Muxuu ku soo idlaadey kulankii xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor

0
Tuesday June 18, 2013 - 07:46:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 948
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu ku soo idlaadey kulankii xalay Qasriga Madaxtooyada ku dhexmaray Xukumada Siilanyo iyo Ururka Xaqsoor

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Kulan garnaqsi siyaasadeed oo mudo dheer qaatey oo u dhexeeyay madaxda urur siyaaseedkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii golayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Kulan garnaqsi siyaasadeed oo mudo dheer qaatey oo u dhexeeyay madaxda urur siyaaseedkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii golayaasha Hargeisa-(xogreebnews.com-Kulan garnaqsi siyaasadeed oo mudo dheer qaatey oo u dhexeeyay madaxda urur siyaaseedkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashooyinkii golayaasha degaanka Somaliland ee dalka ka dhacday dabayaaqadii sanadkii hore 2012-kii iyo xukumada Siilanyo ayaa gudidii labada dhinac wadahadalada u metelaysey Warbaahinta u sheegeen inay soo afjareen wixii khilaaf,turxaan iyo is-afgaranwaa dhexyaaley.


Guddi Lix xubnood ka kooban oo labada dhinac ee Xukumada Siilanyo iyo ururka Xaqsoor garnaqsiga u metelaayey ayaa xalay shir jaraaid oo ay ku qabteen Qasriga Madaxtooyada Warbaahinta u sheegay inay Xasan Ciise Jaamac iyo Siilanyo is horfadhiisiyeen,oo wadahadalsiiyeen.

Sida gudidaasi labada dhinac metelaysay oo ay afkooda ku hadleen Wasiirka maaliyada Samaale oo dhinaca xukumada Siilanyo ka soo jeeday iyo gudoomiye ku xigeenka Ururka Xaqsoor Cali Sandule sheegeen waxay ku heshiiyeen inay heshiiyaan oo keliya balse may soo bandhigin qodobo lagu heshiiyey iyo waxay ku dhameeyeen doodihii qarada weynaa ee dhexyaaley ee ahaa codadkaygaad boobtay oo ku shubatey iyo waa been,codadkayagaad dooxa ku daadisey oo gubtay iyo waa beentaa,doorashada dawladaha hoose halagu celiyo iyo lagu celin maayo!.
Wasiir Samaale ayaa waxaa ka mid ahaa erayadii uu shirka jaraaid ka yidhi “ Muddo dheer ayaanu soo wadnay hawl culus oo xukumada iyo ururkii Xaqsoor noo igmadeen,Anagoo ahayn guddi lix xubnood ka kooban oo laba dhinaca oo min sadex xubnooda, Hawshaa caawa ayaanu soo gabo-gabeynay oo meel wanaagsan gaadhsiinay,waxayna noogu dhammaatay is-afgarad” ,Wuxuu kaloo wasiir Samaale intaas ku daray “Madaxweyne Siilanyo iyo Gudoomiyihii Xaqsoor caawa way wada joogeen oo kulan ayay yeesheen”.
Geesta kale waxaa dhinaca Ururka Xaqsoor Afkooda ku hadlay Gudoomiye ku xigeenkooda koowaad Cali Sandule waxaana erayadii uu shirka jaraa’id ka yidhi ka mid ahaa “Waxaanu la socodsiinaynaa dadweynaha in wadahadaladii noo socday sadexda bilood noogu soo dhammaadeen is afgarad oo hadal dambe iyo hawl dambe oo ka dabo imanaysaa midna aanu jirin”.
Isku soo wada duuboo Gudida wadahadalada u metelaysay labada dhinac oo ka koobnaa lix xubnood ayaa kala ahaa:-
Wasiirka Maaliyada Samaale,Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan iyo wasiir ku xigeenka Arimaha debeda Mawliid Maxmuud Karaani oo ka socday dhinaca xukumada Siilanyo iyo Gudoomiye xigeenka koowaad ee Xaqsoor Cali sandule,Gudoomiye ku xigeenka labaad Casoowe oo ka socday dhanka xaqsoor


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured