SOMALILAND: XUKUUMADDA OO MAANTA MAXKAMADDA U SOO GUDBISAY 4 KIIS OO LOO HAYSTO WARGEYSKA HUBAAL OO TODOBAAD XAYIRAN

0
Tuesday June 18, 2013 - 07:41:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND: XUKUUMADDA OO MAANTA MAXKAMADDA U SOO GUDBISAY 4 KIIS OO LOO HAYSTO WARGEYSKA HUBAAL OO TODOBAAD XAYIRAN

    Hargeysa (xogreebnews.com--Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa Maanta Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Eedaha loo haysto Wargeyska Hubaal oo todobaadkii hore amar ka soo baxay lagu Xayiray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com--Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa Maanta Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Eedaha loo haysto Wargeyska Hubaal oo todobaadkii hore amar ka soo baxay lagu Xayiray. Hargeysa (xogreebnews.com--Xeer ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa Maanta Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Eedaha loo haysto Wargeyska Hubaal oo todobaadkii hore amar ka soo baxay lagu Xayiray.
Tirabada Afar Eedood oo la xidhiidha Warar Wargeysku qoray, ayaa Xeer Ilaalintu Maxkamada u soo gudbisay, sida ay Baligubadlemedia u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Xeer-ilaalinta oo ka cudur daartay inaan magacooda la soo xigan.
Eedahan ayaa kala ah:- 1-War Wargeysku ka qoray Safaaradda Itoobiya ee Somaliland.

2- warbixin uu ka diyaariyay Wefti xukuumaddu yamaniyiin ku sheegtay, laakiinse wargeysku isagoo soo xiganaya Ilo-wareedyo Diblomaasiyadeed sheegay inay ku jireen masaari u socday sidii ay Somaliland uga hadli lahaayeen arimaha Nile-ka .

3- Warbixin kale oo mudo ka hor wargeysku ka soo xigtay Wakaalado Caalamiya oo ku saabsanayd Caafimaad Madaxweyne Siilaanyo oo laga dayrinayo.
4- iyo Eedda kale oo ah Warbixin Wargeysku isku bar-bar dhigay go’aan qaadashada madaxweyne siilaanyo iyo Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee ku aadan Dagaalka Wabiga nile-ka iyo Xurguftii ka taagnayd xiliyada labada hogaamiye dalka kala hogaaminayeen.
Inkasta oo aanay noo suurto gelin inaanu helno Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Faysal Dhaga-dhago si aanu wax uga waydiino xiliga la furayo Dhegeysiga dacwadahan Wargeyska , ka dib markii aanu xafiiskiisa ka waynay, hadana waxa jira warar sheegaya in sida ugu dhakhsaha badan loo bilaabayo dhegeysiga Eedahaasi.
Geesta kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal oo ku saabsan eedahan loo soo jeediyay, balse Eedaha loo haysto ee loo cuskaday Xayiraada Wargeyska ayaa u muuqda kuwo aan diyaar ahayn markii amarka xayiraadu soo baxay, taasoo sharciyan u muuqata talaabo lagu deg-degay oo aan wax Dambi ah lagu salayn.
Soo gudbinta Dacwadu waxay ku soo aadaysaa maalin ka dib markii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ku dhawaaqeen in Cadaalad marinta Kiiska Wargeyskaasi ay garsoorka ku Ixtiraamayaan, ka dib markii Xukuumaddu ku adkaysatay inay Cadaaladda kaga calaf qaadayso Dacwadaha ay ku haysto Wargeyskaasi.
Dhinaca kale, Xayiraada, eeddaynta wargeysku waxay ku soo beegmaysaa xili aan ilaa hada meel fooda loo saarin weerarkii Wargeyska lagu soo qaaday 24 Bishii April, taasoo ilaa hada uu u xidhan yahay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Bilayska Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured