Xaaladda Ammaanka Oo Magaalooyinka Somaliland Faraha Ka Baxay Iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Duur Oo Barkimo Dheer Sarajooga Dhigtay Iyo Taliyahii Ciidanka Booliiska Oo Shaqadiisii Noqotay Inuu Cayaaraha Kubadda Ku Daawado Garoonka Marna Shaashadaha Warbaahinta Ka Muuqdo

0
Wednesday June 19, 2013 - 12:25:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 895
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaladda Ammaanka Oo Magaalooyinka Somaliland Faraha Ka Baxay Iyo Wasiirkii Arrimaha Gudaha Duur Oo Barkimo Dheer Sarajooga Dhigtay Iyo Taliyahii Ciidanka Booliiska Oo Shaqadiisii Noqotay Inuu Cayaaraha Kubadda Ku Daawado Garoonka Marna Shaashadaha Warbaahinta Ka Muuqdo

    Hargeysa (xogreebnews.com-— Dhimashada ayaa gaadhay afartii maalmood ee ugu danbeeyey ilaa shan qof oo ku dhintay magaalooyinka Hargeysa, Xariirad, Dacar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-— Dhimashada ayaa gaadhay afartii maalmood ee ugu danbeeyey ilaa shan qof oo ku dhintay magaalooyinka Hargeysa, Xariirad, Dacar Hargeysa (xogreebnews.com-— Dhimashada ayaa gaadhay afartii maalmood ee ugu danbeeyey ilaa shan qof oo ku dhintay magaalooyinka Hargeysa, Xariirad, Dacar Budhuq, Iyo Gariyaad oo dhammaantoodba dadkaasi lagu dilay gaadmo iyo rasaas nool oo aan ciddii dishay weli aan loo qabanin.magdiid

Habeen seddexaadkii ayey ahayd markii Hooyo seddex caruur ah dhashay oo magaceeda alla ha u naxariistee la odhan jiray Raxma Maxamed Xaashi lagu khaarajiyey xaafadda callaamadaha ee caasimadda Hargeysa wakhti cadceedu dhinac ka soo jeedo dilkaasi marxuumadda ayaan habayaraate cid loo qabtay jirin ciidamadda ammaankuna wax faahfaahin ah oo ay ka soo saareen ma jirto, waxaana maydkii marxuumadaasi la keenay cisbitaalka dhexe ee magaalada Hargeysa.


Habeen hore ayaa magaalada Xariirad ee gobolka Salal waxaa lagu dilay sidoo kale nin deegaankaasi u dhashay marxuum Daahir Yuusuf Dugsiiye maalin cad isagoo dhex jooga magaalada xariirad dhexdeeda, iyadoo wararku tilmaamayaan in koox hubaysan oo madaxa soo duubatay ay ninkaasi si fool xun ugu dileen magaalada, iyadoo lagu sababeeyey dilkiisa aano qabiil, ma jirto cid loo xidhay iyo cid loo qabtay iyo cid wax iska weydiisay dilka qofkaasi muwaadinka ah ee lagu khaarajiyey magaalada Xariirad.

Xallaytoole ayaa xaafadda Jigjiga yar ee magaalada Hargeysa waxaa lagu dilay gabadh uu adeer u yahay abwaanka caanka ah ee reer Somaliland Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi oo la odhan jiray marxuumadda alla ha u naxariistee Cawo Qaasim Walanwal oo iyadu wakhtigaasi la sheegay inay usii caraabaysay goob ay ka degenayd magaalada, ma jirto cid loo qabtay dilkaasi iyo wax la iska weydiiyey midna toona.

Horaantii todobaadkii hore ayaa duleedka magaalada Dacar-budhuq ee kala qaybiya xuduudka caasimadda Hargeysa iyo gobolka Saaxil waxaa lagu dilay Wiil dhalinyar ah oo wakhti aroornimo ah maydkiisa laga hellay deegaankaasi, ma jirto cid loo qabtay dilka ninkaasi iyo cid wax iska weydiisay habayaraate.

Falalkani ayaa waxay dhacayaan xilli wasiirkii arrimaha gudaha Somaliland aan muddo dheer lagu arag xafiiskiisa xarunta wasaaradda arrimaha gudaha isla markaana la sheegay inuu ku dhex milmay ololaha xisbiyadda siyaasadda iyo barnaamij la sheegay in tirikoob lagu samaynayo dadka reer Somaliland, oo la sheegay in Wasiir Duur uu doonayo inuu kharash weyn ka qabto maadama midawga yurub iyo dalka maraykanku ay lacag malaayiin dollar ah ku maal gelinayaan barnaamijkaasi, waxaana lagu arkaayey maalmaha ugu danbeeyey isagoo olole ugu jira barnaamijkaasi diiwan gelinta.

Halka dhinaca kale taliyahii ciidanka Booliiska Cabdilaahi Fadal Iiman aanu ka faaruqin garoonka lagu cayaaro kubadda cagta ee magaalada Hargeysa, oo uu wakhtigiisa inta ugu badan ku qaato, waxaa ka sii yaxyax iyo amakaag badan isagoo mar walba lagu arko isagoo ka muuqda shaashada telefishanadda mar walbana jecel in la weraysto.

Xaaladda ammaanka dalka ayaa ka sii daraysa, waxaana habeenaddii ugu danbeeyey magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland noqotay goob dadka shacabka ahi aanay lugta aaminin ee ay badanka gawaadhi ku socdaan, iyadoo dumarka iyo haweenkuna ay la soo daristay cabsi horleh.

Marka gabalku dhaco waxaa magaalada Hargeysa gacan ku haynteeda la wareega kooxo iskugu jira tuugo iyo dhalinyaro ay shaqo la’aantu baday inay habeenkii furtaan dumarka iyo dadka jilicdsan ee ka ganacsiga ku haysta xaafadaha dhexdooda.

Xaaladda ayaa hadday sidaasi ku sii socoto waxay Hargeysa qarka u saarantahay inay la mid noqoto magaalooyinka dalka Soomaaliya ee la dariska ah Somaliland

Sources Halbeeg



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured