XUKUUMADDA OO SI HOOSE U BIXISAY BIRAHA ISKARAABKA AH EE WERSHADA SIBIDHKA BERBERA IYO HUBKA YAALA XERYAHA CIIDANKA BIRJEEX IYO TALISKA GUUD

0
Saturday June 15, 2013 - 10:27:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1025
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMADDA OO SI HOOSE U BIXISAY BIRAHA ISKARAABKA AH EE WERSHADA SIBIDHKA BERBERA IYO HUBKA YAALA XERYAHA CIIDANKA BIRJEEX IYO TALISKA GUUD

    Hargeysa (xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland ayaa si qarsoodi ah oo aan la marin nidaamka qandaraasyadda Dad ku xidhan Madaxtooyadda u siisay in

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland ayaa si qarsoodi ah oo aan la marin nidaamka qandaraasyadda Dad ku xidhan Madaxtooyadda u siisay in
Hargeysa (xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland ayaa si qarsoodi ah oo aan la marin nidaamka qandaraasyadda Dad ku xidhan Madaxtooyadda u siisay in ay iskaraab ahaan u furfurtaan Wershada Sibidhka Berbera iyo Hubka iyo gaadiidka yaala Xeryaha Ciidamadda Somaliland.

Sida ayaBaligubadlemedia u xaqiijiyeen dad ku sugan magaaladda Berbera waxa ku sugan koox dilaaliin iyo Ganacsato isugu jirta oo sidata qoraal loogu soo ogolaaday in ay Iskaraab ahaan u furfurtaan biraha ay ka samaysantahay wershada Sibidhka Berbera oo muran adagi ka taagnaa.


Kooxdan ayay hore Xukuumaddu warqad ugu qortay balse markii dareen cadho leh Reer Berber ka muujiyeen ayaa la hakiyay, hase yeeshee sida uu xaqiijiyay Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland C/risaaq Cali Cismaan waxa dhawaan Madaxtooyadda Somaliland wasaaradiisa u soo qortay qoraal ay ku dalbanayso in Kooxda doonaysa la siiyo.


Wasiirka wasaaradda Wershadaha Somaliland waxa uu sheegay ka wasaarad ahaan in ay qoraalkaas u gudbiyeen Guddida Qandaraasyadda Qaranka oo awood ahaan u leh in ay iyagu go’aanka ugu danbaysa ka gaadhaan, isagoo xusay qoraalka Madaxtooyadda ka soo gaadhay in uu Madaxweyne Siilaanyo ku saxeexnaa.

Dhinaca kale, Ilo wareedyo muhiim ah ayaaBaligubadlemdia u xaqiijiyay xeryaha Ciidanka ee Birjeex iyo Taliska Guud in koox kale oo iyana aan sifo sharci ah oo la ogyahay oo la baahiyay aan u soo marin ay bilaabeen in ay gurtaan biraha, Gadiidka iyo Hubka aan la isticmaalin ee yaala xarumahooda, kuwaasoo Iskaraab ahaan u Iib gaynaya.

Labadan talaabo oo aan la ogayn dariiqa loo maray ee u xalaalaysay in loo siiyo dad aan sharciga marin birahaas, waxa ay ka hor imanaysaa Digreetadii u danbaysay ee Madaxweyne Siilaanyo Amarka ku bixiyay in Biraha Iskaraabka ah ee yaala xeryaha Ciidamadda in loo xaraasho oo Ciidanka waxqabad loogu bedelo.

Guddoomiyaha Guddida Qanadaraasyadda Qaranka Somaliland C/laahi Xasan Nugaal ayaa sheegay in aanay jirin cid ay qoraal ay u sameeyeen oo loo ogolaaday, balse waxa uu sheegay in ay jiraan dad loo diray iskaraabka Dalka yaala oo soo ururinaya, waxaanu xusay in Ciidanka loo xaraashi doono sida ku cadayd Digreetadii Madaxweynaha.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured