Siilaanyo Shacabkii iyo Dhalinyaradii Somaliland Wuxuu Ku Kala Direy Qabyaalad iyo Eex,,Reer Koonfureedkana Wuxuu ugu sheekeeyaa iyara Suga Anigaa Keenaya Dadkan Beenta Loo Sheegay:-By Eng.Fasal Cali Waraabe.

0
Sunday June 16, 2013 - 10:02:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 886
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siilaanyo Shacabkii iyo Dhalinyaradii Somaliland Wuxuu Ku Kala Direy Qabyaalad iyo Eex,,Reer Koonfureedkana Wuxuu ugu sheekeeyaa iyara Suga Anigaa Keenaya Dadkan Beenta Loo Sheegay:-By Eng.Fasal Cali Waraabe.

    Gudoomiyaha Xisbiga ucid oo wareysi dheer bixiyey ayaa sheegay in Siilaanyo Shacabkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha Xisbiga ucid oo wareysi dheer bixiyey ayaa sheegay in Siilaanyo Shacabkii

Hargeysa(xogreebnews.com- Gudoomiyaha Xisbiga ucid oo wareysi dheer bixiyey ayaa sheegay inSiilaanyo Shacabkii iyo Dhalinyaradii Somaliland Ku Kala Direy Qabyaalad iyo Eex,,Reer Koonfureedkana Wuxuu ugu sheekeeyaa iyara Suga Anigaa Keenaya Dadkan Beenta Loo Sheegay.

Engineer Fasal isagoo sii hadlaya wuxuu yidhi ninka shalay ahaa gudoomiye beeleed marka uu madaxtooyada fadhiisto dee dalka wuxuu ku maamulayaa Qabyaalad iyo Eex waayo shalay ayuu ahaa gudoomiye beeleed markaasi gudoomiyayaashii beelaha ayaa dawladii galay oo taladii loo dhiibay,Waxaa kale oo dawladii somaliland galay wadaadadii somaliweynta ahaa dawladani cid kasta oo aan dalka daacad u ahayn ayey xanbaaratay.

Fasal wuxuu kale oo sheegay in aan qori caaradii dalka iyo dadka lagu xukumi karin wuxuuna sheegay in xukuumadani kalsoonidii shacabka weydey,dhalinyaradii dalkuna ay wadanka ka tahriibeen markii qabyaaladii xadhkaha qoosatay ee xukuumadani wax walba qabyaalad ku maamushay,dhalinyaradii waxay arki waayeen cadaalad iyo sinaan,waxay arkeen in aan khayraadkii iyo shaqadii dalka loo sineyn oo la qabyaaladeeyey markaasi ayaa tahriibkii laba jibaarmey.



Faysal wuxuu sheegay in tahriibkan hada taagan ee ay xukuumadu u sababta tahay ay keeni karto in aynu iska hornimaada oo khatarweyni inagu timaada hadaan xukuumadu joojin qabyalada,Eexda,musuqmaasuqa iyo qaraabo-kiilka. wuxuu kale oo faysal sheegay in shirkadihii shidaalku wadanka ka carareen markii xukuumadu qandaraasyadii shidaalka qabiil ku bixisay kadibna qabiiladii kale ee dhulkooda shidaalka laga qodayey diideen shirkadii in ay degaanadooda shidaalka ka baadhaan.

Fasal oo hadalkiisii sii wataa wuxuu yidhi beelihii SNM iyo somaliland taageeray ayaa qabyaalad ku heshiin la oo iyagii is qabyaaladeynayaan ,markaasi maxaad ka filaysaa beelaha darfyada ee Galbeed iyo bari, beelaha darfayadu way iska tegi doonaan hadaan si cadaalada wax loo qaybsan.

Faysal wuxuu yidhi walaalayaal maanta cadawga somaliland waa(Active) waayo halkan ayuu (signal)ka helayaa xukuumadu leedahay waa soo soconaa ee na yara suga dadkan beenta loo sheegay ayaa wixii lagu shubay aan ka shubaynaaye,markaasi walaalayaal ma beenbaa la inagu waday oo la inagu maamuulaa.

Faysal wuxuu yidhi walaalayaal somaliland ayeynu u dhalanay halkan ayeynu leenahay ciideena iyo calankeena waynu u dhimanaynaa waynu difaacanaynaa,, calankeenuna waa kaa ay ku taal( Laa Ilaaha Ila Laah) weligiina dhici maayo ee u diyaar garooba oo yaan la tahriibin


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured