CIYAARTOOYGII KUBADDA CAGTA EE GOBOLADA HARGEYSA IYO GABILEY OO KU DAGAALAMAY MADAL WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDU CASUUMAD UGU SAMEEYEY HOTELKA MAANSOOR, MARKII LA KALA QABAN KARI WAAYEY OO ASKAR LOOGU YEEDHAY IYO GOOBTII OO AY GALLAFEEN, DHAAWACYO AY IS GAADHSIIYEEN IYO BOOLIISKA OO LOO DALBADAY

0
Monday June 17, 2013 - 18:59:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIYAARTOOYGII KUBADDA CAGTA EE GOBOLADA HARGEYSA IYO GABILEY OO KU DAGAALAMAY MADAL WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDU CASUUMAD UGU SAMEEYEY HOTELKA MAANSOOR, MARKII LA KALA QABAN KARI WAAYEY OO ASKAR LOOGU YEEDHAY IYO GOOBTII OO AY GALLAFEEN, DHAAWACYO AY IS GAADHSIIYEEN IYO BOOLIISKA OO LOO DALBADAY

    Ciyaartoyda labada Gobolada Hargeysa iyo gabilay ayaa isku fara saaray kulan qado sharaf ah oo manta loogu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciyaartoyda labada Gobolada Hargeysa iyo gabilay ayaa isku fara saaray kulan qado sharaf ah oo manta loogu

Hargeysa (xogreebnews.com-Ciyaartoyda labada Gobolada Hargeysa iyo gabilay ayaa isku fara saaray kulan qado sharaf ah oo manta loogu sameeyay hotelka Maan-soor ee Hargeysa.maan

Labada kooxood waxa wada casuumay oo qado sharaftan u sameeyay wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar, waxaanay ka mid yihiin afarta kooxood ee Semi finalka isugu soo baxay.

Ciidamo Booliis ah ayaa loo dalbaday kadib markii xaaladu faraha ka baxday ee dagaalka dhex maray uu gaadhay in ay kala kaxayn kari waayeen Askartii ku sugnayd Hotelka iyo dadkii joogayba.

Ilaa hada lama oga khasaaraha ka dhashay gacan ka hadalka labada kooxood dhex maray, hase yeeshee imika xaaladu way degantahay oo labadii kooxoodba Ciidamadda ayaa ka dareeriyaty Hotelka.

hase yeeshee sida dad goob joog ahaa xogreebnews.com- u xaqiijiyeen waxa ciyaartoyda qaarkood soo gaadhay dhaawacyo culus kadib markii ay isla dhaceen kuraasta iyo koobabka quraaradaha ah ee Hoolka lagu casuumay yaalay.

Arrintani ayaa fashilinaysa dhammaanba barnaamijkii ay xukuumaddu ku tilmaantay in koobka loo dhigay sidii dhalinyaradu isku dhex gasho loona dagaalamo tahriibka, iyadoo tiraba ay tahay markii shannaad ee sidani oo kale la iskugu faro saaro intii wareega cayaarahani socday




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured