Madaxweyne Siilaanyo oo u xadhko xidhan safar Faransiiska ah

0
Sunday June 16, 2013 - 19:09:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo u xadhko xidhan safar Faransiiska ah

    Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa dhawaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa dhawaan

Hargeysa(xogreebnews.com- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa la filayaa dhawaan in uu safar ku tagi doono Dalka Faransiiska caasimadiisa Paris.

Lama oga socdaalka Madaxweynuhu waxa uu daaran yahay hase yeeshee wararka hordhaca ah ee laga helayo safarkaasi ayaa ah mid daba socda booqasho dhawaan masuuliyiin Faransiiska ahi ku timi Somaliland, kuwaasoo loo aanaynayo inay martiqaadka Madaxweynaha iyagu sabab u ahaayeen.

Safarka Madaxweyne Siilaanyo ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago Dalka faransiiska, waxaana laga yaabaa Dawladda Faransiisku inay kala hadli doono xidhiidho dhinacyo badan leh oo ay aad u danaynayso oo kaga xidhan Somaliland.



Dawladda Faransiiska ayaa muddo badan Somaliland xidhiidh kala samaysay sidii loogu siin dayn lahaa kooxo Argagixiso ah oo ay ku furtaan Sarkaal ka tirsanaa sirdoonkooda oo Al-shabaab ka af-duubatay Muqdisho, hase yeeshee marna labada dawladood arrintaasi horumar kamay gaadhin.

Sidoo kale, Dawladda Faransiisku waxa ay inbadan danaynaysay Dekedda Berbera iyo in ay xidhiidh saaxiibtinimo oo Dublamaasiyadeed la yeelato Somaliland, balse isku daygaasi isna wax midho dhal ah muu yeelan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured