Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Wado Inuu Dhawaan U Ambabaxo Safar Uu Ku Tagayo Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabiya Martiqaadna Ka Hellay Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga Amiir Salman Ibnu Cabdicasiis Al Sacuud Waa Socdaalkii Ugu Horeeyey Ee Hogaamiye Somalilander Ahi Ku Tago Sacuudiga

0
Sunday June 16, 2013 - 09:58:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 970
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Wado Inuu Dhawaan U Ambabaxo Safar Uu Ku Tagayo Dalka Boqortooyada Sacuudi Arabiya Martiqaadna Ka Hellay Dhaxal Sugaha Dalka Sacuudiga Amiir Salman Ibnu Cabdicasiis Al Sacuud Waa Socdaalkii Ugu Horeeyey Ee Hogaamiye Somalilander Ahi Ku Tago Sacuudiga

    Sida hawl wadeen ka tirsan xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u xaqiijiyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida hawl wadeen ka tirsan xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u xaqiijiyey

Riyadh (xogreebnews.com-—Sida hawl wadeen ka tirsan xarunta madaxtooyada ee magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u xaqiijiyey shabakadda xogreebnews. com- madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminayo, ayaa lagu wada inay dhawaan u baqoolaan dhinaca iyo magaalo madaxda dalka Sacuudi Arabiya ee Riyadh, isagoo madaxweyne Siilaanyo casuumad rasmi ah ka hellay dhaxal sugaha boqortooyada dalka Sacuudi Arabiya, isla markaana ah ku simaha xilka boqorka dalka Sacuudiga ahna wasiirka gaashandhiga Amiir Salman Binu Cabdicasiis Al-Sacuud.



Bidix Dhaxal-Sugaha dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya Amiir Salman Binu Cabdicasiis Midig Madaxweynaha SL Axmed Siilaanyo

Booqashadani madaxweyne Siilaanyo oo noqonaysa tii ugu horaysay ee abid taariikhda Somaliland uu hogaamiye Somalilander ahi si rasmi ah ugu tago booqasho dalka Sacuudiga ayaa casuumadda waxaa loo soo mariyey safiirka dalka Sacuudiga u fadhiya dalka Jibouti Ambassador Ibraahim Binu Cabdicasiis Al Noufal oo lagu wado inuu maalmaha soo socda dalka soo gaadho.

Dalka Sacuudi Arabiya oo isagu aad uga soo horjeeday in Somaliland dib ula soo noqoto madax-banaanideeda isla markaana sannadkii 1999-kii ay u diideen fiisadda dal ku galka Sacuudi Arabiya madaxweynahii hore Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal mar uu doonaayey alla ha u naxariistee inuu soo xajiyo ayaan la garanaynin waxaa iska bedelay wakhtigani dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya.

Bishii February ee sannadkani ayaa wasiir ku xigeenkii hore ee gaashandhiga dalka Sacuudiga Amiir Khaalid Binu Suldan Al Sacuud wuxuu henjabaad dagaal u diray dalka Ethiopia mar uu safar ku joogay magaalo madaxda dalka Masar ee Qaahira, isagoo wakhtigaasi sheegay in Sacuudi Arabiya ay garab istaagi doonto Masar haddii ay Ethiopia xidhato biyaha webiga Nile, lama garanayo in casuumadda dalka Sacuudigu ay qayb ka tahay olole ay ugu jiraan dalka Masar oo maalmahii ugu danbeeyey ka dhex socday gudaha jaamacadda Carabta iyo dalalka la dariska ah dalka Ethiopia.

Wallow boqorka dalka Sacuudiga Boqor Cabdalle uu xilka bishii April ka xayuubiyey wasiir ku xigeenkaasi wakhtiga hadalkaasi yidhi, haddana waxaa wararka diblomaasiyadda ee ku dhaw magaalada Riyadh tibaaxayaan in dalka Sacuudigu uu taageersanyahay go’aanadda dagaal ee dalka Masar, ma cadda hadda in casuumadda madaxweyne Siilaanyo loo fidiyey ay qayb ka tahay ololahaasi, balse Somaliland ayaa ganacsiga ugu balaadhan ee uu dunida kale la leeyahay la leh dalka Sacuudi Arabiya, iyadoo sannadkii loo dhoofiyo dalka boqortooyada Sacuudi Arabiya 3 Milyan oo neef oo xoolo ah oo laga dhoofiyo dekedda magaalada Berbera.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured