"Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, Waxa uu Tacab badan geliyey Shaqaalaha iyo Horumarinta Dekedda Berbera". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekedda.

0
Thursday May 09, 2019 - 21:05:35 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1335
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, Waxa uu Tacab badan geliyey Shaqaalaha iyo Horumarinta Dekedda Berbera". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekedda.

    "Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, Waxa uu Tacab badan geliyey Shaqaalaha iyo Horumarinta Dekedda Berbera". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekedda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi, Waxa uu Tacab badan geliyey Shaqaalaha iyo Horumarinta Dekedda Berbera". Maareeyaha Dekeda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi oo ka Warbixiyey Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Dekedda.
Berbera(Xogreebnews)- Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Eng. Siciid Xasan Cabdilahi, ayaa ka warbixiyey Markabkii ugu weynaa ee abid kusoo xidha Marsada Caalamiga ah ee Berbera.
Markabkan oo ah mid xajmigiisu dheer yahay, isla markaana sida 1400, Koontinar oo laga leeyahay Somaliland, ayaa markii uu soo xidhay waxa ka warbixiyey Maareeyaha Markabkaa Iyo badeecada uu sido, waxanu Maareeyuhuu u mahadnaqay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo tacab badan geliyey Horumarinta Dekedda Berbera.
"Markabkani waa Markabkii, ugu dheeraa Koontinarada ee abid kusoo xidha Dekedda Berbera, dhereerkiisu waa 210m, tirada Koontinarada uu sidaa waa 1400, waana Koontiinaradii ugu badnaa ee soo gaadhay Dekedda ee Markab soo qaaday, waxanay ahayd tiradii ugu badnay ee hore u Timi 700, taasi waxay ku tusaysaa awooda Dekeddu u yeelatay inay qaabili karto Maraakiib waaweyn, Dekedda waxa jooga shaqaale u tabobaran, soo xidhistooda.
Runtii shaqaalaha Dekedda Berbera, qaybta mareenisku way ismuujiyeen, waxanay soo xidhi karaan Markab kastaa oo xajmi kasta leh.
Waana Maalin Taarikhiyaa Maanta, waxaan Halkan uga Mahad celinaya Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, oo tacab badan geliyey shaqaalaha iyo Horumarinta Dekedda Berbera, sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa shaqaaleweynaha Dekedda gaar ahaana qaybta nareeniska".
Sidaas ayuu yidhi Maareeyaha Dekedda Berbera Eng Siciid Xasan Cabdilahi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured