Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo ee Korontada oo daah-furaysa in Xeer ilaaliye cusub la magacaabayo

0
Monday June 17, 2013 - 19:03:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Digreetadii Madaxweyne Siilaanyo ee Korontada oo daah-furaysa in Xeer ilaaliye cusub la magacaabayo

    Hargeysa(xogreebnews.com-Digreeto uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Maareeye cusub oo wakaaladda Korontada ah ayaa daah-furaysa in Madaxweyne

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Digreeto uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Maareeye cusub oo wakaaladda Korontada ah ayaa daah-furaysa in Madaxweyne Hargeysa(xogreebnews.com-Digreeto uu dhawaan Madaxweyne Siilaanyo ku magacaabay Maareeye cusub oo wakaaladda Korontada ah ayaa daah-furaysa in Madaxweyne Siilaanyo damacsan yahay in uu dhakhso u magacaabo Xeer ilaaliye guud oo cusub.
Magacaabista Maareeyaha cusub ee korontada ayaa ahayd mid siyaasadaysan balse aan sharci ahayn sida ay Dadaka siyaasadda Odorosaa u dareemeen, waayo Maareeyaha cusub ma ahayn nin siyaasad iyo nidaam beeleed u soo maray xilka hase yeeshee waxa uu u galay Imtixaan taasoo uu xaq u lahaa in aan loogu mano sheegan.



hase yeeshee, madaxweyne Siilaanyo waxa uu magacaabistiisa uga faa’iidaysanayaa arrin ku salaysan saami qaybsi beeleed, taasoo keenaysa haddii uu Maareeyaha Digreeto ku magacaabay in xilka Xeer ilaalinta guud oo ay masuulka ku magacaaban isku beel yihiin meesha ka saaro, isagoo beesha uu ka soo jeedo ku qancinaya in uu xil kale ugu bedelay.
Si kasta ha ahaatee ilaa hada ma cada cida uu ku buuxin doono kursiga Xeer ilaaliyaha guud oo muddo ku siman shan bilood dalka Ingiriiska ku maqan. Ilo wareedyo soo baxaya ayaa sheegaya kursigaas Madaxweyne Siilaanyo in uu u magacaabi doono masuuliyiin qaarkood ka mid yihiin xafiiska Xeer ilaalinta gaar ahaana ku-xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud Aadan Muuse
Warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah Garsoorka Somaliland kaalintaasi buuxin doonaan, iyadoo la hadal hayo Rag uu ka mid yahay garsoore Cismaan Fanax oo ahaan jiray guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saaxil, balse dhawaan loo soo bedelay Hargeysa.
Dhinaca kale, waxa jira dareeno laga soo warinayo isla beesha uu Xeer ilaaliyaha Xilka hayaa ku doonayaan in loogu bedelo mansab kale oo ilaa heer wasiir ah, balse ilaa hada ma cada in magacaabisaha la sugayo ay ku jiri doonaan iyo inkale.
Si kasta ha ahaatee waxa la hadal hayaa Madaxweyne Siilaanyo in uu soo saaro xilal cusub oo uu magacaabi doono ka hor inta aanu u ambabixin safar la hadal hayo in uu dhawaan u bixi doono


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured