Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda kaga cawdaya Su’aalo xildhibaano Wadani ka soo jeedaa ku weerareen saaka

0
Sunday June 16, 2013 - 19:01:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 834
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland oo Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda kaga cawdaya Su’aalo xildhibaano Wadani ka soo jeedaa ku weerareen saaka

    Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa saaka hortagay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa saaka hortagay

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland Maxamed C/laahi Cumar ayaa saaka hortagay Golaha Wakiiladda Somaliland, kuwaas oo uu qudbad u jeediyay darted su’aalo ay ka weydiiyeen Siyaasadda Xukuumadda ee Arrimaha dibeda.

Wasiir Maxamed C/laahi Cumar waxa uu Mudanayaasha golaha uga xog-waramay siyaasadda Arrimaha Dibeda Somaliland halka ay marayso, waxaanu sheegay safaradii dhawaan ay ku tageen dibedda iyo shirarkii ay ka qayb galeenba in ay rajo fiican Somaliland ka gaadhay. Isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay xidhiidhka Turkiga, Ingiriiska iyo Igad, kuwaasoo uu sheegay Somaliland inay siiyeen fursado ay rayigeeda ku gudbisan karto.

Wasiir Maxamed C/laahi waxa kale oo uu ka waramay khilaafka Qaramada Midoobayiyo Somaliland ka dhaxeeya ee la xidhiidha Duulimaadyadooda iyo Xafiiska UNSOM isagoo sheegay labada arrimoodba Somaliland wax dan ahi ugu jirin isla markaana Xukuumad ahaan wixii aanay Danta qaranka u arkayn iska hortaageen, ilaa hadaana wadahadalo uga socdaan labada dhinac.

Qudbada kadib waxa Wasiirka su’aalo ka weydiiyay Shirkii Kiiniya ee uu ka qayb galay, Xasarada Webiga Nile-ka iyo mawqifka ay xukuumaddu ka taagan tahay dhawaaqii ka soo baxay Raysal wasaaraha Itoobiya.

Wasiir Maxamed C/laahi oo ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay xasarada Nile-ka ka taagan waxa uu sheegay Xukuumad ahaan in ay jecel yihiin Xal Nabadeed oo waara in laga gaadho isagoo sheegay in ay dalalka Caalamka iyo cida ay khusaysaba ku dhiirigelinayaan sidii looga hortagi lahaa dagaal ka qarxa.

Isagoo ka jawaabaya taageerada Itoobiya u muujisay Somaliland waxa uu sheegay in ay ka filayeen isla markaana taageerayaan Itoobiya isagoo xusay xidhiidhka Itoobiya iyo Somaliland in uu yahay mid adag oo midaysan.

Mar uu ka jawaabayay shirkii Ingiriiska waxa uu sheegay in qoraalkii warbaahinta lagu baahiyay eek a soo baxay Run yahay, basle waxa uu sheegay xidhiidh ka danbeeyay oo ay la yeesheen dadkii shirka abaabulay oo ahaa Dad ganacsato ah in ay isla qaateen markii danbe, waxaanu xusay wasiiradda Somaliya, Puntland iyo Kiiniya in ay si siman shirka uga wada qayb qaateen isagoo xusay in ay dan u arkeen ka qayb galkiisii.



Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd wefti Yemen ah oo dhawaan dalka yimi oo lagu sheegay saraakiil Milatari oo masaari ah waxa uu sheegay weftigaasi in uu ahaa Gnaacsade Yemani ah oo arrimo Gnacsi u socday.

Maxameda C/laahi mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd sababta uu markasta kalidii u socdaalo ee aanu u kaxaysan shaqaalaha wasaaradda, waxa uu kaga jawaabay arrintaasi in ay tahay masuuliyadiisa cida uu hawshaa u diranayaana aanay ahayn Xildhibaanada ee ay tahay hawl isaga u taala.

Wasiirku waxa uu ka xanaaqay su’aalo dhawr aha oo soo noqnoqday oo ay weydiiyeen xildhibaano u badnaa Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani, waxaanu Guddoomiyaha ku eedeeyay in uu fursado badan siinayo xildhibaanada Xisbigiisa ka soo jeeda, isagoo dhawr jeer Xildhibaanada si kulul uga jawaab celiyay su’aalahooda.

Golaha Wakiiladda ayaa manta arrintani samayn ku yeelatay waxaana ka muuqday in Goluhu u kala safan yahay Muxaafid ka soo jeeda Kulmiye oo tiro badan iyo Mucaarad kooban oo ka soo jeeday Wadani



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured