Musharax Madaxtinimada Xisbiga UCID Aqoonyahan Banker Jamaal Cali Xuseen Oo Dhaleeceeyey Xayiraadii La Saaray Wergeyska HUBAAL Talla-na Usoo Jeediyey Warbaahinta Ku Mamay Inay Shilimaadka Ka Raadiyaan Madaxtooyada

0
Tuesday June 18, 2013 - 07:38:30 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Musharax Madaxtinimada Xisbiga UCID Aqoonyahan Banker Jamaal Cali Xuseen Oo Dhaleeceeyey Xayiraadii La Saaray Wergeyska HUBAAL Talla-na Usoo Jeediyey Warbaahinta Ku Mamay Inay Shilimaadka Ka Raadiyaan Madaxtooyada

    Saxaafaddii madaxa banaanayd ee Somaliland lagu majeeran jiray ee aynu ku faanni jirnay laba kooxood uun bay kala noqotay. Middi waa Hubaal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saxaafaddii madaxa banaanayd ee Somaliland lagu majeeran jiray ee aynu ku faanni jirnay laba kooxood uun bay kala noqotay. Middi waa Hubaal “Hargeysa (xogreebnews.com-Musharaxa xilka madaxtinimada ee xisbiga UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo hadda ku sugan caasimadda dalka Tanzania ee Darasalam ayaa si adag u dhaleeceeyey go’aankii madaxtooyada Somaliland ku xayirtay wergeyska HUBAAL, kuna tilmaamay inay cawaaqib xumo taariikhi ah oo aan weligeed duugoobin ku yeelan doonto xukuumadda madaxweyne Siilaanyo.Mudane Jamaal Cali Xuseen wuxuu sidoo kale tallo iyo tusaale u diray madaxda warbaahinta Somaliland qaarkood oo ku mamay in shilimaad lagaga bedesho xorriyadooda laga siiyo xarunta madaxtooyada, taasi oo luminaysa kalsoonidii shacabku ku qabay, mudane Jamaal Cali Xuseen qoraalkiisa oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhsiiyey shabakadda Halbeegnews ayaa wuxuu ku yidhi sidani isagoo dhamaystiran:“Xikmad ayaa jirtay ka soo maaxday nin Carab ah oo ahaa dadka aragtidda dheer lahaa ee noolaa xilligii casri jaahiligga ee aanay diinta Islaamku soo gaadhin wadamadda Carabta. Ninkani wuxuu ka tegay xikmad kooban laakiin wadata miisaan culus ilaa haddana nolosha aynu ku dabaqi karno oo aynu maalin walba aragno. Haddaba ninkaasi wuxuu yidhi:Khataraha jira ee uu qofku iska ilaaliyo ee uu ninkaasi tilmaamay oo dhowr ahaa ayaan ka soo qaadanayaa labadda ugu muhiimsan ee la xidhiidha qoraalkaygan maanta maadaama ay saxaafadda khusayso. Haddaba ninkaasi xikmaawiga ahaa ayaa yidhi labadan shayba weligaa iska ilaalli:1. Qofka wanaagsan haddaad intaad ku gardarootid oo aad la dagaalantid, isaguna wuu iska kaa celinayaa oo dadkuna way soo raacayaane weligaa ruux wanaagsan ha bahdilin oo ha ku gardaroon. Maalin ay noqotaba wuu kaa aarsanayaa ee khatar iyo godob meel kuu taalla weligaa ha sameynin ayuu yidhi ninkani. Aniguna waxaaban ugu sii daray haddii aanay tii Ilaahayba kaaga soo horeynin oo aanu u aar gudin qofkaa aad ku gardarootay oo iyaddan ta Ilaahay xisbaata ku darso.2. Waxa kale oo uu yidhi ninkani: Doqonka weligaa ha amaanin run buu moodayaaye. Taasina waa khatar ku iman karta bulshadda iyo adigaba.Haddaba labadaasi qodob ee halkan ku qorani waxay salka ku hayaan xaaladda maanta ka taagan Somaliland saxaafadeedda.Saxaafaddii madaxa banaanayd ee Somaliland lagu majeeran jiray ee aynu ku faanni jirnay laba kooxood uun bay kala noqotay. Midi waa Hubaal iyo dirkeedda oo mayal adag oo guntiga dhiisha isaga dhigay diidayna in ay dalka mawqifkiisa iyo guul wadaynta diidaan. Midina waa mid jeebka lagu shubtay oo gawskoodda dhaafsadday dhex-dhexaadnimaddii lagu yaqaanay saxaafadda maddaxa banaan oo u nuglaadday cago jugleeyntii ay xukuumadda Kulmiye ku haysay saxaafadda. Qaarna ay maal iyo hanti kale ku heleen guulwadayntii.Kolay dadku way wadda ogsoon yihiin waxa dalka ka dhacaya kuwa is leh waxan aad sameeynaysaan waad ku liibaanaysaana waxaan leeyahay haddaanay ciddi idinku maqnayn been baa naftiina u sheegteene Ilaahay baa idinku maqan.Dadka aad hagardaameeyseen ka sokow; shicibka, mucaaradka iyo Ilaahayba wuu idinku maqan yahay ee laabta u sheega in aan marnaba waxan aad waddaan aanay sii socon doonin. Dad horaa waxan ku haligmay oo ay taariikhdu qortay. Haddalka badin maayee; xagee baa laga dheellaa in Hubaal inta askar dirayskii qaranka loo diro oo hagardaamo loo geysto haddana iyagii la xidho maadaama ay daabaceen maqaal af-Ingiriisi ah oo ka waramaayey dhaliilaha xukuumadda Kulmiye oo uu qoray nin Maraykan ahaa. Dalka miyaanay cadaaladdi jirin? siddee baa warageys madax banaan inta la soo weeraro haddana layskaga xidhaa miyaaney ahayn in wixii dacwad u qabaa Wargeyska inta maxkamadda la geeyo oo dacwadooda la dhegaysto ka dibna la xidho. Haddii kuwii sharciga daryeeli lahaa ay iyagii jebiyaan miyaaney ahayn mid laga jidhiidhicoodo. Shacabka waxaanu u sheegaynaa in arrinkani laga dhiidhiyo oo aan marnaba loo dul qaadan. Waxan maanta dalka ka dhacayaa waa markii ugu horeysay ee dhacdadan oo kale ay dalka ka dhacdo ee hoos halaysugu noqdo.Saxaafadda kalena waxaan leeyahay sharaf iyo magac bulshaddiina kula dhex noolaadda Ilaahay mooyaane cid kalena ha ka baqina oo haw habranina oo daacadnimo ummadda ugu shaqeeya. Dadkaa geesi lagu yahay ee inta gawska dhaafsatay sharaftana ha u soo noqoto milgaha qofka bini aadamka ah taasaa in badan aad ku ceeshi doontaane maaha dan yar oo gaara oo madaxtooyadda kaaga xidhan inaad xadka u dhaaftaan.Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadayeGuri ba’ayna waa cadow ninkii, raarta sii gurayeGobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye. Tuducyo ka mida gabaygii Hadraawi ee Gudgude.Waxaanan baaq u dirayaa in xukuumadda Kulmiye dib isu xisaabiso oo saxaafaddu noqoto mid madax banaan oo Hubaal milgaheedii loo soo celiyo, jawaabo deg-deg ahna laga keeno weerarkii ku dhacay xarunteedda magaaladda Hargeysa. Waxa kale oo aan xukuumadda ugu baaqayaa in ay sii deyso dhamaan weriyayaasha u xidhan sida xaqdaradda ah ee lagaga aar goosanayo iyagoo fikradooda ka hadlaya. Weriyayaashaasi oo faro badan oo haatan xidhan. Dalku yaanu inaga noqon mid dadka hadlana la xidhayo, ka wax dilana la sii deynaayo. Ilaahay baa idin arkaaye xukun caadila ummadda u horseeda Kulmiyoow intaad talladda haysaan oo intii xukuumaddi hore sameysay haynaga burburinina. Ilaahay baa mahad leh.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured