WAR DEG DEG AH: HOOYO DHASHAY SEDDEX CARUUR AH OO LAGU TOOGTAY CAAWA FIIDKII XAAFADDA CALLAAMADAHA EE CAASIMADDA HARGEYSA DHAAWACIINA U DHIMATAY

0
Saturday June 15, 2013 - 10:21:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1087
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAR DEG DEG AH: HOOYO DHASHAY SEDDEX CARUUR AH OO LAGU TOOGTAY CAAWA FIIDKII XAAFADDA CALLAAMADAHA EE CAASIMADDA HARGEYSA DHAAWACIINA U DHIMATAY

    Hargeysa (xogreebnews.com-) Alla ha u naxariistee Raxma Maxamed Xaashi oo da’deeda lagu sheegay 35 sanno jir dhashay seddex caruur ah ayaa caawa fiidkii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-) Alla ha u naxariistee Raxma Maxamed Xaashi oo da’deeda lagu sheegay 35 sanno jir dhashay seddex caruur ah ayaa caawa fiidkii
Hargeysa (xogreebnews.com-) Alla ha u naxariistee Raxma Maxamed Xaashi oo da’deeda lagu sheegay 35 sanno jir dhashay seddex caruur ah ayaa caawa fiidkii abaaro 6:00 maqrabnimo lagu hor toogtay dukaan ku yaalla xaafadda callaamadaha ee koonfurta caasimadda Hargeysa wakhti ay marxuumaddu alla ha u naxariistee dukaanka Alkhaliij oo ku yaalla xaafadaasi ay ka adeeganaysay.

Dad goob joog ahaa oo ku sugna goobta ay Marxuumad Raxma Maxamed Xaashi alla ha u naxariistee ku qudh baxday, ayaa u sheegay in ay maqleen rasaas daran doori u dhacday iyo marxuumadda oo dhulka ku dhacday, ka dibna la waayey cid alla iyo cid toogatay, balse dadka goobta ku sugna ayaa isku dayey inay bad baadiyaan oo ula cararaan cisbitaalka Marxuumad Raxma iyadoo isla goobtaasi ku geeriyootay oo naftu kaga baxday ilaahay naxariistii janno fardawsa ha ka waraabiye.



Muddo seddex saacadood ah ayey ku qaadatay in ciidamadda booliisku ay goobta shilku ka dhacay soo gaadhaan iyadoo marxuumaddana alla ha u naxariistee loola cararay cisbitaalka dhexe ee magaalada Hargeysa, warar aan la xaqiijin oo dad goob joogayaal ahi u sheegeen Baligubadlemedia ayaa tibaaxaya in seddex xabadood ay Marxuumadda kaga dhaceen madaxa iyo laabta.

Dadka ku nool xaafadda callaamadaha ee koonfurta caasimadda Hargeysa ayaa falkani argagax weyn ku dhaliyey isagoo ah mid ku cusub magaalada Hargeysa oo ah magaalo aad ammaankeedu u adagyahay, alla ha u naxariistee Marxuumad Raxma Maxamed Xaashi ayaa wararku sheegayaan inay ahayd hooyo leh seddex caruur ah oo yaryar.

Xaafadda callaamadaha ayaa ah xaafad aan ka fogayn madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargeysa, ilaa hada lama garanayo cida dishay hooyadan


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured