MUSHARAXA MADAXWEYNENIMO OO KU SUGAN CAASIMADA DALKA TANZANIA EE DARESALAM KULAMANA LA LEH MADAXDA DALKANI IYO GANACSATADA REER SOMALILAND EE DALKANI TANZANIA KU DHAQAN.

0
Thursday June 20, 2013 - 08:52:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUSHARAXA MADAXWEYNENIMO OO KU SUGAN CAASIMADA DALKA TANZANIA EE DARESALAM KULAMANA LA LEH MADAXDA DALKANI IYO GANACSATADA REER SOMALILAND EE DALKANI TANZANIA KU DHAQAN.

    Waxa magaalada Daresalalm ee dalka Tanzania ku yimid booqasho musharaxa madaxwaynaha xisbiga New Ucid Mudane Jamal Ali Hussein oo ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa magaalada Daresalalm ee dalka Tanzania ku yimid booqasho musharaxa madaxwaynaha xisbiga New Ucid Mudane Jamal Ali Hussein oo ku

Daresalam-(xogreebnews.com--Waxa magaalada Daresalalm ee dalka Tanzania ku yimid booqasho musharaxa madaxwaynaha xisbiga New Ucid Mudane Jamal Ali Hussein oo ku soo dhaweeyey halkaasi xubno ganacsato iyo bulshada ku dhaqan dalkani Tanzania oo uu horkacayo Mudane Mohamed saleban ayaa la kulmay bulshada Somaliland ee ku dhaqan dalkani Tanzania.

Musharaxa madaxwaynenimo ee xisbiga New Ucid ayaa ku sugan caasimada dalkani Tanzania ee Daresalam oo uu ku yimid casuumad ay u fidiyeen madax sare oo ay saxiibo dhow yihiin oo katirsan madaxda dalkani Tanzania.

Mudane Jamal aya waxa uu kulamo la yeeshay madax badan oo ka tirsan dalkani Tanzania isagoo uga waramay taariikhda iyo horumarka ay gaadhay jamhuuiyada Somaliland.

988229_597666683601557_1982048847_n

sidoo kale waxa uu kulamo la qaatey ganacsatada reer Somaliland ee ku haysta ganacsiga kala duwan dalkani Tanzania iyadoo halkaas uu ku casuumay ganacsadaha wayn ee Mohamud Mohamed Ducale (Mohamud Arab) oo ugu sameeyey casho sharaf huteelka caalamiga ah ee Kiliminjaro Hotel (Kampiski)

Mudane Jamaal Ali Hussein aya suaalo ay ganacsatada dalkani Tanzania ku dhaqani waydiinayeen aya si hufan uga jawaabay.

Musharaxa madaxwaynenimo ee xisbiga New Ucid oo ka hadlaya arimaha ictiraaf raadinta somaliland ayaa soo jeediyey in arintaasi ay xil ka saarantay cid waliba culimo , ganacsato, aqoonyahano,qareeno iyo xukuumadaba isla markaana ku nuuxnuuxsaday in loo baahanyahay in la dhiso unug ka shaqeeya ictiraaf raadinta somaliland oo bulshada qaybaheeda kala duwan isla markaana aan lagu halayn wasiirka arimaha dibada o kaliya balse loo guntado sidii arinkaa loo gaadhi lahaa shacab iyo xukuumadba.

1016819_597667266934832_955635839_n

Isagoo arimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi.” Somaliland maanta waxyabaha ugu muhiimsan ee ay dunida ka rabta waa aqoonsi diblamasiyadeed oo ay ka hesho caalamka si taas loo helo waa in wax laga badalaa siyasada ku aadan ictiraaf raadinta aynu mudada dheer raadinaynay oo la sameeya urur isku dhafan xukumad xisbiyo iyo shacaba oo dar dar galiya arimaha aqoonsi raadinta.

Mudane jamal jli hussein arimaha biyaha niilka faaidada iyo saamaynta ay ku yeelankarto somaliland ayaa sheegay in ay somaliland faaido wayni ugu jirto arintaasi hadii ay somaliland sida ugu haboon doorkeeda uga ciyaarto isagoo arimahasi ka hadlayana waxa uu yidhi. Somaliland waa mandaqad ku taal meel istiratiji ah isla markaana waxan rajo wayn ka qabaa in ictiraaf heli karto hadii ay kaadh fiican ka ciyaarto arimahaasi ku saabsan biyo xidheenka nilka ee Ethiopia iyo Masar isku hayaan.

1017580_597667090268183_1224960648_n

Jamaal Ali Hussein kulamadiisu u sii socon doonaan isagoo isla maantana kulamo la lahe madax sar sare oo dalkani tanzania sida xoghaya guud ee xisbiga talada dalka haya ee CCM mudane Abdirahman Kanaan.

gabagabadii musharaxa madaxwaynaha xisbiga New Ucid mudane Jamal Ali Husein ayaa u mahad celiyey dhamaan dadkii ku soo dhaweeyey magalada Daresalam ee dalka Tanzania.

xogreebnews.com-


Daarasalaam




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured