SOMALILAND XARAARADDA QABYAALADDA OO MEEL HALISA MARAYSA IYO SHEEKH ISMAACIIL DHEEG OO SHEEGAY IN S/LAND KHATAR UGU JIRTO QABYAALAD KA BILAABANTA SIYAASIYIINTA IYO ODAYAASHA DHAQANKA OO SIDA SOMALIA CARUURTA KUBADDA CIYAARAYSA 4.5 AY KU QAYBSADAAN

0
Monday June 17, 2013 - 19:20:53 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1018
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SOMALILAND XARAARADDA QABYAALADDA OO MEEL HALISA MARAYSA IYO SHEEKH ISMAACIIL DHEEG OO SHEEGAY IN S/LAND KHATAR UGU JIRTO QABYAALAD KA BILAABANTA SIYAASIYIINTA IYO ODAYAASHA DHAQANKA OO SIDA SOMALIA CARUURTA KUBADDA CIYAARAYSA 4.5 AY KU QAYBSADAAN

    Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Sh. Ismaaciil Dheeg), ayaa sheegay in dalku uu halis ugu jiro inuu ku dumo qabyaalad, taas

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Sh. Ismaaciil Dheeg), ayaa sheegay in dalku uu halis ugu jiro inuu ku dumo qabyaalad, taas Hargeysa, (xogreebnews.com- — Sheekh Ismaaciil Cabdi Hure (Sh. Ismaaciil Dheeg), ayaa sheegay in dalku uu halis ugu jiro inuu ku dumo qabyaalad, taas oo uu ku eedeeyey inay ka soo bilaabanto Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka. Sheekh Ismaaciil Dheeg waxa uu uga digay jiilka soo koraya ee Somaliland qabyaalada, waxaanu tilmaamay in dalku maanta marayo in sidii Koonfurta Somaliland Caruurta kubadda ciyaaraysa 4.5 ay ku qaybsadaan xubnaha. Waxaanu sidaasi ka sheegay Hadal uu ka jeediyey Munaasibad loo sameeyey Arday ka qalinjabinaysay SIDAM COLLEGE oo lagu qabtay hotel Crown. “Waxaan jecelahay jiilka soo koraya Wilal iyo Gabdhaba inaan hal arin maanta idiinka digo, wadankeenu wuxuu khatar ugu jiraa wax qabyaalad la yidhaa, qabyaaladaasi siyaasiyiintay ka soo bilaabantaa, waxay ka soo bilaabantaa odayaasha dhaqanka/ Dalkeenu wuxuu halis ugu jiraa maanta inuu dumo alle ma dumiyee wuxuu khatar ugu jiraa Qabyaalad sidii Koonfurta in Caruurta Kubada Ciyaaraysa 4.5 ay ku qaybsadaan xubnaha. Waxaan aad iyo aad dhalinyarada ugu sheegayaa waar anaga da’dayadii hore bahashaasi way na qaadatayoo waanu ognahaye waar jiilkiina soo koraya hadaad mustaqbal fiican rabtaan rag iyo dumar, waa inaad Qadaadka ka tuurtaan waxa qabiilka iyo qabyaalada la yidhaa”. Ayuu yidhi Sheekh Ismaaciil Dheeg.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured