Xukuumadda Somaliland Oo Diyaaradii U Horaysay Ee Ogolaansho Ka Haysata Somaliya Ka Diiday In Ay Soo Fadhiisato Madaarka Hargeysa.

0
Tuesday June 18, 2013 - 19:14:34 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1102
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadda Somaliland Oo Diyaaradii U Horaysay Ee Ogolaansho Ka Haysata Somaliya Ka Diiday In Ay Soo Fadhiisato Madaarka Hargeysa.

    Hargeysa(xogreebnews.com--Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho ka soo qaadatay Soomaaliya, sidaasna waxa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho ka soo qaadatay Soomaaliya, sidaasna waxa Hargeysa(xogreebnews.com--Xukuumadda Somaliland ayaa Hawadeeda ka Eriday Diyaaradii u horeysay ee ogolaansho ka soo qaadatay Soomaaliya, sidaasna waxa shaaca ka qaaday war-murtiyeed ka soo baxay wasaaradda Duulista hawadda Somaliland.war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Chief of Protocol-ka wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Cabdilaahi Axmed Caarshe, waxaanu u dhignaa sidan:-“Xukuumadda Somaliland waxay hawadeeda ka eridey diyaaradii ugu horeysay ee ogolaanshiiyo ka soo qaadada magaalada Muqdisho ee dalka Somalia ee aynu jaarka nahay, diyaaradan nooceedu ahaa SS34 ayaa isku dayday in subixii hore ee saaka ay ka soo degto garoonka caalamiga ah ee Igal International Airport, balse markii uu Tower-ka Somaliland ogaaday in ay hawada Somaliland ay soo gashay diyaarad Permission ka haysato Muqdisho, ayay masuuliyiinta Wasaarada Duulista Hawadu ku amreen in ay ka baxdo hawada Somaliland, (Somaliland Air space).Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in dowladda Somaliland ay awood buuxda u leedahay in ay control adag ku samaysay hawadeeda, Diyaarad Permission ama ogolaansho ka soo qaatay magaalada Muqdishona aanay soo geli Karin hawada Somaliland soona fadhiisan Karin garoomada jamhuuriyada Somaliland.Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna aanay Somaliland cidnaba ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland, gaar ahaana Wasaarada Duulista Hawada oo xukuumadda uga wakiil ah arrimaha duulimaadyada iyo ilaalinta hawada Somaliland.Waxaanu u sheegaynaa kuwa ku riyoonaya ee Aaminsan in permission ama ogolaansho laga bixiyey magaalada muqdisho lagaga degayo Somaliland, ay tahay riyo been ah ayna ku cimro qaataan tan maanta Somaliland hawadeeda kaga eridey diyaarada muqdisho ka soo qaadatay ogolaanshiiyaha beenta ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured