimo. Weliba waa xilligii ay abaaraha lagu le’day ka jireen Somaliland. Soo-dhaweynta masuulka markaa cusbaa ayaa loo bakhaankhay, loo xiise-bururay, loona

Hawl-wadeen u dhuun-daloola Dawladda Hoose ee Hargeysa oo ka warramaya sida cashuurtii maatida loogu taxaashayo ayaa yidhi "25ka Xildhibaan ee Golaha Degaanka Hargeysa, Xoghayaha Fulinta, Guddoomiyeyaasha siddeedda waaxood ee Hargeysa, Agaasimeyaasha Cashuuraha, Dhulka iyo Kala-wareejinta waxa uu mid kastaaba maalintii isticmaalaa illaa $50 oo qaad iyo qado ah. Waxa ay macmiil u yihiin Ina Faras iyo Kaalintii laga xaraashay Dheereeye. Bishii waxay noqonayaan ku dhawaad $53,000”. Ganacsatada qaadka qaarkood ayaa qaantooda ku qaata dhul dan guud ah, hadba jago ayaa loo istaagaa. 

Caasimadda Somaliland waa ta ugu ayaanka daran, marka loo eego dadka ay u xusheen Xildhibaannada Golaha Deegaanka oo ku soo baxay qabyaalad iyo qudhun. Waxa kale oo soo-bixitaankooda qayb ka ah in ay dadka fiicani ka xishoodaan ka-shaqaynta Dawladda Hoose oo caan ku ah booli, boob, beelaysi iyo belaayo laga shaqeeyo. Hab-dhaqanka madaxdeeda ayaa ka dhigay summadda eexda, qaraaba-kiilka, musuqmaasuqa, caddaalad-darrada, dulmiga iyo duudsiga.

Waxyaabaha aan cilmiga, nuxurka, aragtida san iyo macnaha buuran ku fadhiyin ee Dawladda Hoose ee Hargeysa caanka ku noqotay waxa ka mid ah hannaanka shaqaalaynta. Marka la isu eego laba-canlaynteeda culayska shaqaale ee saaran, waxa aan ka baqanayaa in albaabbada loo laabo. In yar ayay u jiraan in kaalmo loo dalbo "Soo caawiyaay” ayaa ka dhici doonta. Gebi ahaan waxa ay qarka u saaran tahay in ay sidii goodhiyaha kacdo. Waayo baaxaaddageeda dhaqaale ma aha mid ay maansan ugu maaro heli karaan.

Golihii hore ee DHH (2002-2012) waxa ay ka tageen 800 shaqaale ah, maantana waxa ay ku dhow yihiin hawl-wadeennadu 2000. Ku dhawaad laban-laab iyo badh ayaa la kordhiyay. Iyada oo aan la isu eegin dakhliga dawladda hoose oo yaraaday iyo qarashkeeda ayuu Xildhibaan kastaaba reerkooda ka keenay afartan qof. Xoghaye kastaana 50 qof ayuu qortaa. Sidoo kale waxa gebi ahaan yaraaday mashaariicdii iyo maalgelintii ay Dawladda Hoose ka heli jirtay Haayadaha iyo Caalamka. Xukuumadda dhexe ayaa xitaa ka fiirsata kabka ay siinayso DHH.

Dawladda Hoose ee Hargeysa waxa ay ballan-qaadday in qof kasta oo ka tirsan ciidanka dab-demiska ay siinayso lacag dhan 1,500,000 (Milyan iyo shan boqol oo kun), waxaanay xilliyo hore marayeen ku dhawaad 500 qof. Halkee ayay ka keenaysaa 75,000,0000 (shan iyo toddobaatan milyan) bishiiba? Waa inay kolba tagaasida ku dhegto, kolna albaabbada la baxdo, kolna dukaannada ganaaxdo, kolna riyaha xeraysato. Waxa dhacda in aanay ciidankani wax mushahar ah qaadannin mararka qaarkood illaa 3 bilood oo isku xiga. 

La Soco Qaybta Sagaalaad haddii Alle idmo..


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured