Xaakinkii Budhcad-badedeedka iyo Argagixsada oo la filayo in loo magacaabo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland

0
Tuesday June 18, 2013 - 08:11:09 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaakinkii Budhcad-badedeedka iyo Argagixsada oo la filayo in loo magacaabo Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland

    Hargeysa-(xogreebnews.com-:- Garyaqaan Cismaan Ibraahin Suldaan (Fanax), oo ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa la sheegayaa in loo magacaabayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa-(xogreebnews.com-:- Garyaqaan Cismaan Ibraahin Suldaan (Fanax), oo ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa la sheegayaa in loo magacaabayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland. Hargeysa-(xogreebnews.com-:- Garyaqaan Cismaan Ibraahin Suldaan (Fanax), oo ah Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Gobolka Saaxil, ayaa la sheegayaa in loo magacaabayo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland.
Garyaqaan Cismaan Ibraahin, oo immika ka mid ah Garyaqaannada Maxakamadda Gobolka Hargeysa, ayaa warar madax-bannaan oo Shebekadda Rasmimedia ka heshay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland wuxuu si qarsoodiya noogu sheegey inuu jiro qorshe Xukuummaddu xilka kaga qaadayso Xeer-ilaaliyihii guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan oo muddo toddoba billood ah ku sugan dalka Ingiriiska oo xaalad caafimaad loo geeyay, balse aan dib uga soo noqon dalka.



Sababta xil-ka-qaadista Xeer-ilaaliyaha Guud ayay wararku sheegayaan inay salka ku hayso in iyadoo xilli xasaasiya lagu gudo-jiro shaqadiisii ay soo waajahday baylah iyo debecsanaan xoogga, taasoo wararku sheegeen inay soo dedejin doonto xil-ka-qaadistiisa.
Ma jiro war rasmiya oo Xukuummadu ka soo saartay xil-ka-qaadista iyo masuulka beddeli doona toona. Hase-yeeshee Afhayeenku wuxuu tibaaxay in jagadaas loo magacaabi doono Garyaqaan Cismaan Ibraan Suldaan (Fanax), oo caan ku ahaa xukunnada kooxaha budhcad-badeeka laga soo qabto xeebaha kala duwan ee Somaliland iyo argagixisadii dilalka qorshaysan ka fuliyay magaalada Laascaanood iyo kuwo kale, xilligii uu ahaa Guddoomiyaha maxkamadda Saaxil, waxaanay reer Berbera ku naanaysaan “Xaakinka budhcadda iyo Argagixisada.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured