War-weyn:Nuxurka Shir-doceed iyo Hadhimo-sharafeed Shalay Gudoomiyaha UCID u sameeyay Hogaamiyayaal iyo Siyaasiyiin magac iyo miisaan weyn ku leh Bulshada Somaliland dhexdeeda!.

0
Wednesday June 19, 2013 - 12:48:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1120
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-weyn:Nuxurka Shir-doceed iyo Hadhimo-sharafeed Shalay Gudoomiyaha UCID u sameeyay Hogaamiyayaal iyo Siyaasiyiin magac iyo miisaan weyn ku leh Bulshada Somaliland dhexdeeda!.

    Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa hadhimo sharafeed balaadhan shalay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa hadhimo sharafeed balaadhan shalay Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa hadhimo sharafeed balaadhan shalay u sameeyay Hogaamiyayaal iyo siyaasiyiin magac iyo miisaan ku leh Bulshada Somaliland dhexdeeda oo qaarkood ku jiraan Axsaabta siyaasada,halka qaarkoodna ku suntan yihiin siyaasiyiin madax banaan.

Hadhimo sharafeedkan oo ka dhacday Hotel Ambadsadoor ayaa ahayd mid Saxaafadu banaanka ka ahayd ama aan lagu casuumin,waxaana siyaasiyiinta lagu casuumay hadhimo sharafeedkaa ka mid ahaa Eng.Maxamed Xaashi Cilmi,Xasan Ciise Jaamac,Ibraahin Dhega-weyne,Cabdiraxmaan Tol-waa,Cabdisalaan Yaasiin,Gudoomiyaha urur siyaasadeedkii Horyaal Mustafe kaydsane, Xasan Cali Abokor,La taliyaha Madaxweyne siilanyo Fu’aad Adan Cade ,Mulkiilaha Hotel Hadhwanaag Xasan Bulbul iyo siyaasiyiin kale oo doora,Hase yeeshee waxay xogaha Qarannews heshay tibaxayaan inay ka baaqdeen Hadhimada siyaasiyiinta qaarkood oo ay ka mid yihiin Xasan Ciise Jaamac iyo Cabdiraxmaan Tol-waa oo siyaabo kala duwan u cudur-daartey.


Sida xogreebnews.co-ilo xogogaal ahi u sheegeen Hadhimada dabadeed waxaa goroda lays daray xog-wareysi,waxaana la dhegaystay warbixin mug weyn oo uu jeediyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo muddo dhawr bilooda dalka debeda kaga maqnaa, soona maray dalal badan, islamarkaana ka qeyb galay wadahadaladii mudoba u socday Somaliya iyo Somaliland.

Faysal wuxuu ku nuuxnuuxsadey in qasdiga martiqaadkiisu ahaa maadaba aanay muddo is arag oo kala raageen ay daruuri noqotey in laysu yimaado oo layska xog wareysto,waxna layska weydiiyo xaalada dalku galay maanta oo aan macquul ahayn in gacmaha laga laabto,marxaladan hadda taagana lagu jiri Karin. Sidoo kale wuxuu Faysal xusay in dawlada UK oo aynu wax badan ka filaynay inaga sii jeesatey oo Xamar ku mashquushay.

Wuxuu Gudoomiye Faysal si faahfaahsan uga waramay siyaasada arimaha debeda Somaliland oo uu fasiraad iyo sharaxaad dheer ka bixiyey, tilmaamayna inay soof-daran habowday ama jiho qaldan oo qardajeexa cagta saartey,lagana aamusi Karin sida wax u socdaan ee wada tashi loo baahan yahay.

Sida Xogaha Qarannews heshay tibaxayaan wuxuu Faysal si farsahaxnimo ku dheehan tahay u soo bandhigay ama u sharaxay wadatashiga ama shirka badbaado qaran ee uu ku baaqey ee dhawaan la filaayo inuu ku qabto dalka gudihiisa,wuxuuna wax ka iftiimiyey Ajeendayaasha shirkiisa.

Geesta kale wuxuu Faysal sheegay inuu werwer badan ka qabo xaalada Somaliland gashay maanta iyo xukumada Siilanyo oo aad u taag daran,Beelaha darafyada oo cabasho xoog badan qaba iyo Dawlada Xasan Sh.Maxamuud oo sii xogeysanaysa.

Sidoo kale wuxuu Faysal ka hadlay cabsi soo korodhay ,xaalada nabadgelyo iyo amniga dalka oo liicay oo meeshii ugu hooseysay abid maraaya oo habeen walba caasimada Hargeysa lafteeda falal iyo dilal joogto noqday ka dhacaan oo xukumaduna ku fashilantay inay xakamayso,waxna ka qabato islamarkaana soo qabqabto cidihii ka danbeeyay falalkaa nabadgelyada kharibaya ee fawdada abuuraaya,wuxuuna Faysal intaas ku daray inaan xaalada noocana laga aamusi karin.

Xogaha qarannews heshay Intaas ka dib waxa hadalkii ku wareegay ama la wareegay siyaasiyiintii Faysal casuumay, waxaana madasha laysku weydaarsadey talooyin badan,waa lays mashqaciyey oo aad loo kaftamay, aakhirkii waxaa laysla meel dhigay oo laga wada hadlay qodobo badan oo ku taxaluuqa xaalada dalku galay,Aminga iyo nabadgelyada.

Waxaa siyaasiyiinta madasha fadhiday isku raaceen inaaney jirin Mucaarad dhab ah oo wixii xukumadu Siilanyo khalado ama qaloociso la toosisaa,Axsaabta mucaaridkana fartu ku go’dan tahay ,sharci-dejintiina xukumada Siilanyo ku milantay oo la safan tahay! Taas darteedna mucaarad muuqata loo baahan yahay.

Isku soo wada duuboo waxay siyaasyiintaasi qireen oo isku raaceen inaaney ina xukumin, talada dalku ka go’in,gacantana waxba ugu jirin cidii ay Bulshoweynat reer Somaliland doortay iyo madaxweyne Siilanyo balse meelo ka hooseeya arimuhu ka socdaan oo wax laga maamulo.Ugu danbayntii waxaa laysla gartay in kulamo isdabajooga iyo shir kan ka balaadhan laysagu baaqo todobaadka soo socda, halkaasna arinta laga sii anbaqaado, cidi walibana warbixintan dib ugula noqoto ama ugu xog waranto Xisbiga ama qeybaha buslahada ee ay ku xidhan tahay si loo helo Rayi,Caqli iyo talo guud oo laga midaysan yahay oo dalka lagu badbaadiyo iyo halka arintan
cource qarannews.com


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured